heeso qoraal ah


heeso qoraal ah

Ma salguuro caashaqee
ani sibiq ma igu galay
Intuu samada ila tageey
saxar-qaadka fooraha
dul sabee ma igu yidhi
dhalanteed ma igu sabay
soojeede maqanoon
seexaneeyn ma iga dhigay
Baydka LabbaadMa salguuro caashaqee
ani sahal ma igu helay
sambabadiyo feedhaha
intuu surima kala baxay
maku soofay xididada
seediyo lafahiyo
wadnihii ma sarayoo
halistii ma sudhan yahay
Baydka SaddexaadMa salguuro caashaquye
ani sidiq ma ii dhigay
Intuu soortii iga jaray
suun adag ma igu xidhay
ma isaaray heegada
wax sanceeya mawloo
saakay maygu wayn yahay
suxuladaa ma ii dhigay

heeso qoraal ah

nin haween jeclaaday
hawl iyo dhibaatiyo
waayi maayo hadimee
anoo kuu hanweynweyn baad
halbowlaha i go’ysoo
warba iima haysidee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
Baydka labbaad
hedu way baxaysaa
ilayn haybsan maaye
aan kaa horeeyee
haddii kale aan hoydoo
halkii loo badnaa iyo
aakhiro u hayaamee
hadal tiro ma fiicne
adoon iga haraadin
maxaa kulaa hagaagsan
inaan kaa hadhaan
imika taladeed hayaa
hadaynaan heshiinayn
wa inaynu kala hadhnaa
kala hawl yaraysanaa
by abdi samed baashe xuseen

About these ads

5 Comments

  1. wooow caadii ma aha <3

  2. Wa heso ad umacan ad iyo ad u wanagsan ranti waxan leyahay wan ka helay

  3. Wah waah waxasa kaa hees

  4. Daman wan idinsalamay

  5. Waxan salamaya dalita soomaliyed waxan lehay fankin horay usiwata


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.