marxuum cismaan axmed kaahin


Marxuum Cismaan Axmed oo geeridiisa ay si weyn u naxdin gelisay ardayda iyo dadweynaha reer Berbera wuxuu1979kii ka mid ahaa Macalimiintii wax ka dhigi jirtay Dugsiyadda Somaliland, isagoo xilal kala duwan kazoo qabtay Dugsiyadda Dhexe iyo kuwa sare ee Goboladda Togdheer iyo Saaxil.

Sidoo kale waxa uu marxuumku ka mid ahaa Cayaartoydii Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Togdheer uga Qaybgalay Tartankii Ciyaaraha Goboladda Ee Xiligii Dowladii Soomaaliya, waxaanu Ciyaaraha kaga fadhiista, ka dib markii dhaawac kazoo gaadhay oo uu dhowr jeer ku jabay.

Marxuumka Geeriyooday oo mudo dhan 30 Sanadood ku soo dhexjiray Waxbarashadda Waxa uu hawlkarnimadiisa iyo Kartidiisa Macalinimo ku noqday Shaqsiyadd Sumcad weynleh, Isla markaana Ardayda iyo bahda Waxbarashadu iyo cid kastoo aqoon u lahayd ba wuxuu ahaa qof aad loo jecelyahay laguna Ixtiraamo habdhaqankiisa.

Rabbi naxariistii jano haka waraabiyee Marxuumku wuxuu kamid ahaa Xubnihii Tacliinta Somaliland Seeska u dhigay markii dalka dib loogu soo Noqday, Hawshaas oo aanu marnaba ka sasan Ilaa iyo waqtigan oo xilka uu hayey ahaa Kuxigeenka Gudoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Saaxil iyoMaamulaha Dugsiga Sare Ee Bursade

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s