diin
Gabadh Baadari qabay oo Muslintay

Qaahira-15-May-2008:-Gabadh uu qabi jiray nin Baadari Masiixiyiinta Masaarida ahaa oo la odhan jiray Wafaa Qusdandiin oo muslintay ayaa dhalisay mudaaharaaddo iyo rabshado u dhexeeya dadka Qibdiyiinta ah iyo ciidamada booliska iyo nabadgalyada ee waddanka Masar,halkaas oo ay ku dhaawacmeen ilaa 55 qof oo ka mid ah ciidamada ammaanka, dadkaas Masiixiyiinta ah oo ku doodayay in xoog lagu muslimiyay gabadhaas, lana afduubay, ayaa qayladoodu meel kasta gaadhay, waxaana markii dambe ku soo biiray wadaadka ugu sarreeya Qibdiyiinta Masar oo la yidhaahdo Baaba Shannuudaha 5aad, kaasoo bilaabay inuu galo Kiniisada la yidhaahdo Al-Inbaa Biishawi oo ku taala togga Nadruun, isaga oo sheegay inuu halkaa cabasho ahaan ugu jiri doono, haddii arrinku is badeli waayo ,taasoo uu inta badan sameeyo kaddib marka uu xumaado xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo dawladda,isagoo dhinaca kale isaga iyo taageerayaashiisuba ay ku eedaynayaan ciidamada amnigu inay qarinayaan gabadhaas ay leeyihiin xoogga ayaa lagu muslimiyay.

Dhinaca kalana wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa beenisay in gabadhan oo ay da’deedu tahay 46 jir, xoog lagu muslimiyay balse iyadu ay doonisteeda ku muslintay, iskagana tagtay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Abul-Madaadiir oo gobolka Buxayra ku taala ,146 km-na waqooyi ka xigta Qaahira.Wafaa waxay ka dhalatay qoys Masiixi ah oo ladan,waxayna ku dhalatay sanadkii 1959kii gobolka Al-Manuufiya, halkaas oo ay reerkooda kula noolay 23 sano, intii aanay u wareegin magaalada hadda ay degenayn kadiib markii la guursaday. Siddeetamaadka qarnigii tagay horraantoodii ayay shahaadada Injineernimo oo beeraha ah qaadatay, guursatayna nin Baadari ah, waxayna u dhashay wiil isna hadda Injineer ah iyo gabadh hadda dhigata kulliyadda Culuunta ee Al-Iskandariya.

Sida ay sheegtay gabadhaasi sababta ay u muslintay ayaa waxay ahayd bay tidhi:-” Waxaan si kadis ah ku daawaday barnaamij TV-ga ka socday oo uu nin sheekh ahi si fudud ugu fasirayay Aayado Quraanka Kariimka ah ka mid , markaas oo aan ogaaday in Quraankii ku soo degay Muxamed(naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye)in ka badan 1400 oo sano horteed uu ku hadlayay luqad fudud oo cid kasta fahmi karto”,waxayna intaa ku dartay:-“Barnaamijkii ayaan aad u dhuuxay anigoo si degen ku daawanayay ilaa uu ka dhammaaday, anigoo isla markaana dareemaya arrin igu cusub oo qalbigayga ka soo maaxaysa, qalbigayguna uu la soo ifayo arrin aan fahmayn gunteeda”. Dhinaca kalana maadaama ay cilmiga beeraha baratay waxay ogaatay inaanu Islaamku sida ay loo baray aanu ahayn diin fadqalalo iyo gaalayn dad kale ku dhisan, balse ay ka heshay su’aalo fara badan oo madaxeeda ku wareegayay sanado badan, markasta oo sii akhriso amaba barataba waxay sii ogaanaysa toosinada jidkan ay qaaday iyo saxnimadiisa, taasoo keentay inay Islaamka ku sii adkaato, iyadoo aanay cidi dareemin,Salaadahana ay si qarsoodi ah ku tukan jirtay marka qoyskeedu maqana yahay, amaba qolka ay hoos ka soo xidhan jirtay hadday qaoysku joogaan.

Sida ay sheegtay gabadhaas oo labo sano ka hor Muslintay waxay sheegtay inay Soontay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo sida ay sheegtay marmarsiinyo ka dhigatay xanuun xoog leh oo caloosha ka haya, anigoo doonayay bay tidhi inaan cidi i ogaan, hase yeeshee waxaa i ogaatay bay tidhi gabadha aan dhalay oo i maqashay maalin aan wiil muslin ah oo aanu meel ka wada shaqayno ka codsaday inuu ii keeno kutub diinta Islaamka ka sheekaynaysa,hase yeeshee bay tidhi iyadoo u warramayasa wargayska Al-Sharqal Awsad:-“Waxaan la yaabay sida aanay cabsi ii galin ogaanshaha ay gabadhaydu i ogaatay, waxaanan is arkay anigoo iyadii dajinaaya isla markaana isku dayaya inaan ku qanciyo Islaamka,inkastoo haddana ay iga diiday inay Islaamto waxaan ka codsaday inaanay arrinkayga cidna u sheegin, taasoo ay iga aqbashay, hase yeeshee waxaan dareemay Ramadaantii tii dhawayd ka horraysay inaanad sidan ku sii noolaan karin, siiba la noolaanshaha nin aan muslin ahayn, markaasaan u sheegay wiil aannu meel ka wada shaqayno waxyaalaha maskaxdayda ku wareegaya, markaasuu ii ballan qaaday inuu meel ii habaynayo, waxaanu ii soo helay qoys muslin ah oo Qaahira ku nool, waxaanan doonayay inaan Ramadaan ka hor ka tago gurigayga laakiin gabadhayda oo aad ii daba joogtay ina ilaalinaysay ayay ii suurtogali wayday inaan gurigii ka tago Soontii ka hor”.

Ugu dambayntiina waxaa ii suurto gashay bay tidhi muddo saddex wiig laga joogo inaan qoyskayga ku qanciyo inaan ku soo fasax qaadanayo Al-Iksanderiya guri aanu ku lahayn, taasoo la iga yeelay, maalin jimco ah ayaanan u dhoofay anigoo bay tidhi halkaa u hoyday habeenimadii, subaxii Sabtina waxaa ii yimid wiilkii ballanta ii qaaday anagoo u soo ambabaxnay xagga magaalada Qaahira oo aan ugu imid reerkii Muslinka ahaa ee i marti galiyay , waxayna sida ay sheegtay ka heshay soo dhawayn iyo martigalin diiran, inakastoo bay tidhi ay oyday markii uu wiilkii soo kaxeeyay ku noqonayay magaaladii ay ka yimaadeen, iyadoo sida ay sheegtay xasuusatay caruurteedii, isagoo aabihii reerka ay la joogtay markii uu iga yaabay bay tidhi sida aan u ooyayo uu ii sheegay inaan gurigaygii ku noqon karo taasoo aan si adag u diiday, anigoo u sheegay bay tidhi sida aan ugu faro adkahay hilinkatoosan ee aan qaaday. Waxayna sida ay sheegtay ay reerkii la joogay keeneen saldhigga booliska si ay u caddayso inay soo muslintay, iyadoo markii dambana tagtay qaybta baadhista amniga dawladda, kuwaasoo waydiiyay su’aalo ah in diinta Islaamka galitaankeeda lagu qasbay, taasoo sida ay sheegtay ay beenisay inaan cid qasabtay aanay jirin.

Waxay Wafaa iyadoo yaaban tidhi:-“Waligay maskaxdayda ma gelin maalin maalmaha ka mid ah ayaa warkaaga laga sheegi doonaa kanaalada wararka laga tabiyo laguna qori doonaa wargaysyada caalamka, sidoo kalana mudaaharaad dartaa loo samayn doonaa”, hase yeeshee bay tidhi:-“Waxaan qof kastoo Masiixi ah u sheegayaa inaan go’aankan kaligay gaadhay iyadoo cid i qasabtay aanay jirin, jidkaygiina aan gartay qalbigaygiina iftiinkii Islaamku uu ka bidhaamay muddo laba sanoba laga joogo, mana ihi dhoocil yaroo sidii la doono loo jahayn karo ee qof waayeel ah oo wax kala garanaysaan ahay”,ayay hadalkeedii ku soo gabagabaysay.

Jidka toosan ee Islaamka ee ay gabadhani qaaday oo keenay cadho badan oo ka timid dadka Masiixiyiinta ah ee ku dhaqan waddankaasi ayaa keentay inay ciidamada ammaanku laba jeer la kulansiiyaan Wafaa wadaado ka socda kiniisadaha waddankaasi iyo dad ay qaraabo yihiin oo la yeeshay kulamo hanuunin iyo toosin ah, iyadoo labada jeerba ka diiday inay raacdo si ay gurigeedii ugu noqoto, waxayna ku adkaysatay Islaamnimada ay qaadatay, iyadoo fadhigii ugu dambeeyayna ka akhriday Aayado Quraanka Kariimka ah , si ay ugu caddayso inaanay Islaamnimadeedu ahayn arrin gorgortan galaysa. Waxaana sida la filayo la qaban doonaa fadhi saddexaad oo ah ka ugu dambeeya oo ay ka soo qayb gali doonaan wadaadada ugu sarreeya kiniisadaha waddankaasi iyo caruurteeduba, halkaasoo haddii ay ku adkaysato Islaamnimadeeda ay Islaamkeeda ay si rasmi ah ugaga hor qiri doonto goobjoogayaal ka socda Az-Harka Shariifka ah iyo kiniisadaha Qibdiyiinta waddankaasiba.

Arrinta Islaaminada gabadhan oo waji gaar ah leh maadaama uu nin baadari ahi qabay ayaa sida warar soo baxay sheegayaan keentay inuu is daldalo ninkii qabay, inkastoo Baadariga la yidhaahdo Samcaan Shannuuda uu sheegay inaanu is dilin baadirigii Wafaa qabay ee lagu dawyaynayo dhakhtar ku yaala Al-Iksanderiya iyadoo sida uu sheegay laga dawaynayo cudurka macaanka oo ku dillaacay.Sida uu dhigayo xeer hoosaadyada kaniisaduhu haddii ay xaaska Baadari qabaa muslinto Baadarigii qabay waxaa laga xayuubiyaa xilkii Baadarinmo ee uu hayay maadaama bay yidhaahdeen uu xaaskiisii ka adkaan waayay inuu ku hayo jidka ay iyagu u haystaan inuu la toosan yahay.

Dhinaca kalana hoggaamiyayaasha Qibdiyiinta Masaarida ee dibadaha ku nool ayaa waxay soo jeediyeen in xukun daakhili u gaar ah la siiyo Qibdiyiinta Masiixiyiinta reer Masar, iyagoo waliba intaa ku daray in xukunkaa daakhiliga ah ay Nato kor ilaaliso, iyagoo sheegay in jidka arrimahaas xukun daakhiliga ku saabsan lagu dhammaynayaa ay qaadan karaa ilaa afar sano, iyadoo dhinaca kalana qorayaasha qaarkood ay qabaan in la sameeyo saare kala saaraya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta. Sida ay sheegayaan tirokoobyo rasmi ah oo laga sameeyay Masiixiyiinta Masar ku nool ayaa waxay sheegaan inay tiradoodu ka tahay bulshada waddanka ee 70ka milyan kor u dhaaftay 5.3% , halka tirakoobyada Qibdiyiintu ay sheegaan inay 10% yihiin, qaarkoodna ay sheegaan inay tiradoodu gaadhayso 10 milyan oo qof.

xaajitabliiq@hotmail.com

Hargeisa – Somaliland

Maydkii ninka nool dilay

Dhacdadani waxay ka dhacday degaanka Janaale ee Soomaaliya, nin wargaleen ah oo dhawr jeer Xamar tagay ayaa ii xaqiijiyay in dad odayaal ah oo aanu been ku tuhmayni ay u xaqiijiyeen in dhacdadan. Haddaba annaguna annagoo in lagu cibro qaato uga jeedna, rajaynaynana inay dadka dulmiga wadaa ku waano qaataan, kana baqaan aargoosiga Ilaahay, ogaadaanna inaan aargoosigiisu ka fogayn oo inta aan Aakhiraba la gaadhin inuu adduunkan ugu soo degdegayo iyadoo waliba ay ciqaabtii Aakhirana sugayso Ilaahay ha innaga nabadgaliyo e. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-“Ka baqa baryada dulmanaha, uma dhexeeyaan Ilaahay iyo iyada (baryada dulmanaha) daahe”. Sheekadiina waa taan.

Dagaaladii duufaanta colaadeed markii ay Soomaaliya ku habsadeen,wanaagiina indho beelay ayuu Cabullaahi ka qaxay Muqdisho, wuxuuna u qaxay degaanka ay beeshiisu daganayd oo uu doorbiday inuu ku badbaadi karo maadaama waxa laysku dilayay ay qabyaalad ku salaysnaayeen. Muddo ayuu degaankii beeshiisa ku noolaa, isagoo intaa wararka iyo waayaha degaankii uu ka soo qaxay aanu seeganayn, wuxuu had iyo goor safarada waydiin jiray inay Muqdishu iyo nawaaxigii Janaale soo mareen isagoo ka waraysanaya kolba cidda uu ka garto, hantidiisii ma guuraanka ahayd ee uu lafihiisa kala soo cararay, hantidaasi oo uu aad warkeeda u sii raadin jiray beer ama bustaam uu Janaale ku lahaa oo uu aad u jeclaa. Wuxuu sidaasi ahaadaba maalin dambe ayuu maqlay in nin kale beertiisii qaatay oo uu siduu doono ugu tagri falay, lexejeclo ka ahaatayaa ama hed dhammaatay noqotaaba meeshii uu joogay ayuu ka soo socdaalay , isagoo ay niyaddiisa ku jirto in cabsidii dhawr bilood ka hor soo eriday ay haatan yaraatay maadaama qolyihii ay ka soo carareen ay iyaga iskugu jirto colaad xun oo ka daran tii uu ka cararayna dhex taalo.

Wuxuu soo socdaba maalintii dambe ayuu isa soo dhex taagay beertii uu sanooyin badan tacbanayay, hantidiisii iyo xooggiisiibana ay galeen oo uu nin kale qori la dhex taagan yahay…Laysa salaan, waar maxaad ahaydna lagu yidhi…….Ninkii beerta lahaa baan ahayna ku jawaab….. Hadal waxaa loogu soo gabagabeeyay haddaadan ninyohow beertan dhaafin qorigan aan sito 30ka xabadood ee ku jirta way kugu dhammaan. Ninkii beerta lahaa intay cabsiyi gashay ayuu magaaladii dib ugu noqday si uu odayaasha iyo waxgaradka magaalada dhibtiisa ugu bandhigo maadaama uu ahaa nin magaalada laga yaqaanay, muddo badanna beertan beeran jiray, laguna yaqaanay nin xalaal quudato ah ehlu cibaadana ah.Gartii waxay rogrogantaba odayadii iyo waxgaradkii magaaladu waxay soo jeediyeen in ninka hadda beerta haysta loo tago, isla markaana lagu qanciyo inuu ninka beerta iska lahaa uu qayb ka mid ah u oggolaado, si uu isna u beerto.Arrintii loola tag ninkii xoogga ku haystay beerta markii muddo la murmayayna oggolaa inuu ninkii beerta lahaa badh siiyo, loo kala sooc, soohdinna loogu yeel, beertii beri halka beer ahaydna laba beerood laga kala dhig.

Muddo ayaa meeshii la wada joogay, nin walbana qaybtiisii beeray, markii ay gaadhay goortii beerta laga sugayay inay wax ka soo biqlaan, qaybtii ninka beerta iska lahaa ayaa si fiican ugu baxday, qaybtii ninku xoogga ku haystayse bixitaan daaye xattaa harame kama soo bixin.Caqligiisu wuxuu tusay ninkii beerta xoogga ku haystay in ninkan beerta asal ahaan u lahaa ee uu qaybta ka siiyay uu sixray,fal iyo wax beerta biiyayna uu u sameeyay qaybtiisa, xaggan iyo xaggan isagoon eegin ayuu intuu qorigiisii cabbaystay, ninkii oo beertii dhinac kaga jira la dul joogsaday isagoo ku qaylyaya waar fal baad ii qabatay sow maaha adna noolaan mayside dhimo,dhimo,dhimo,dhimo, baasna ku furay…..Sidii isagoo deero dilay oo kale ay la tahay ayuu meeshii isagoo laafyoonaya ka dhaqaaqay, gurigiisii ayuuna iska tagay. Xabbada dhacday oo ay dadkii meelaha ka dhawaa maqleen ayaa nin walba is yidhi bal ka war doon hadda, mise waa ninkii dhawaan yimid ee beertana lahaa oo mayd ah, laysku qaylo dhaami, meeshiina layskugu yimid, waxaa la damcay in maydka la qaado, mise dhulkaba lagama rujin karo, si kasta la yidhi, loo taag waa lagana quusay in la qaado, raggii meesha iskugu yimid talo ayaa ku caddaatay, war maxaynu yeelnaa iyo maxaynu yeelnaa lays yidhi, markii muddo lala dhakafaarsanaa sidii la yeeli lahaa, ayaa nin oday ahaa oo meesha joogay yidhi:-“Waar yaadhaheen ordoo ninkii ninka dilay, kaalayoo maydka nala aas ku dhaha” ,inta layswada eegay ayaa hadalka caqligalnimadiisa lagu soo wada hambabaray.

Ninkii ninka dilay oo gurigiisii jooga, wax dhiilo ahina aanay ku jirin ayaa loo yimid, waxa lagu yidhi ninyohow ninkii aad dishay dhulkii waa laga fujin kari waayaye kaalayoo nala qaad, intuu si quudhsi ah u eegay ayuu ku yidhi:-“Waar yaadhaheen maxaa idinka si ah ma mayd baan dhulka ka qaadi kari waynay baa arrin rag loola yimaaddo ah”…Kaalayow nala arag baa lagu yidhi…Waar bal inna mariya waad soo wadataan baan u malaynayaaye intuu yidhi ayuu horgalay, maydii uu saacado ka hor dilay intuu isa soo dultaagay si fuduna u qaaday ayuu yidhi:-“Bal waxaad noogu sheekaynaysaan arka saw anigan kaligay qaaday”, iyo haddaba ilaa aanu ka aasayno ha naga tagine nala joog, iyo waayahay laysku af garay. Maydkii baa la maydhay oo la kanfay, xaggii xabaashana loo qaaday,markii Salaaddii Janaasada lagu tukuday ayaa la damcay in iilka la dhigo, cid aan isagii ahayn oo qaadi katra ayaa la waayay, xabaasha gal oo maydka iilka dhig inta lagu yidhi, ayuu xabaashii ku dhaadhacay, ii soo dhiiba intuu yidhi ayuu maydkii damcay inuu iilkii dhigo, dhigitaankii uu maagay,gacmahana kala soo noqo uu is yidhiba, mise maydkii iyo dhulkii baa gacmihiisii ku dhagay, yaab ninkii,mar kale soo dhufay gacmihii mise dhulkayba ku sii dhagayaan, geesinimadii markii hore ku jirtay intuu iska waayay ayuu af labii yeedhay, kuye waar maydku wuu igu dhagan yahaye iga furfuraay…..Waar yaa muslinaay…War iga furfura. Dadkii xabaasha dultaagnaa rafashada ninka markay arkeen, qayladii af labadii uu yeedhayna ay ka saseen ayaa nin waliba hortaa bannaan u cararay, ninkii maydku ku dhaganaa markii uu arkay in dadkii yaaceen ayuu aad u sii qaylyay…..Waar xaggaad igaga cararaysaan….Waar miyaydaan muslin ahayn.. Yaa muslin ahay…..Waaryaadhaheen waar idiin mee. Isagoo waar idiin meeda haya ayaa dad ugu war dambaysay.

Warkiibaa sida dab caws qabsaday oo kale magaaladii u xulay, goor gabbal gaaba bay ahayde lagu dhici waa in xabaashii dib loogu nodo,qof walba cabsi baa gashay, waxay talo ku soo biyo shubatay inaan marka dhulku mugdi noqdo loo tagi karine, bal marka waa baryo laga war doono.Waagii markii uu baryay maalinimadii dambe barqo dheerna ay noqotay ayaa dadkii magaaldu ku ballamay bal inay ka war doonaan maydkii iyo ninkii xabaasha ka dhex qaylinayay waxa arrintoodu ku dambaysay, wax dhaqaaq joogsi lagu sii jiraba goor dambe ayaa xabaashii la is dul taagay, afka gacanta la wada saar.. hayay waar ninkii kalena dhimay…Alla! oo waabu ka hooseeyaaye…..Talow sidee wax u dhaceen… Ilaahay cilmigiisu badanaa…..Gardaruu ku dilayoo isna la god gal.

Qof walba wixii maskaxdiisa ku jiray markii uu ku celceliyay, lana arkay in ninkii shalay qaylinayay ee ninka maydka ah ee uu isagu gacantiisa ku dilay shalayna iilka dhigayay uu dusha ka saaran yahay…Yaab ninkii ninka beerta xaqa u lahaa xaqdarada ku dilay ayaa isna mayd ah, oo waliba maydkii uu iilka dhigayay ayaa ka korreeya, hoosta ayuuna isagu xigaa oo kan kore wuu maydhan yahay oo wuu kanfan yahay, isla markaana Salaaddii Jinaasada ayaa lagu tukadaye, isagu dharkiisii buu gashan yahay, lama maydhin, lagumana tukan, haddii lagu tukan lahaa oo la maydhi lahaa lamaba qaadi karo….Layskumaba dayin…. oo waa kee ninka geesiga ah ee intuu qabriga ku dhaadhaco labada mayd kala qaadaya, inay isku dhagan yihiina waaba la moodayay. Oday ka mid ah dadkii meesha yimid ayaa markii uu arkay xaaladda meesha ka taagan, iyo sida dadku iskugu buuqsan yihiin ee talo faraha uga baxsan tahay soo jeediyay in sidooda layskugu aaso,taladii la qaaday, sidoodiina loo aas, lagana dareer iyadoo dhafoorka la wada haysto.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s