mucjiso


c

MUCJISO – Neef Xoolo Ah Oo Ri Ah Oo Dhashay Waxar Muuqaalka Dadka Oo Kale Leh Iyo Mucjisooyinka U Gaarka Ahaa Ee Aanay Cidi Wadaagin.

Mombaza-(HWN)- Degmo lagu magacaabo Jomvu, oo ku taala dhinaca galbeed ee magaalada xeebta ah ee Mombasa, ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday todobaadkan aynu ku jirno Dhacdo mucjiso ah oo ka yaabisay dadka.
Dhacadadan ay dadku dhegaha ka ruxeen ayaa timi ka dib markii neef xoolo ah oo Ri ahi ay dhashay neef la yaab leh oo muuqaalka wajiga, sanka, carabka, afkaba iyo xubnaha tarankaba uga eeg qof bina”aadam ah.

Haweenayda iska lahayd neefkan mucjisada ah oo lagu magacaabo Ms Mwenda Kalisho, oo u waramaysay warfidiyeenada ayaa sheegtay in Ridanai ay dhashay waxar yar oo leh xubno badan oo muuqaalkoodu la mid yahay kuwa dadka, sida wajiga iyo xubnaha tarankaba.

Haweenaydan ayaa tibaaxday in ay ka amakaagtay oo ay la fajacday dhacdadan la yaabka leh, ka dibna ay aastay neefkii yaraa ee ay Rideedu dhashay, waxaanay ka sanqadhisay in ay dhacdadan ogaayeen iyada iyo dad ka mid ah jaarkeeda.
Geesta kale, Kooxo xaqiiqo raadis ah oo ka socda Dawladda hoose ee magaalada Mombasa iyo koox dhakhaatiir ah oo ku takhasusay xanaanada xoolaha ayaa soo soo gaadhay goobta ay dhacdadani ka dhacday si ay baadhitaano dheeraad ah oo loogu kuur galyo sababaha keenay arrinatn ku samaynaya neefkan mucjisada ah.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s