suugaanta


qaybta suugaanta

Sayid Mohammed Abdulle Hassan’s Poem about Majeerteens

Majeerteen iyo Boqor Cismaan ayuu Sayidku gabaygan u tiriyey isagoo difaacayey Daraawiishta iyo halgankoodii oo Boqor Cismaan laf-dhuungashay ku noqday:

1. Majeerteen majnuun inuu yahaan, marag u haystaaye

2. Waa niman masakhan oon ahayn, midhaha Daaroode

3. Waa niman siddii Moolaadhabe, miciya dheerdheere

4. Waa niman maddada oo cir weyn, oo masiiba ahe

5. Waa niman lafaha mudhuxsadoon, muruqna reebayne

6. Waa niman haddad min u furtoo, malab durduursiiso

7. Ama aad maqaarreyda geel, xero u meegaarto

8. Waa niman inay mahad naqaan, laga malaynayne

9. Cir milshiyey dhulkoo malaf ka baxay, maalka oo dararay

10. Waa niman martidu eeyan tegin, madal ay joogaane

11. Waa niman madaal inay baxshaan, loogu muhanayne

12. Waa niman haddaad gabadh markab ah, maqaasiinka u geyso

13. Wuxuu fiidka horre mayracoo, marakabeeyaaba

14. Waa niman masaladood jabtoo, hooyadood mira e

15. Waa niman misciliisha ugu jira, sina u meerkeede

16. waa niman candhada laga maraa, milil ka dhiiqaaye

17. Waa niman maruubada la’oo, minidu dhaaftaaye

18. Waa niman siddiii mowle bahal, laga mareertaaye

19. Waa niman mareeg lagu dabraa, sida maliid awre

20. Waa niman madhuushoodu tahay, mooye qaab darane

21. Waa niman margigu siiban yahay, iyo mataanuhuye

22. Waa niman macaankii jannada, meel aan ku lahayne

23. Waa niman futadu maastahoo, duud maloogna ahe

24. Waa niman miskaha lagala dhacay, qaare madax weyne

25. Waa niman minjuhu ay yihiin, miiqan taag darane

26. Gabaygaa ha laguu maadsadee, mariya oo geeya

27. Markab nagaga sii qaada oo, meel walba u dhoofsha

28. Nimankii makhaayadaha fadhiyey, naga mihiibsiiya

Diin

Welcome http://www.xaaji.co.cc
Sayidka

Taariihkhdii Sayid Mohamed Abdulle Hasan

shaqsiyadii adkeed ee (sayidka) oo kuwana aay u arkaan waali (reer Galbeedka), kuwana neecaaw malaa’igeed (barakaysneed).

CADAALAD SAMEE. Barashada taariikhda ninkan waa lamo huraan waxayna ogalaanaaysaa in loo cadaalad sameeyo ninkii dadkii isaga ka soo horjeeday ee yurubiyaanka ahaa aay ka rajo dhigeen hoos u dhigida nin karmeedkiisa soo jiidashada leh, inkireena in uu yahay siyaasi qaran oo kudayasho mudan.

Waxay soo bandhigaan in uu yahay oo kale hadal macaane fara dagaalka barakaysan (jihad), si uu ugu guuleesto macmacaanka janada Alle, amabe uu yahay damac badane la yaqaano, ama maskax gaabane kibir badan ku riyoonaya in uu sharcigiisa ku soo rogo dhulka soomaaliyeed oo idil isagoo isticmaalaya diinta sida hub oo kale si uu u gaaro dano siyaasadeed. Sida nin waalan oo kale ayey ku tilmaamaan. Waalida oo uu ingiriisku u yaqaano diidmo la diido in maamulkiisa la hoos yimaado.

Hal kani waxa hubaal ah in aay rideen xukuno iska soo horjeeda oo aan xisaabta ku daraynin shaqsiyada aan la heli Karin ee ninkan, amaba xaaladii adkeed ee bulsho, diimeed ama dhaqan kuna saabsan meesha aay dhacdadani ka dhacaysay. Hadii uu ninkani yahay sida aay ku tilmaameen, su’aashu waxa weeye siduu ayuu Mohamed Abdulla Hassan ugu guuleestay in uu hogaamiyo bulsho xornimo reer guuraa ah heesta qarkana u saarneed (Anarchi) foowdo. Amaba sidee ayuu u kiciyay una dardar galiyay baraarujin heer qaran ah isuguna keenay awoodii umamadda iimaan adag hoostii ?. Sidee ayey ku dhacday in inta badan ummaddu aay raacdo, oo uu u istaagay hubkana u qaatay cid walba oo qatar ku ah diintiisa, xornimadiisa qatar galinaya amaba wax u dhimaya madax banaanidiisa.

ADKEENTA MIDNIMADA QARAN.Ninku waa digaa,hubaal, nin aragti dheer aragtidiisuna waxay tahay hal wadan mid ah oo soomaali oo dhan lagu mideeyo kuna dhaqma diintooda Islaamka, taas oo hoos imaada hogaamiye la xurmeeyo. Wadan hor ka ah gumeeysi shisheeye. Digaa wuu yahay sida har aan shaki ku jirin oo kale, maxaa yeelay wuxuu fahansan yahay diin, diinta Islaamka umana arko in aay xanibaad ku tahay, ee wuxuu u arkaa in shardi muhiim ah aay u tahay hirgalinta qorshahiisa.

Wuxuu qabsaday, dhab ahaantii kacdoonta xaqa ah ee Islaamka kaasoo dabagadiya habdhismeed bulsho qadiimi ah, wuxuuna kala diray xiriirin soo dhaweeysasho qabiil dartii ah, kuna badalay mid caalami ah kaa soo ah iimaanka dadka ka dhaxeeya (Islaanimada). Wuxuu balaariyay dimoqraadiyeeyayna aasaaska bulshada taas oo qeyb weyn ka ciyaaraysa adkeenta midnimada qaran ahna shardi lama huraan halgankii guulaha badnaa oo uu kaga soo horjeeday soo duulayaashii shisheeye.

HADII UU DHALAN LAHAA NUS QARNI KADIB, Mohamed Abdulla Hassan, xaqiiqadii lama inkiri laheen in uu ka mid yahay hogaamiyayaasha Islaamka ee horumarka jecel. Kuwaas oo qalabka warbaahinta aay noo tusaan, mar walbo oo wadan ama ummadd dhibaato tii ugu xumeyd loo geestay marka aay raban in aay ka dul qaadaan aay yihiin (wadaadada), kuwa raba in aay soo rogaan xukun laga tagay, cadaadis ah oo aay dabada ka riixayaan awoodo gumeeysi.

Wuxuu hor kacayay ummadd diidaneed kala googoonta dalkooda, aqoonsigooda qaranimo, dhaqankooda iyo diintooda. Waa in la ahaadaa qof waalan si aan loo garan in uu gumeestuhu u yimid Africa in uu ka manaafacaadsado si sharci daro ah qeeyraadkeeda. Uma uusan iman Africa in uu nabadeeyo qabaa’iladii la kala googooyay, kuna badalo musuqmaasuqa iyo gaajada cadaalad iyo horumar.

BAL MAR UN DAACADNIMO XASILOON LA IMOOW. Damaca ah in la fahmo dhacdooyinkii murugada lahaa ee Afrikada Bari ee qarnigii 20aad waxay nagu qasbaysaa in aan daaha ka qaadno, ka sakoow muuqaalka waji macbuuska ah ee keydka taariikhda gumeystaha noogu yaboohay, shakhsiyada dhabta ah ee ninkan oo isku wada helay karti walba oo aay Soomaalidu u bogaan kana dalbadaan in aay hogaamiyeyaashoodu la yimaadaan : Wuxuu is ku darsaday daacadnimo aan la loodin karin , nin og waxa uu doonayo oo uu qofna shaki ka gali karin sidaa ayeey ahayd nolol maalmeedkiisa.

Heybad aqoon suugaaneed qoto dheer aay wehliso una sahleeysa in uu taabto qanciyana dhageestayaal fara badan, geesinimo ruuxi ah , soomajeeste goobaha dagaalka , deeqsi nafta kuu huri taas oo isaga ka dhigeeysa bini’aadan dhab ah.

HAYBAD HOGAAMIYE :

Markii uu go’aansaday in uu ficil ahaan u gudagalo hoowshiisha siyaasadeed iyo tan militariba, Mohamed Abdulle Hassan waa nin ah raga meesha aay ugu xoog iyo xeelad badan yihiin. Waxa uu leeyahay haybada dabiiciga ah ee lagu yaqaano reer miyaga Soomaaliyeed. Waa guureeye aan daalin uuna yar yahay qof ka faras aqoon iyo eryi og. Wuxuu dagaal yahan ku noqday baayadii uu ku noolaa oo mararka qaarkood aadanaha cadow u ahayd, wuxuuse ka korarsaday gobnimo iyo xigmad lagu yaqaan ummaddaha daga miyiga iyo lama dagaanada.

Midabkiisa maariinka ah, garkiisa madoow gaaban si wanaagsana loo jaray marka lagu daro toobkiisa cad, cimaamada soo gaarayso garkiisa hoose dabooleeysana wajiga xaga hoose marka uu jiro hardanka dagaaleed oo socda ilaa gacanta la iskula tago boor guduudxigeen ahna cirka is ku shareero ayaa waxa aad u bogaysaa haybada ninkan Alle siiyay.

Dilaac yar oo reestay ayaa isha bidix korkeeda kaga yaalay kana soo gaartay dhicid faras, uma qalanto xitaa in la sheego dhaawacan reestay, taas oo aan waxba u dhimaynin is haysashada quruxda badan ee tinta indhaha korkooda kaga taala 30 julaay 1899, ayuu qunsulka guud Sadler uu ku wargaliyay xafiiska arimaha dibada, warar lagu kalsoon yahay kadib, in uu wadaadku waashay, waxa la leeyahay labo xabodood ayuu la beegsaday wiil uu adeer u yahay oo uu faraskiisii ka dilay. Dad ehel ah oo soo kala dhex galay ayaa baajiyay in dhibaato kale aay dhacdo. Naaneestan raqiiska ah kama aanay harin waxayna noqotay olole sumaysan oo laga faa’ideysto maalmo ilaa sanooyin fara badan waalidan aan salka lahayn.

Douglas Jardine wuxuu ku sheekeeyay in Mohamed Abdulla Hassan uu dhaqtar qaliin oo aan qibrad badan lahayn uu qaliin ku sameeyay lafna uu ka saaray maskaxda xaga sare taas oo sharaxeysa dhaawaca iyo caadinimo la’aanta maskaxeed ee ninkan.

DAMAC XORNIMO & MADAXBANAANI.

Fikrada waalida iyo sharaxaada lagu qoslo oo aay bixiyeen, waxa ku qarsoon dhaawac iyo niyadjab qoto dheer oo soo gaartay maamulkii gumeysiga ingiriiska , kuwaasoo aaminsanaa in mar un aay yareyn doonaan hamuunka hogaamiyaha soomaaliyeed iyagoo isaga ugu yaboohaya boqortooyo si taxadar leh loo cabiray halka loo yaqaano Ogaden, meelo xadidan iyagoo kor ka ilaalinaya. Halkaas ayuu ku faraxsanaan lahaa marka iyaga loo eego oo aaminsanaa in uu magac iyo awood raadis yahay.

Halkan waxey ku muujiyeen markale in aayba fahansaneen ninka iyo dadka aay rabaan in aay jilbaha dhulka u dhigaan. Dowlada ingiriisku waxan wili ka dhaadhacsanayn in isku dayida ah in Mohamed Abdulle Hassan laga dhigo boqor ama suldaan tiyaatareeyd ay isaga ula mid tahay sida deero caadeestay xornimo ku daaqid aan xad iyo walwal lahayn oo xiro xayawaaneeyd silig lagu ooday lagu xareeyay,

Qorshahan ujeedadiisu ahayd daminta, xakameenyta iyo in uusan fidin maamulka Sayidka markii Dowlada Ingiriiska aay daaha ka qaaday si rasmi ahna ugu soo gudbisay Mohamed Abdulla Hassan , wuxuu kala hor yimid quursasho iyo diidmo qayaxan taasoo dhalisay kala go labada dhinac .

kala go’aasoo sababay dagaal aay Ingiriishu go’aansadeen ayagoo markaa u cuntami wayday diidmada sayidka. Bal eega ninkan ku candhuuf tufaya boqortooyadii aan ugu yaboohnay, nabad iyo in aan danahiisa ku ilaalino awood adag, wuxuu quursanayaa raaxada aay leedahay in uu noo jilbo jabsado, kana door biday in uu difaaco ilaa neefta ugu danbeyso aay ka baxdo waxa uu ugu yeeray « Xornimadiisa & Sharaftiisa », taas oo uu aaminsan yahay in aay tahay qaninimada kaliya oo uu leeyahay.

Sheeko soomaali la bagac baxday « goolcas iyo Lax » ayaa si wanagsan u turjimaysa u hanqaltaagida xornimada iyo badaxbanaanida uu Mohamed Abdulle Hassan tusaalaha ku dayashada mudan u yahay.

Tusaale Seyid Maxamed iyo Gooni:

Seyid Maxamed oo ahaa hogaamiyihii halgankii Daraawiishta iyo gabayaagii la odhan jiray Gooni kana tirsanaa dadkii Hobyo looga talinayey halgankaa iyo Seyidkana kasoo horjeeday ayaa waxaa dhexmaray colaad maanso oo gadaalkii hal-xidhaale isu rogtay. Collaadooda maanso waxaa saldhig u ahaa collaadii siyaasadeed ee u dhaxaysay Seyidka iyo intii jihaadkiisa ku gacan saydhay ee uu Gooni ka mid ahaa. Gooni wuxuu tiriyey gabay dheer oo hal-xidhaale ah kana kooban 16 qodob kuna wada dhamaada “waa cajabee sheega?” Seyidku markuu tixdaa helay mid mid ayuu u furay isagoo waliba cambaarayn iyo ceebayn jawaab kasta ku ladhaya. 16kii qodon in aan wada sheegno waqti u heli mayno ee saddex qudh ah iyo jawaabtii Seyidku ka bixiyey aan isku soo koobo.

Wuxuu yidhi Gooni:

* Rag cayaayir iyo maanso waa camaladiisiiye
* Caynaanka anigaa u haya iyo celiyaheediiye
* Kol haddaan calaqo looma furo cagaha dheeldheele
* Lix iyo tobon hal oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
*
* Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
* Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
* Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajab ee sheega?
*
* Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
* Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
* Aan naaso cayntood lahayd waa cajab ee sheega?
*
* Cir unkaday hilaac laga cabsaday karadh cabaadaysa
* Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab ee sheega?

Seyidkaa furay oo wuxuu yidhi:

* Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
* Oo ciida loo dhigay afkii laga cashaynaayey
* Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
* Cid hadaad u baantee na tidhi cara e yaa sheega
* Candho weeye oo waa aqaan caynka ay tahaye
* Adse hadaad ciniin tahay maxaa canugu kaa dheefi?
*
* Ceesaamo kuu dhalay riyo aan dhiilo loo culanin
* Oon dhay casuus leh iyo gadhoodh caraf leh waayeynin
* Aan naaso cayntood lahayd waa cod aan jirine
* Caynkaa waxaad mooday waa calafkii beereed e
* War ceesaan miyaad tahay maxaa calaga kaa yeelay?
*
* Onkad iyo hilaac laga cabsado karar cabaadaysa
* Oon rays cidhbaha laga dhigayn waa cajab Ilaahe
* Isagaa calaamo iyo lahaa ciiro iyo qiiqe
* Waa maarahaan kugu cuskaday dirirtii Cowbaare
* Dhiigii carada qooyey waa cadar di’iisiiye
* Maxaadse u tidhi rays cagtiyo cidhibta maan saarin?!

Seyid Maxamed ayaa markaa,, markuu tii Gooni furay ayuu wuxuu tiriyey tix hal-xidhaale ah oo uu dhextaal uga dhigay “cara ee yaa sheega” kana kooban dhowr iyo toban qodob iyaduna. Tixdaa waxaa wada furay Gooni. Shan hal-xidhaale iyo jawaabihii Gooni ka bixiyey shantaa ayaan isku soo koobayaa.

Wuxuu Seyid Maxamed yidhi:

* Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la’aaneed e
* Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
* Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?
*
* Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin
* Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
* Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega?
*
* Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
* Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
* Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
*
* Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
* Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la’aynaaya
* Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?
*
* Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
* Culaysna loogu go’ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
* Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

Shantaa qodob jawaabihii Gooni ka bixiyey waxay ahaayeen:

* Anagaan ciraab li’i ku kicin curuf la’aaneede
* Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho
* Wax cad oo madow sow indhaha ina caroow ma aha
*
* Waxa dunida caadil u ah oon ciddi khilaafaynin
* Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo
* Aan calalna oogada ka qabin waa cajab Ilaahe
* Cunno weeye oo waa aqaan caynka ay tahayee
* Caradhoonku waa waxaad kurtiin calalinaysaane
* Maxaad iga cimrayn saa anaa kaa ciraab badane
*
* Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne
* Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase
* Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
* Ma adaan caraabada gudmada ceelasha u qaadin
*
* Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin
* Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la’aynaaya
* Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
* Cudaarkiyo xidkaha kale miyuu calagu noo sheegi
*
* Wax caanataynka iyo ka fudud caaradiyo baalka
* Culaysna loogu go’ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
* Caqli nin aan lahayn haatan waa la cajabaayaaye
* Camcamada nafta iyo waa danbiga laysku caajimaye
* Nin cadaab ka baqayaa ma falo camalka qaarkiise
* Cowdiyo bilee Eebe maa laga cabsoonaado

Aw-Axmed Diini:

* Shan kun oo nin oo wada shaxdoo shir iyo ceel joogta
* Oo wada sharaaka ah haday naftu shaqaynayso
* Asaan shaado xoollo ah lahayn wadana shoobaysa
* Aan shabaabka iyo sheekha iyo sheybku kala soocmin
* Wadana shiil modow ah aan casaan ciddi ku sheegaynin
* Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?
*
* Ceesaamo wada shoob casoo lag iyo shii gaadhay
* Oo sano shawaalkeed rimoo shahar ku uuroobay
* Aan naaso shaygood la arag wadana sheemaysan
* Oo uunku wada shaabacdoo dharag ku sheebaystay
* Maxamuud hadaad shicir taqaan sheeg hadaad garato?

Nasiib darro, ma aanaan helin mana ogin in ay jiraan iyo in kale jawaabo uu Maxamuud ka bixiyey labadaa tuduc.

Waxaa mudan in loo fiirsado fikrada meesha ku jirta ee ah gabayaanimada Maxamuud iyo aayihiisa suugaameed in ay ku xidhan yihiin kolba siduu u garto jawaabtaa iyada ah ee furaheedu laabta Aw-Axmed Diini uu ku duugnaa.

Mid kalana waa kii lahaa:

* Gud iyo Yicib gaydhiyo maraa geedo tiro gaadhay
* Haddaad gabay nin shaacir ah ku tahay goynka ka higaadi?

Wuxuu ku jawaabay:

* Gud iyo yicib gaydhiyo maraa waysla laba geed e
* Garaad laawe yahoow ma anagaa garan aqoon waynay

Barnaamijkii Fanka iyo Suugaanta ee Radio Muqdisho ee uu soo jeedin jiray Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Seyid M A Hassan
Markii Taleex la dhisay oo ay Darawiishtii xarun u Noqotey, magacoodii iyo maalkoodii kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah mooyee. aan aadane waxba ka tarayn ,murtidii iyo gabayadiina si aan qiyaas lahayn u soo baxeen ayaa Daraawiish ammaan iyo af-laggaadaba gabayo badan loo soo mariyey.
Cali jamac Haabiil oo ay sayidka xafiiltan lahaayeen raggii daraawiish ka soo horjeedeyna oo gaalada ingriiska u shaqaynka jiray ka mid ahaa ayaa dhawr gabay oo ceebayn ah Sayidka u soo diray. Inkastoo sayidku gabaygaan dadoo dhan wada mariyey; haddana ugu weyni waxay ahayd cali jamac, in loogu hal daro . U FIIRSO: Gabaygaan wuxuuna ina tusayaa murti, aftahamo iyo hadal-oqoontii Eebbe weyne hoodo uga dhigay Sayid maxamed cabdulle xasan.

Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo,hinif dabayl baa leh
Hanqar iyo hillaac bililigliyo,halalac roob baa leh
Cir habqamay xareed laga harqaday, haradigeedbaa leh
Xiin hawle iyo heega curan,hogol daruuraa leh
Hir doogliyo caleen hamasha iyo,habatac ciid baa leh
Maal hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh
Caanaa had iyo jeera iyo heeshi,ramag baa leh
Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo,hawl yar ari baa leh
Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh
Habaqliyo harraad iyo kulayl,hilin abaaraa leh
Hadii hadowga geedood engego,horasho ceel baa leh
Hagahagi hunguri duulayiyo, hogo kaliilbaa leh
Harac iyo qabow lala herjado,hadh iyo raaxaa leh.
Hawo iyo hilow gacalo iyo,hurud nabdoon baa leh.
Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareenbaa leh.
Lugi waa higiishee himmiyo,halabsi neef baa leh
Haad iyo haldhaa roori iyo,huguf gammaan baa leh
Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf dhooddaa leh
Hanaf booddo iyo xoog sengiyo,hadafa buubaa leh
Himbiriirsi meel foga magaan,higigifleeya leh
Hadii nadigu kaaraha ku dhigo, haawis xamarbaa leh.
Aar soo hingoodiyo bad iyo,hugun rasaas baa leh
Habaas kacay halaakiga dhacsiga,halowna geesaa leh
Haliilyaale aan dhiiraniyo, haadii fuleybaa leh.
Hankakoobsi iyo booto iyo,hoobsi guluf baa leh
Hamham iyo humsiga reenka iyo,higilla guutaa leh
Hannas weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh.
Heeraa in laysula bixiyo, heeggan dirir baa leh
Hirey iyo wirey maalintey, humuro joogtaa leh

Haadaa qabiilnimo nimaan,lagu holeyn baa leh
Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh
Hadal ruma Daraawiishta iyo,weli hanoonaa leh
Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh.
Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
Wixii habar majeerteen iyo,halamash naagaa leh
Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh.Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo.

Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo.
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo
Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh

Hoobaaq laguu qodahayiyo,hagar shisheeyaa leh
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgi heeraa leh
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh.

Inaad luqunta hoogaamisiyo,hogosho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhiraad,hibasho maag ba leh
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh.

Hoh! iyo caku iyo hiif ninkii,hawkar galay baa leh.
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray astaadkaa leh.

Heeggaa in loo maro arlada, habi la’aan baa leh,
Hor Ilaah in loo jeensadiyo,haajir culimaa leh
Haawiyada naareed ninkii, ferenji haystaa leh

Iidoorka hoosada Berbera,ka hawisaa hey! leh
Harag uraya Muusa-Carrihii hoodhi jirey baa leh,
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hogey Arab baa leh

Xaal hadura habaryonis iyo herer nin joogaa leh.
Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh
Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh.

Xididnimo habboonkeed ninkii,lagu hirtaabaa leh
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoydaa leh,
Hidda xumo gobey heerle iyo, horinta cawl baa leh.

Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
Hodya deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
Hannaan qurux san haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh.

Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo
Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka
Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh.

Hal madow higgaad iyo Quraan,”H” iyo “W” reebban,
Harannimiyo hooyaale gabay heello iyo maanso,
Nin kaleba naftiisa ha hafree ,hoodo anigow leh.

Haaji oo soo ururiyay gabayadii sayidka

Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Mohamed Abdulle Hasan. waxaanu tiriyay faras uu jeclaa oo soo doonay nin ay isu dhawaayeen.

*
Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye,
*
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyihayne
*
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
*
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
*
Xaddigii adduunyada haddaad, xoolo iga dooni
*
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
* Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
* Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye
* Markaad Xiin Finiin damacday baan, kaa xanuunsadaye
* Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye
* Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye
*
Nin kalaan xafiilaba adaan, xaayda kaa rogaye
*
Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto
*
Xayow iyo qayuumeey haddii, la igu xoodaansho
*
Xubigayga kuma hayn inaan, xiisow bixiyaaye
* Xamar weeye oo midab fardood, kala xariir roone
* Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
* Xaggii loo eryaba waa gammaan, xulashadiisiye
* Xubna toosanlow neefku waa, xaalad gooniya’e
* Goortaan xusuus ula noqdaa, xiisa ii qabanne
* Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere
* Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule
* Isagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge
* Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe
* Xayskaa da’aayaan lahaa, Xallin ka dooyeeye
*
Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye
*
Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode
*
Xujey-reebta Reer Hagar anoon, xabashyadii ruubin
*
Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan
*
Xaaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf laga yeelin
*
Xiddaysane ma dhiibeen anoon, xaaladday bogane
*
Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise
*
Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane
*
Xashaa-liillahiye nin goba, xamasho waw ceebe
*
Intii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
*
Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye
*
Waa Xiin Finiin neefka aad, xadhigga haysaaye
*
Xayawaanka oo idil naftey, kala xaroodaane
*
Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay
*
Xadhiggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Mohamed Abdulle Hasan mar ay is hayeen khabiilka Isaaqa. Gabaygan waxaa tiriyay Sayid Mohamed Abdulle Hasan

Hawa aan lagalin baa jirtoo lagu halaagmaaye
haadaa qabiiliya adaa tagay halkiisiiye
adigaa naftaada hawiroo haabtay meel sare’e
“horishiima” tii lagu dhuftay baa haatan kuu qorane
hadiinaa dhamaataye dagaal sooma huriseene
idinkoo hagaag noo yaqaan hurin makeenteene
hindisaha magaliseen dhul eydaan hasan kara heyne
waxaase haatan ilayaabahoo hadal is waydiin leh
hagaas yahow halkaan ahay sidaad ugu hanqaal taagtey
adaase “heelka” doontaye hadaan lagu halaa keynin
“huge” iyo hadaan kaarayaal lagu huluuq siinin
heenseyn fardaha iyo hadaan howsar lagu daadan
hardafka iyo hadii aan kadlaha lagugu hayl haylin
howdka iyo nugaashaba hadaan hugun kasoo yeedhin
waxa hoosta joogiyo hadaan haadku kici waayin
hareertii aad eegtaba hadaan halac kasoo boodin
habaaska iyo hadii aan indhaca halawgu kaaleefin
oo aan hargeysiyo barbara “haajir” laga aadin ”
aleylehe halyaygii majiro hanadkii daroode”
nin ilaah hormariyaan ahoo waan hanjabayaaye
halkii loo dhaqaaqaba anaa heedhe kaa jire e
iga hoostey taladuye maxaa hadafkan iigeystey
hirka maxaan u tiigsaday anoo hagafa oo gaaban
hubka iyo maxaan ciidamada heedhe kala doonay
aan sool uhaansaday hadaan hadalku kaagaadhin
oo aydaan hiirtaanyadaa heermin cidhibteeda
oo aan hargeysiyo barbara “haajir” laga aadin
“aleylehe halyaygii majiro hanad kii daaroode
” hadhhubkiinan buuxsamay inuu daadan waan hubaye
idinkaa hagaagii dilay iyo daris habkiisiiye
hadhka iyo biyo la,aan hadaanan heedhe kugu oodin oo aydaan huluulihii kunoqon heerte nabadiiye
haadka geedka waayiyo hadaadan noqonin how laawe
habeenkiyo dharaartaba hadaadan soo hadh gali waayin
halkii aad istaagtaba hadaadan baqa lahayn waayin
oo aan hargeysiyo barbara haajir laga aadin,
“aleylahe halyeygii majiro hanadkii daaroode”
kalabaadna waa sidatan…..

2) magaciisa waxaa layiraahdaa “digniin” waxaa tiriyay darwiish daarood sidaa aanu horeyba idiinku soo sheegnay waxayna ahayd wakhtiyadii “iidoor/isaaq” iyo kuwii ay dabada kuwateen ay soo galeen magaalada “laascaanood”

waxuuna yiri sidatan…..

Qaran kaa da’ wayn baan ahoo daayin soo jiraye ingiriiska ninmankii direy oo diiday baan ahaye markii aad laduubnayd kufriga dirirtu noo tiilay diinta iyo dalkaba darwiish daafacaan ahaye anigaa is dab reeyaye adigu ima danqowdeene dagaal waxaan lagalay “naato” iyo dawladaha wayne iyagoo dayuurada watoo cadan kasoo duula daribtooda goortaan wadhey dib isu taageene kuwii aan kadiley koofil baa u daraja waynaaye dubaaqooyinkii waxaan kuhelay dowlad nimadiiye nina ilama doodee anaa doorkan qaybsamaye lasedawee khilaafkii jirey oo daminey ceebtiiyte doc qudhaan kawada jeesanoo diidney faraqiiye waxaanu nahay dareen waaxida iyo duul walaala ahe doqon kaan rumaysane ninkii doori wuu garane isla diidkanyari wuxuu dhamaan maalmo dabadeede waxaad damacday waa faashil aan dib u shaqeynayne nin waliba halkuu degi jiraa dani kuseeteyne “dacar budhuq ku noqo maalin dhaw dowgan waxaan xidhiye” dooxooyinkiyo soolashaa iyo dacaladaa buurta daristaa nugaal oo dhamaan farasku daaqaayo dur durka iyo wiyeerkaan go’ayn duraha jiilaalka dal samaanta hawdkiyo dhulkaa daayin nagu beeray docmo iyo marqaan, toomo iyo damashaa buuhoodle deegaanka wayn oo shaxdiyo daafta qararooyin duudaa waraabaley tan iyo dhoomo dacalkeeda duurka iyo cadaadaan markaan dayo xusuustaaye, “dan” inuu isaaq nagu xukumo ha u durbaan tumine, waxaad damacday waa faashil aan dib ushaqaynayne nin waliba halkuu degi jiraa dani ku sayteyne, “dacar budhuq kunoqo maalin dhaw dawga waan xidhiye” wax kaloo ka daran baa jiroo aanan diirka kacadeyne, dayr iga danbeeyaa jiriyo duulan soo kiciye hadey soo durkaan waxaad kagaran diin garaarada’e waxay kugu damarayaan malaha waa daqiiqado’e waxaan kuugu digayaa miskiin daayacaa tahaye hadii dunida loo rogo “durka” oo “daabac” lagadaayo “dan” inuu isaaq nagu xukumo ha u durbaan tumine, “dacar budhuq kunoqo maalin dhaw dawga waan xidhiye”

Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu

way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo

Gabayada Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ayaa iyagu marwalba ahaa kuwa loogu jecelyahay gayigeena ka gadaaman Geeska Afrika. Murtida iyo suugaanta ay gabayadani xambaarsanyihiin ayaa qalbiga umada Soomaaliyeed marnaba ka go’ila. Gabayada Sayyidka oo aad u fara badan ayaa waxaa kamid ah Gabay layidhaahdo “Gudban” ama “Gaalo-Leged”.

Gabayga Gudban oo ujeedada Sayyidku u mariyay ay ahayd caqli calin uu siinayay Daraawiishtiisa.

Gudban Sayyidku waxa uu kaga qaaday:-

Awel maanso waataan gudboo gudhiyey waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray guga hortiisiiye
Aan gaasheeyo tii xalay hurdada gama’a ii diiday
Galladaha Illaahay ka badan geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine
Guddiyeey i maqal waxaa tihiin gacaladaydiiye
Najiskii gurta xumaa hadduu shalayto geeryooday
Godka lagu cadaabkii haddaan gawrac ugu jiiday
Uu guduri cunay waa waxay galabsanaayeene
Dhurwaagii ka giigaan u diri gacan salaameede
Isagay gargaaroo dugaag iiga goonniyahe
Haddaan garan gunnaan siin lahaa gooriyo ayaane
Gandaldheere waataan wax badan guuyaduu maraye
Gef hadduu ku sii daray wixii laagu gufeynaayey
Anigu wow garaad qabay inuu gigi waraabuhuye
Giriirixiska aan jirin waa wixii gaabshay oo rogaye
Gaaleyska waataan la dhacay gucurradoodiiye
Haddeeyaan abaal gadin sidaa uma gadoodneene
Godolkiyo kasnaantaan u qabey kama galgaaleene
Kamana gaagexeen abid hadday nabad ku goohaane
Waxse mowd ku gaardiyey markay ganafka taageene
Gobeygii Shuxle ahaa haddaan gowsihii jebiyey
Gegida Yuusuf Jiifaa tukuhu gabas dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii galow la moodaaye
Geed joogahoodii haddaan guduri ugu luugay
Guska Taajir baa ii hadhaan ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa gabannadiisiiye
Majeerteenka kale inaan ku gudo wayga garanuuge
Garacyada Bahdira haatanaa guuto loo wiciye
Waa lagu galaal xoorayaa gurigi reer Nuure
Gebogebo rogaalkaa warmaha lagu ganaayaaye
Goobbay ku wada lee’an sidii goosan weer helaye
Gafuurraxun sidee Eebbahay guuldarra u raacshay
Afartaa geddii aan bartiyo gololo’ daydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray godol naqaygii dheh
Madfac gow yidhaahdiyo rasaas gininigtoodii dheh
Guulaamo roob da’ahayiyo gababaxdiisii dheh
Onkod guguguclayn iyo hillaac galalacdoodii dheh
Gufaaciyo gudgude soo curtiyo garamahoodii dheh
Guluuliciyo mayay laysku daray galangalkoodii dheh
Gal xareeda daad soo gabraday gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjado gurxamay gacammadii Ayl dheh
Shir la gooday waayeel gab yiri garangartiisii dheh
Xiriir lagu gimaamadahayiyo gola firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanayiyo gig iyo sheeggeed dheh
Gobo’ kalana waa aniga iyo ged iska sheeggayga
Galiilyoodayeey cadho miyey gubatay laabtaydu
Gogoshii la ii dhigay miyaan geydh la qaban waayey
Gabbal dhiciyo waaberi miyaan socod ku gaarraaday
Gadiid maalin oo idil miyaan gaafka sare meeray
Sidii awr gabraareed miyaan gululubluu rooray
Ma gudoodigiyo suudigaa gubadka ii yeelay
Ma geddaabadhabadkaa sidii geri i boodheeyey
Gooxii aan yuururay miyaan gibil madoobaadey
Raggii igu gadaamnaa miyaa aakhira u guuray
Goortaan garwaaqsaday miyaan gocoshadii eeday
Gamiinkaan xanuunsaday miyaan gorodda laadlaadshay
Gelin haddii aan foororay miyaan giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan geyrtayoo diriray
Hadba gees miyaan deyay intaan gownaxyada buuray
Guntigaan maroorsaday miyaan labada low geeyay
Gaashaanka iyo tiirigiyo gamas miyaan qaatay
Ma genbaan u taagnahay intay gaadhi noloshaydu
War ma Dhooddi baa gaamuroo garabku weynaaday
Ma galaasya miidaan ku shubay gamashigii Dayrta
Gorgor kacay la moodyow durduro ma igu gooraamay
Godobtaydu waa wada jirtaa goonyohoo idile
Gashi niman ku leeyahayba waa dabagelaayaaye
Waxaan goosan karo anigu waan gurubsanaayaaye
Gardarradiyo maaggii i helay waan ka geyllamiye
Gartay weeye dunidaba inaan galalafeeyaaye
Geyigaba waxaan doonayaa inaan gumeeyaaye
Nin ganaananayaan ahay aan gabana dhaafayne
Waxaan geysto oo idili way gun iyo rayrayne
Wixii guul darraystaba naflaha wow gaggabayaaye
Anigaba geddey igu faleen waa gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga nagu garaaceene
Anaa gaafahaaygii nadhaye geyste nabarkiiye
Anna waxaan rasaasta u gingimay gini colaadeede
Gebagebaha Bari waxaa ku xigi go’aha Iidoore
Guban iyo Burciyo Looyo waa gaalib weerara e
Gooddiga Arooraa fardaha lagu garmaamayne
Gaaroodi iyo waa la tegi buurihii Golise
Galaayuubta Hagar Aadan baan gaaddadow marine
Gembi wowgu ridi fulayadii ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin guucurradoodiiye
Sidii garow hadhuudh baan kurtiis guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn goor walbaba jooga
Inshaa Allaahu waa gudhahayaan sida gal miireede
Gurraasiyo Iljeex waa la qaban gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan gaanka reer Dalale
Gaas baa ku caran reer Subeyr goborra weyntiiye
Kolaan Goora-cobolley ka dayo amase Geellookor
Huwan waa ka gabangaabsan jirey gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geydayen Goha miyuu dhaafi
Afartaa gudbaye balaan mid kale soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo galayax maan muujo
Gabgabtiyo galaydhyeyntu waa godol hortiisiiye
Ninkii goomman wow shubahayaa galaxa caanoode
Gabbaan laguma sooree nin raga balaan ganuun siiyo
Waa gaaxsanaan jiray tan iyo garashadaydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan gaawa leeyahaye
Aan gafleeyo geerarshahaas gaafan baan ahaye
Xaajada nin guunaan ahee aan u garraaddeeyo
Markab aashi gaambiyi sidiis balaan u guurreeyo
Meeshuu garraarkeedu jiro gow aan kaga siiyo
Nimaan gedo yarayn baan ahoo Gaaddaweyn jiraye
Waa ii garaad li’i dantay inaan ka gaaftaaye
Gobo kalana waa Eebbahay midaan galliimeystay
Eebow geyiga oo dhan waa nala ka guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye
Go’na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan waan gam’i lahayne
Eebow waxay nagu gabreen diinta soo gala e
Eebow gadhka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
Eebow gammaan iyo waxaan gini cas dhiibaayey
Eebow garow kagama helin goolashaan wadaye
Gambalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
Eebow waxay gabawareen Gaagguf iyo Xayde
Xirsigii garaaraha lahaa gaarufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay galowda taabteene
Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
Guxushaaga Baynaxa ilmadu waatan gabaxleyne
Gorroska Muuse-Taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
Eebow ways gamaamaa markuu gaadhka soo maro e
Guuleedku wuxuu noo ahaa guurti loo hiranne
Nimankii garaaddada ahaa waa gadow jabane
Eebow sidii gaanti maro waa la gaasiraye
Eebow gaari bay reer Warfaa guradiii saareene
Gubni baa ku dhacay reerihii gaannanaan jiraye
Eebow goonni baa laga heliyo guri qalaadeede
Gaaggii ka hadhay reer Shawaa caydh la golosleyne
Waxa goday sidii qaanso waa gaajo iyo ciile
Eebow waxaa gorof ku raray duul Gashiishle ahe
Caligeri sidii loo gondolay gobolba meel aadye
Waa gelengal nimankii fadhiyay guriga Ciideede
Eebow gurbood baa hadhiyo gaban agoomeede
Eebow goonji weyn iyo qax bay naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
Eebow waxay naga gogtaan waa galoof olole
Eebow sidii guun haween giidu waa aniye
Eebow nin goba baan ahoo guni rifaysaaye
Eebow waxaa noo gurmaday gaaya alifleeye
Ma garaysni Eebow waxaa guufanneyska ahe
Eebow gabooddii dorraad waan ka gara’ layne
Eebow markaan geyllamey guulmiyo biqiye
Eebow guddoonkii sharciga gooye bahashiiye
Eebow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
Eebow anaa kugu garlee guusha ha i seejin.

Xuseen Dhiqle
Xuseenoow Aqoon Xume
Gabaygan waxaa ka horeeyay gabay uu Xuseen Dhiqle
u tiriyay dhurwaa cunay adhigii daraawiishta Gabaygiisii
Marka Sayyidka oo u hiilinaya dhurwaaga ayaa gabaygan
ugu jawaabay Xuseen Dhiqle

Xuseenow aqoon xume, eray baan ku leeyahay
Awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh
Eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh
Inaad laba aflaysaa, ma ansixi karaysaa?

Ma alloo kalaad tahay, mase waad ka adag tahay
War ma’adaa ardaalyahow, arsuqayga celin kara
Adba waa ku uumaye, maanaan abuurrayn
Mase aniyo adigaa, Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afura helo, maxaad uga umleysaa

Illayn waa Ibraahiin, aaqiba ku diinkiis
Mase waa Ogaadeen, aflagaaddadiisii
Mase waa Iljeex iyo, umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya, ma aabaan ka leeyahay

Haddii uu islaan yahay, Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon uguma taliyeen
Cumar waa abootee, miyuu ii olmomayaa
Joofeyga odaygani, miyuu orod hollanayaa

Cabdul Eebo kolay tahay miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheektana, waa ooryo naaga ah
Adigana urruufyahow, anigaaba kaa adag

Aawiyo Majeerteen, waa ina adeerkay
tan iyo aamanuudii, Ilig baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna, waa reer Ugaadh Cumar
Adigana adoogaa, Ubataaluu lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay, orod aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine, adkaysaan ku leeyahay

1. Gabaygii uu ka tiriyey sarkaalkii ciidamada ingiriiska ee kofil markii ay Daraawiishtu dishey isagoo hoggaaminaya ciidankii gumaysatada ee Daraawiishta ku soo duuley.

2. Tixdii uu ingiriiska ugu jawaabay, markii ay yiraahdeen soo dhiib hubkii askarta ingiriiska ee laguula soo galay.

# Anigoo ifka xayi ku ah oon iilka laygu xabaalin

# Dhulkaygood xaragooto xaaraan bay noqotaaye

# Xaniinyo laysma dhibaadsho xirxiro oo wayga digniine

# Berito waa xarbi wayne xoogaagu yaanu ku ciilin.

3- TIXDIISII AHAYD .

^ mawaacida diinkii ma wax laysku maagaa

^ jihaadka mowsim-kii galay ma wax laga maqnaadaa

^ mushaarka beentihi ma wax lagu mannaagaa

^ luxud kii madoobaa ma lays moogadeeyaa

^ gaal nin u madiidimay maqaam naara inuu tegi

^ kutubtaa u maragee ma wax lagu murmaabaa

4- TIXDIISII AHAYD

@ nin dalkiisa sirayaa silac bow u dambeeya’e

@ sasab waan ka dhaartoo sirimaayo diintee

@ ilaa sawjar uu kaco dhigimaayo seefta’e

5- TIXDIISII AHAYD

§ Nin dalkiisa iibsaday duli buu waariyoo

§ Ninkii galka daba gala darxumowdanbaynoo

§ Digtoonaada waligiin dunidu waarimaysee

§ Dadkii idinka weynaa haday idin duleeyeen

§ Danbi kama ay yaabine cuntay idinka doorteen

§ Duunyaa ladhaafsaday dugsigaad geleyseen

§ Dameerkuuna ma yeeleen halkay talo ku daayeen

§ Dab intay shideenbay dalaq idinku siiyeen

§ Doox intay qodeenbay ciid idinku daadsheen

§ Nin idiin damqanayaa idinkama danbeeyoo

§ Hadaydnaan digtoonaan daad bay din qaadiye

§ Dullowdada kufaartaa dacas idinku laynoo

§ Naf dilkaaga dooni firaash looma daadshee

§ Dabkanan shidayaa daawadiinna weeyee

§ Dariiqii Rasuulkiyo dawga hawga bayrina

6 – GABAYGIISII AHAA :

§ Doodna waxan u leeyahay dadkeer hadalka dayn waayey

§ Niman yahow damiinnimada waa lagu dulloobaaye

§ Dadku waxuu jeclaystaa waxaan, duxi karaacayne

§ Dagaalkii nasaarada anaa daalib ku ahaaye

§ Daliilkii Rasuulka anaa doonay oo helaye

§ Anaa diidey maantuu lahaa deeqan iga hooye

§ Diinkayga anigaan ku gadan dabqi naareede

§ Anaan labada daarood tan hore, daraja moodayne

§ markay duushay gaaladu anaan daabbaduu rarine

§ goortay dareeraan anaan diiradduu qabane

§ anigaan dariiqyada waddada dawga sii marine

§ anigaan dillakiyo ardiga duubiguu xirane

2 Comments

  1. well ithink this is the best but why did they but the girls that are not even woring hijab there pictures or maybe they wanted to !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    • khadro thanx dear .
      but also i wish u to connect this website and tell ur friends
      i ask some where do u live
      khadro?/


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s