hees qoraal ah


Ka aqriso halkan heeso qoraal ah !!sayidka

waad Mahadsantihiin dhaam dadweynahay soo booqdo mise fikradahooda ku soo qortay baga martidad waxaana mar waliba diyaar u nahay qormooyinka aay xiiseeyaan bushaweynta soomaaliyeed meelwaliba aay ka joogaan aduunka .

waxaana halkaan ku soo bandhigayaa heeso qoraal ah ee xiiso badan .

Aan ku bilaaba hees aan filaayo in dhiiga wadaniyiinta soomaaliyeed in aay kicindoonto 100%.

hadii aanay dabeel hurin
awood maleh nafteyduye
markaan uurka hooyadeey
ifka uuga soo baxay
anigoona anfaco baran
neecawdiisa uduga leh
kii igu canqariyoow
arligeygoow

inaan kuu adeegoon
aduunyada intaan jirin
waajibkaga oofshaan
axdi kuugu marayaa
arligeygoow

ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow

udubkiyo dhigihiyo
aloolka iyo raarkaba
aqal kaan ka helayow
intaan dibada joogo
ajashu ii timaadana
kii laysoo ambinayee
iilkey ku yiiloow
arligeygow

inaad ku ogalaado
adduunyada intaan jiro
aayaahaa ka taliyaan
axdig kuugu marayaa
arligeygoow

ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s