maxaa kala haysta dumar iyo abaal\


maxaa kala haysta dumar iyo abaalMaxaa Kala Heysto Dumar iyo Abaal “Sheeko Xiiso Leh” waa soo habayntii cabdi samed baashe xuseen

ABAALKA” Waa waxa ugu muhiimsan Nolosha Aadanaha, waana xubin muhiim ah oo Dadyoowga aduunka oo dhan ay isku si uwada Qiimeeyaan, Qof walbana uu doonaayo in loo galo ama loo sameeyo ABAAL”.

Dadka Soomaliyeed Abaalka” wax badan ayay kaga hadleen xagga Fanka,sida Heesaha,Gabayada iyo DHaqankaba.

HADABA DUMARKA iyo Abaalka” maxaa kala heesto, Qof kastoo Dumar ah oo Dunidaan guudkeeda joogto Dal kasto , iyo meel walbo iyo xilli walboo ay joogto, waxay ka siman yihiin arimahaan.

DUMARKU waxay heestaan laba SALADOOD AMA laba DANBIILOOD,
1- SALADDA KOOWAAD AMA DANBIISHA KOOWAAD Gacanta bxidixda ayay ugu jirtaa , Danbiishaan afka way ka furantahay meesha hoosana way ka furantahay ,kor iyo hoosba way kawada furantahay oo wax ay celiso haba yaraatee Malaha.mar walbo waa ay marantahay.

2 SALADDA LABAAD AMA DANBIISHA Labaadna waxa ay ku haystaan gacanta Midigta Saladaan Afka way ka furantahay hoostana way ka xiran tahay wixii galo kama baxaan ama kama dataan oo waa meel xiran oo wixii galaa waa galeen waa “save”.

Su’aashu Waxay Tahay Dumarku labadaan Danbiilood ama Saladood maxay ku doorteen oo ay ku sameeyaan waxa ay ku sameeyaan bal aynu isla aragno.

A – Danbiisha ama Saladda Koowaad ee ay Gacanta Bixida ayay ku wataan waxa ay ku gurtaan ama ku shubtaan wax alla iyo wixii wanaag ah, oo loo sameeyo ayay ku xareystaan, oo hoosna way ka duleeshaa, oo way furantahay, Wax kastoo ay kushubataana waa ay kasii baxaan, oo waa faaruq mar walbo, wax kujirana haba yaraatee malaha, oo ku haro gudaheeda.Danbiishaan ama Saladaan ma Buuxsanto oo mar walbo waa faaruq, oo hadii ay furtaan waxba ugama jeedaan oo Maba arkaan waxa kujiro way Duleeshaa wax ku haro Ayaanba jirinba waa yaab cajiib. ” ,,,,,,,,

B- Danbiisha Labaad ee ay Gacanta Midigta ay ku wataan waxay ku shubtaan wax kastoo xumaaan ah oo loo geesto hoosta way ka xirantahay, wixii soo galaana kama baxaan, markii ay fiiriyaana way buuxdaa oo wax ka maqan maba jiraan, hal eray oo aad hal maalin aad tiri xitaa waa ku xafidanyahay, waa keyd xafidan oo aan wax ka dhumin Abid “Save Bag” ,,,,,,,,,,,,,

Hadii aad Xaaskaada ama Saaxiibtaa aad Is-qabataan hal maalin, jawaabta ay bxinayso waxay kuu furaysaa Danbiisha labaad, ee hoosta ka xirneed oo wax walbo ku keedsanaa, oo waxay ku leedahay soo matihid ninkii sidaan yeelay, iyo ninkii sidan i dhahay, oo xumaantaada aan dhibic ka maqneen ayay kuu aqrinaysaa oo Taariiqaysan oo aan waxba ka maqneen. yaab”

Hadii aad waydiiso abaayo wa naagii aan sameeyay wax iiga sheeg,hadii aad waydiiso waxay kuu furaysaa Danbiishii Duleeshay oo aan wax keeyd ah kuugu jirin, waxay kuu haysabo malaha, maba xasuusato wax kujirana malaha, waxay kuuhayso majiraan wa naagii aadsamayn jirtayna meel cidlo ayay kuugu shubaysay. hadii aad sii waydiiso abaayo xumaanta lee miyaan sameeyay waxay kugu jawbaaysa haa wanaagaada maba uxareesno markii labada feel ay fiiriso kan wanaaga waa faaruq Alla cajiib badanaa dumaroow”.

Dumarka Abaalka” aad usameesyo keeyd ma gelsio lakiin waxay keeydka kuu gelinaysaa xumaanta kaliya waa yaab ABAALKA”iyo Dumar” maxaa kala heeysto

ninka raga xumaanata iyo wanaaga halmeel ayuu ku shubtaa, oo makii aad isqabataan waxaa uu miiska kuu soo saarayaa wanaagaada iyo xumaantaada, mid kii kuu bato ayuu kuu fiiriyaa oo maalinkaas hadii aad qalad ka gasho kuma xisaabinaayo oo kaliya.

Abaalka” Ragga waa mid raago ama mid soo deg dego
lakiin dumar abaal raago iyo mid soo deg -dego midna malaha waxay leeyihiin oo kaliya
Abaal” dhac kaliya.

Dumaroow isku laabta oo laba feel Ragga fura oo waagaa iyo iyo xumaanta u wada xisaabiya yaysan dhicin in aad xisaabisaan oo kaliya xumaanta Ragga

Dumarku waxaad moodaa inaysan weli in aysan fahmin Earay-gaan ABAAL” waxa uu yahay oo ay weli ku wareersanyihiin oo aysan weli helin qeexid sax ah
Carabtu waxay ku micneeyeen IXSAAN” waxay yiraahdaan AL- IXSAANU ILLA LAAH

somalideenana waxaynu niraahnaa
RUUX GALAA ABAAL” MAR BAA LOO GUDAA
ABAALKA” WAA NIN GALO IYO NIN GUDO

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s