{{sheeko xiiso leh}}


Nin soomaali ah oo ku nool qurbaha gaar ahaana wadanka Maraykanka ayaa beri gabadh Dhulka Soomalida ka soo guursaday.

Gabadhii markay u timid Maraykanka ayuu sharci guriga ha ka bixin la yidhaahdo ku soo rogay isaga oo ka baqayey in ay ku ilbaxdo.

Ninkan odayga ah marka uu shaqada tagayo guriga ayuu dusha uga xidhaa xitaa, telefoonka ayuu ka xidhaa oo waxuu u diidayaa in la soo waco oo maskaxda laga bedelo, iyaduna maba taqaano sida telefoonka loo furo. Waxayba moodaa in telefoonku isaga la shaqeeyo maadaama uu soo dhaco marka uu guriga joogo oo kaliya.

Mudo markey sidaa ku nooleed, shan caruur ah ku dhashay sharcigii guri jooga ayaa maalin waxaa dhacday in odaygu uu ilaawo in uu guriga sii xidho.

Gabadh soomaali ah oo jaar la ah reerkan balse dhegta un ka maqashay in qoys soomaali ah ay halkan degen yihiin ayaa aragtay albaabkoodii oo furan. Markaasey u soo gashay reerkii.

Gabadhii jaarka ahayd waxay aragtay gabadh yar oo 5 caruura oo caloosha isku baneeyey ku mashquulsan. Meeshiibaa la isku bartay oo lagu soo dhoweeyey gabadhii martida ahayd. Ka dibna sheeko gaaban ayaa dhex martay.Waxayna u sheegtay in ay sida ay wadankan u timid aysan qof Soomaali ah isha saarin.

Qalinkii: LadaneeyQalinkii: Ladaneey
Gabadhii ayaa lagula taliyey in ay ilamaha iska yareyso oo ay isticmaasho waxyaabo ka hortag ah. Ninkeedana ku tiraahdo isticmaal qalabka ragu isticmaalaan. Gabadhii Taladii waa ladhacday.

Ninkii odaygu markuu guriga yimid ayuu sidii caadada u ahayd intuu cashadiisa isku cunay, ka dibna sariirta ugu tegey xaaskiisii. Markuu is yidhi wax ka day ayay xabadka gacanta ka saartay oo ku tidhi:

– Waar orod! …..Bahalka waa loo labisaa baa la yidhi ee u soo lebis !
Intuu naxay ayuu ku yidhi: Naa maxaad tidhi?
Markaas bay ugu celisay oo tidhi:
– Orod dee, Bahalka waa loo labisaa baa la yidhi ee u soo labis !

Wuxuu yidhi:
– Oo yaa kuu sheegay? Gabadh caqli badan bay ahayd oo waxay ugu jawaabtay:
– Tv-ga ayaan ka arkay isaga oo loo labisayo.

Ninka odayga ahaa maalintaa ayaa TV la daawado gurigiisa ugu dambeysay.

—————————–Ereyada Heesta ——————————–

” Ged-gaddoonka dunidiyo,
ninka Geeddi nololeedka,
Guul wacan ka keenay,
Gabadh Adag ayaa,
Gadaashiisa Joogtee,
Guubaabinaysoo,
Ku Gargaarta Noloshoo,
Gacmaha ayay is haystaan,
Garabkiisa weeyaan,
Dhaqan lagu gardaadshiyo ,
Geeda loo barbaarshiyo,
Gacan qabadkii hooyaa,
Geesi lagu noqdaayoo……. “

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s