sheeko dhab ah oo qosol badan


sheekhshariifSheeko Qosol Badan Oo Dhex Martay Laba Shariif {XOG HOOSE}
View :920
Waxaan idiin soo gudbineynaa Sheeko dhab ah oo dhex martay labada Shariif, Shariif Xasan Sheekh Aadan “Shariif Sakiin” & Sheekh Shariif Sheekh Axmed “Afgaduud”

Shariif Afgaduud: Saaxiib Shariif Sakiin Yaa kuu bixiyay horta?
Shariif Sakiin: Doorashada Madaxweynenimada waxay ka dhaceysa Xamar bisha Agosto Ogow!!
Shariif Afgaduud: Magaca Sakiin kuwii kuu baxshay waa kula heleen ,aniga waxaan islahaa ugu yaraan afka ayaa qaloocan doona laakiin waa kaa shakiyay Karaamadii Asharaafta kaama muuqato?
Shariif Sakiin: Abaal laabe,adigoon Ingiriis aqoon,taano lacaga heysan ,sow tufta Asharaafta kuma noqon Madaxweyne,bal muraayad tag sida aad u cadaatay iyo afkaaga gaduudkiisa,nafaqada kaa muuqato?
Shariif Afgaduud: Ninyahoow ma is tiri ,Imtixaan xag alle ayaa na heysta,waqtigu orad badanaa,anagoon waxba noo qabsoomin miyaa la gaaray doorashada?
Shariif Sakiin: Imtixaanka adiga lee ku heystaa,anaga waa nabad qabnaa,jeebkeena waa barriga dhexe,jagada Madaxweynenimadana waxaan u jirnaa hal meeyl?
Shariif Afgaduud: Waa runtaa,Abkoowgeey Muuse Cigale waa ii duceeyay oo habaar waalid ma qabo sida adiga, ee aniga halkee is leedahay waa laga raacay?
Shariif Sakiin: Waxaan maqlay inaad xeroow ahaan jirtay oo digri jirtay,run miyaa warkaas?
Shariif Afgaduud: Haa,Nacam,Qaadiriya ayaan ahaan jiray laakiin 2002 ayaan galay Aala Sheekh,Al Ictisaam.
Shariif Sakiin: Hadaan ku gartay habaar wax ka weyn ayaad qabtaa,Tusbaxii dheeraa dib u qaado,xertana ka tuf doono,maxaa kuu geeyay Aala Sheekh,ayaga dhanba xaajiya khamsiin ma buuxin karaane!!
Shariif Afgaduud: Ha igu celin digri,Aniga Turkey ayaan tegayaa hadii xaalka xumaado ee adiga maxaa kuu xala?
Shariif Sakiin: Aniga Madaxweynenimada markaan ku guuleeysto waxaan Villa Somalia qeybta dambe ka dhisayaa Xarumo Sakiin Company and sons la dhaho ,sida Bakhaaro lagu keeydsho caleenta shaaha,maqaarta,Xawaalad iyo isgaarsiin, Money transfer and telecominactions,dhinaca dugsiga Xalane waxaan ka dhisayaa garoon diyaaradaha jaadka ay isticmaalaan,laba guri waxaan ka iibsanayaa Mareykanka,hoowsha arrimaha gudahana waxaan u xilsaarayaa Mukhtaar Roobow Cali,wax dhiba ma qabo,ilaa yaraanteeydii ayaan shaqeeysanayay,hoowlaha ugu culus ee i horyaal waa sida aan Warshado kaluun uga dhisan lahaa Kismayo iyo Markko!!
Shariif Afgaduud: Maashaa allaah,sanadkii 1994 faalo laga sii daayay Idaacadda VOA ayaa ciwaan looga dhigay MOGADISHU IS NOT NOW WHAT YOU KNOW ,BUT ITS WHO KNOW?.
Shariif Sakiin: Maahmaahdaas anigoo yar baan maqli jiray laakiin inaad talyaniga taqaanid kuuma heysan!
Shariif Afgaduud: Bilaa caleekum,ma sidaanbaad ku rabtaa Madaxweynenimada,waxaan kugula hadlayo waa Ingiriis,micnahuna waa,MUQDISHO HADA KAMA JIRTO MAXAAD TAQAAN LAAKIIN WAXAA KA JIRA YAAD TAQAAN !!adiga waxaan kaaga baqayaa inaad gacmahaaga isku xirto aakhirka?
Shariif Sakiin: Saaxiib xataa anaa,maantana ma waxaad keentay 1994 ayaan dhageysan jiray Idaacadaha Ingiriiska ku hadla,hadii aad Ingiriis taqaanid ma ciilbaan qabi lahaa,Proff Ibbi iyo Ina Cabdi Shakuur ayaa sirteena maalin walba ka iibsho reer galbeedka!!
Shariif Afgaduud: Yaa Acraabi, Ina Cabdi Shakuur adigaa ka Ingiriis wanaagsan,wuxuu joogi jiray Masjid ku yaal London,waligiisna School ma tegin sida adiga,Wuxuu yaqaan af suuqa la boowsado,waxaa ii sheegay TARSAN in London looga yaqaan Cabdi Raxmaan soo hoyde!! Laakiin aniga muxubada aan Carabiga u qabay ayaan ku ilooway Ingiriiska,waxaana la yiri TEN YEARS OF LEARNING IS BETTER THEN TEN MINUTES OF PRACTICE.
Shariif Sakiin:Hadaan ku gartay, Intaan waxaa ku baray Macalinkii Mohamed Dheere bari jiray Ingiriiska ee reer Baar feeynuus!!
Shariif Afgaduud: Yaa Sheekh,Maskiinkaas dharbaaxadii Mohamed Dheere ayuu sas ka qaaday,waana dimbiyada loo xiray,waa mamnuuc in Macalin la dharbaaxo.anigana waxaa igu filan Carabigeyga ,ee adiga maxaa Waxbarashada kuu diiday,mase baratay Quraanka Kariimka?
Shariif Sakiin: quluwalaha iyo faataxada ayaan aqaan,Ingiriisna waxaan u nacay Salaad Cali Jeelle Oo ka bartay 4.5.Power Sharing, Peace process,delegation,official,meeting,Government troops iwm!!
Shariif Afgaduud: Akhii fahmo fiican ayaad leedahay,intaan yaa ku baray mise waa intii aad ka maqashay shirkii Mbagathi?
Shariif Sakiin: Hada ka hor anigoo School ka galay Nairobi ayaa baabuur caleen shaah ku rarneed la iiga dhacay Jubooyinka markaas ayaan ka mashquulay!
La soco qaybta 2-aad

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s