cilmi iyo gabayadiisii


ku soo dhawaada gacmo furan asxaabta halkan waxaad ka akhrisandoontaan qisadii cilmi boodhari
wixii faahfaahina kala soo xiriir email: sayidka1066@gmail.com amaba c.samed1066@hotmail.com

Gabaygan “Caashaqa Haween” waxa uu tiriyey Cilmi Boodhari ka dib markii uu u adkaysan waayey dadkii magaalada Berbera degganaa oo u soo daawasho tegi jiray si ay u arkaan ama ugu maadaystaan ninka jacaylka sheeganayaana. Sababta ay taasi ku dhacday waxay ahayd iyadoo Soomaalidii waagaas jirtay (waa horraanta 1930kii) aanay aqoon u lahayn jacaylka. Gabaygan, oo la sheegay in uu ahaa kii ugu horreeyey ee uu Cilmi tiriyo, waxa la joogay markii uu marinayey Muuse iyo Tabaase, kuwaasoo u garaabay, garaystayna in dhibaato ba’ani ay Cilmi Boodhari haysato.

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuuliyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayay baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqda maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma ciidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho la’ii diidye
Caqliga yaa ka bi’in tuu Ilaah ku cir-caddaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Mugga inaan cadaadaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go’ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

Saanad
Cilmi Boodhari
Tixdan gabayga ah waxa uu Cilmi Boodhari ka tiriyey mar uu ku riyooday Hodan. Waxa la sheegay in Cilmi habeenkii ka horreeyey uu ku soo lugeeyey roob magiigaan ah oo saaxiibkiis Tabaase uu uga caalwaayey in uu meel ka galo. Habeenkaas Cilmi aad ayuu u xanuunsaday oo taahiisii iyo gurxankii ka baxayey Muuse iyo Tabaase oo ay guriga wada degganaayeen waa ka seexan kari waayeen. Subixii xigay ayuu Cilmi indhaha kala qaaday iyadoo ay Muuse iyo Tabaase ay kor taagan yihiin. Halkaas ayuu Boodhari ka mariyey tixdan oo uu ku suuraynayo inantii xalay riyada ugu timid.

Ma samaynin waayahan tixdii saaniga ahayde
Waa taan ka saahiday tan iyo sebenkii dayrayde
Xaluun baa saqdii dhexe wax i salaameene
Aan sifeeyo inantii tiriig saxan la moodaayey
Ilka sadaf la moodiyo wajiga lagu saruureeyey
Timaha basari baan subkine saaran garabkeeda
Sanka iyo indhaha iyo afka sida sabiibeed ah
Sunnayaal madoobay qalbigu saakin kaa noqoye
Soomaali iyo Carab iyo Hindiga sooye laga keenay
Inta samada hoos joogta waad ugu sarraysaaye
Soo soco sidciyo qaaliyey saanad baad tahaye!
Gabay – Cilmi Boodhari: Hodan
Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka
Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne
Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda
Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
(Ruqruqaansigaygii) dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare
Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene
U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Qariya Laabtiina
Cilmi Boodhari
Cilmi Boodhari markii uu jacaylkii si wayn ugu baahay, inantii uu calmadayna ay wax la qaban wayday ayaa waxa u birmaday qaar ka mid ah hablihii magaalada Berbera. Cilmi ayay hablihii maalin casumeen oo qado aad u macaan u kariyeen. Waxay soo xidheen dhar aad u wada bilicsan iyadoo aanu ka maqnayn udgoonkii iyo casarlegedkii uunsiga. Midba mid bay u tilmaantay oo quruxdeedii iyo dabeecaddeedii uga warrantay, oo ku yiraahdeen “Cilmiyow maxay Hodan na dheer tahay? Mid naga mid ah dooro oo ha laguu guuriyo”. Waxa Cilmi Boodhari uu halkaa ka tiriyey gabaygan

Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Hablayahow Khadraba soo arkiyo qaararkii Hodane
Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii qoomanayd yaad i qabateene
Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siisiine
Bal qiyaasa waa taan qandahaday qamaray owgiine
Qallaxyaha gacmaha iyo junuhu way qarraqayaane
Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina.
Waygu Dheeldheelayaan
Cilmi Boodhari
Gabaygan waxa uu u jeediyey saaxiibadiis Muuse iyo Tabaase kuwaasoo kula taliyey inuu Hodan iska ilaawo, maadaama uu yahay nin sabool ah oo aan reerkeedii waydiisan karin. Cilmi isagoo ka calaacalaya waanada ay saaxiibbadiis u soo jeediyeen, ayaa la sheegay in uu uga warramay sida jacaylku uu u yahay wax nafta aadanaha ku beeran oo aan sahal qofka aad jeclaato ugu illaawi karin.
Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye
Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide
Sida qaalin dhugatoobayoo geelii wada dhaafay
Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye
Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba’e
Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa’uude!

Mataanihii Gacmaha
Cilmi Boodhari

Gabaygan waxa uu Cilmi mariyey markii Hodan loo mehiriyey Maxamed Shabeelle. Wuxuu uga calaalayaa dhibaatada uu ka maray gabadha jacaylkeeda iyo sida eexda leh ee nin kale looga siiyey. Waxa uu tilmaamayaa in uu ninka la siiyey Hodan, uu iska dhicin lahaa haddii aanu ka baqayn sharciga. Maansadu waa mid ay cadho ku dheehan tahay, isagoo ina tusaaleynaya in uu mid muunaddeeda ah aanu carrada ka waayin.

Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine
Hadaanse madar ka sheegaayo oon walle ku maansoodo
Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede
Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda
Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka
Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
……..
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye
Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka
Amase aan mashraqo lay surayn maalin ma hayeene
Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto

Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey
Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu

Mariil baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye
Mereg baa la gooyaa cishqaan cidina maareyne
Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye
Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye
Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin
Waa waxa martiyo loogu xiray marada shaydaane
Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey
Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede
Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone
Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago’e
Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

Hodan Agteeda
Cilmi Boodhari
Inaadeer hagaagtaye haddaad hilinka sii qaaddo
Hantaq iyo Ilaah kuguma rido hagabihii Sheekhe
Mid hubsiimo badan baa tahoo halo la siiyaaye
Adigaan halyey kuu bidiyo horintii Daa’uude
Hillaac baa Berbera iiga baxay Hodan agteediiye
Hurdadana habeenkii ma ledo had iyo waagiiye
Sida hoorrimaad baa qalbigu ii hanqarayaaye
Waa lay horjoogaa sidii hordhacii geele
Inaan haybsigeed dhigay hadday Hodan i moodayso
Gabadh kaloon haasaawiyaa wayga haniyaade
Haddaan hadiyad caano ugu diro hoohlidaa gubiye
Maxaan kula hagaagaa yartii way han wayn tahaye

Allahayow Afkaygiyo
Cilmi Boodhari
Cilmi Boodhari waxa cadaadis xoog lihi kaga yimid reerkiisii ka dib markii gabayadiisa iyo sheekadii caashaqiisa ay deegaankii oo dhan ku fideen. Waxa la sheegay in waagaas Hodan aanay aad ula dhacsanayn Cilmi, “oo ma doonayn inay guursato” sida uu qoray Cabdirashiid Maxamed Shabeelle, wiilkii Hodan. Sidaasoo ay tahayna, Cilmi fursad uma helin uu kula kulmo gabadha uu jeclaa, taas aawadeedna sheeko guur iyo haasaawe labadooda ma dhexmarin.

Haddaba, saaxiibbadiis Muuse iyo tabaase, waxa ay isku dayeen in ay u caqli celiyaan iyagoo ku waaninaaya in uu Hodan isaga haro, haddii kale uu ku waalanayo. Waxay u sheegeen in uu xitaa reerka Hodan ka dhalatay aanu ku lahayn waji uu ugu tago, reerkii iyo qaraabadiina ay u caraysan yihiin arrimaha laga sheegayo aawadood. Markii taladii saaxiibadiis ay isugu soo biyashubatay “Hodan isaga har” ayuu Boodhari gabaygan halkii ka tiriyey.

Marka horeba anigaa sahwiyey ina-adeerowe
Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geeduhuye
Abtiyaaladay baa ii ekayd inaan addeecaaye
Ammaantii Ugaar Cumar lahaa ereg maxaa geeyey?
Qaar hooyaday u eeddo too aada baa jiraye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday!

Ama darayo oodwayne way omos badnaayeene
Aagaamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi lahaa ereyadaydiiye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday

Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale e
Waa la igu eemaray cishqiga inaan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday

Mahdabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye
Axdigaad ka booddaa jannada oodda kaa rogaye (xidhiye)
Adigiyo ashahaadadaadu waysku alla seegteene
Ha u oofsan aakhiro waxaad urursataa yaalle!

Qalbigu Laba Jeclaan Waa!
Cilmi Boodhari
Maalin ayaa iyadoo ay wada socdaan Cilmi Boodhari iyo saaxiibkiis, waxa ay soo mareen aqalkii habluhu ay ku casumi jireen; hablihii uu Cilmi diiday in uu mid kala baxo oo Hodan iska illaawo. Markan waxa ay u soo jeediyeen fikrad kale oo ay islahaayeen Cilmi wax kagala qabta jacaylka asiibay, iyagoo u soo jeediyey in uu gabadhii uu doono magaalada uu farta ugu fiiqo, ayna ku garab geli doonaan. Wuxuu Cilmi kula hadlay gabaygan, oo sidan filayo uu halkudhegga “Qalbigu laba jeclaan waa” ka soo arooray. Gabaygan oo hablihii laabta wada qaaday oo kaga ilmaysiiyey.

Luqun-madoobe awrkuba markuu laacdan baranaayo
Isagaa u laakimo badan laqanka xoolaha’e
Hadba qaalmo laacdan ah wuxuu luqunjibbaadhoba
Lix intaanu jirin haddii uu laacib ku ahaado
Lama loodin karo jeeray liicdo bowdaduye
Anna laabta kama goynin caashaqii ladane
Luxudkaan la gelayaa sidaa igaga liildheere
Midnaay haysku kay lurin qalbigu laba jeclaan waaye!

QAARARKII HODON suugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxil Gabaygan wuxuu tiriyey mar la yidhi hablihii beesha uu kadhashay gabadh kasta ha tusto meesha u qurux badan bal si uu u ilaawo jacaylkanjiif iyo joogba u diiday markaa isaga oo la hadalaya hablihi quruxdooda soo bandhigayey wuxuu yidhi:
Hadday ili wax qabanayso oo lagu qaboobaayo
Oo qurux la daawado kol uun aadmi ku qancaayo Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane
Ha yeshee qaraam baygu galay naftaydiyee
Hablayahow halkii qoomanayd baad i qabateene Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Qarqarrada jidhkiyo gacmuhu way qadhqadhayaane Qalbigu wax yeelaa illayn naaska qaawaniye
Qosolkaa yar yari waa waxaad nagu qaldaysaane
Inaan Eebbehay idin qatalin qariya laabtiina

CIDINA MAARAYNE Gabayagan waxaa layidhaahdaa waa gabayadii Ugu Danbeeyay cilmi inaatunu dhiman wuxuuna tiriyey Gabaygan mar loo sheegay in lasiiyey gabadhii uu Jeclaa ee hodon nin warsangeli ah oo la odhan jiray Mohamed Shabeele wuxuuna yidhi:
nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya
Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine Hadaanse
madar ka sheegaayo oon walle ku maansoodo Martuba
way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede Murugada calooshayda
iyo muhanka laabtayda Miyi waxan la tegi waayey iyo
madaxdii Daa’uudka Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday
Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu Mariil baa qardhaas loo tolaa
meelo la qabtaaye Mereg baa la gooyaa cishqaan cidina maareyne Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

DHAXANTA MEERAAYE Gabaygan waxaa layidhi isagoo dhulka xardhaya ayaa waxaa ku soo Baxay qolo ay asxaab ahaayeen markaa wuxuu is yidhi intaanay ku Waydiin u sheeg wuxuu yidhi: Nimanyahow dharaar iyo habeen waan dhadhabayaaye Dhulkuun baan xarriiqaa siday dhiillo ii timide Sida qaalin dhugatoobay oo geelii wada dhaafay Dhallinyaro ma raacee kalaan dhaxanta meeraaye Dhaqtarkaa la geeyaa ninkii dhaawac wayn qaba e Iyana waygu dheeldheelayaan dhamacda Daa’uude Gardariyaasuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxil
CILBI BOODHARI
PART:II
suugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilsuugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxil

Gabaygan soo socda waxaa tiriyey abwaankii jacaylka Cilmi Boodhari wuxuuna kula hadlayaa Hodan tii uu jeclaa iyo naftiisaba. Hodan wuxuu leeyahay kaa joogi waayey oo kaa jiifu waayey waxaan kuula hadhayna ma jirto si walba kuula hadlay iina jixin jixi wayday. Markaa wuxuu leeyahay hadii ay caykaas tahay maxaan kuu dayn waayey een kuu daba socdaa? wuxuu yidhi: Intaan adiga kugu gooni ahaa geed hadaan la hadlo
Ama aan gawaan qodayo may gama’sanaateene
Gaaladu ha joogtee sidaa gacal ma yeeleene
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
Sidii aad go’aygii tahiyo macawistaan goostay
Ama aad godkii aakhiriyo geeri iga baajin
Ama aan gayiga lagu ogayn gabadh kaloo joogta
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey?
Gadiidkii aan toosaba adaan kuu guntanayaaye
Goobtaan istaagaba dhulkaan godad ka jeexaaye
Sidii aad gidaar tahay maxaa kaa igarab taagay?
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Mana goosan kari waayin oo geesi baan ahaye
Adaan kaa gungaadhaayey oo helay guntaadiiye
Gardarniyaa maxaan Hodan Cabdaay kaaga go’i waayey? Haatanse waan guursan hadii guule ii wacaye
Oon weliba gedahaaga ka dayan goboladiiniiye
Iyadoo gadiid u eg markaan Gu’ga kaxaynayo
Ee aan Gahaydhiyo la tago Gubanadii Hawdka
Ee aan ganuunta ugu shubo gooha labankeda
Geblayda iyo ciyaaraha markuu geeljiruhu tumayo
Ha gayoobin, waataad lahayd gool jabaan helaye.
suugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxilHannaan Quruxsan suugaan – ku soo dhawaada shabakada saaxil
Gabaygani wuxuu ka mida ahaa gabayadii taxanaha ahaa ee uu Cilmi Boodhari kaga hadlayey jacaylkii uu Hodan u qabay. Gabaygan wuxuu Cilmi si gaar ah ugaga hadlay sida uu Hodan aduunyada hablaha jooga oo dhan uga doortay iyo quruxda Ilaahay uu siiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye
Hadii aanan kulahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuum aaan tirsheen heesta caashaqa e Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayee aan islahadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye
Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey
hal-hal tirada waan lagu heleyn taniyo Haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Imikuu u hees yidhi gab’dhaa taan hanteen rabaye
Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye
Sida hogol kaliishii da’doo milicdu ay-hayso
Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey
Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa
Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye
Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan dheere
Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye
Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale’e
Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale
Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye
Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere Naasahan sidii hooto waran hore u soo taagan
Dibnahaagan hiifkaba aqoon hadal san mooyaane
Gudub halacsi daymada indhahan hibada loo siiyey
Qosol hanaqa soo taabayoo caashaq hurinaaya
Ilka aan hogoodii ka lumin kalana hoosaynin Sankaagaa hanaankiyo qorshaa hadiyad loo siiyey
Dhabanada hareeraha wejiga halalac nuuraaya
Suuniyaha haabkoodan wacan hadal dhamayn waaye
luquntii habkii geri lahaa halal wax dhaafsiisey Timo hoos garbaha uga degoo sinaha haab-haabtay
Heega iyo laafyaha gamcahan hibada loo siiyey
Dhaxdan aan hareeraha u fidin horena soo taagmin
Hanaan quruxsan waataa luguu ka haqab beeleene.

3 Comments

  1. alaha u naxariisto , aakhirona waxa uu jeclaa alaha kusiiyo aduunka wuu ku dhibtoo dee.

  2. yaa donaya inuu cilmi boodhari wax ka ogaado gabayadiisi

  3. cilmi boodhari


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s