jacayl qurbo joog galay qalalaasihiisu badanaa


by : abdi samed baashe email: c.samed1066@hotmail.com
sayidka
Jaceylka ayaa waxa uu noqday mid ka mid ah tiirarka ay ku taagantahay dunidu.hadana waxa uu leeyahay caqabado aan halkaan lagu soo koobi Karin. Haba ugu darnaatee midka qurbaha kugu saameeya ama kaa helaMar ay waresiyo kala duwan kasoo qaaday bahda dhambaalka jaceylka dadweyne badan oo ka mid ah da’yarta iyo dhalinta magaalada ayaa waxay isku si uga wada hadleen arinka jaceylka qurbaha laakiin labadii qiso ee iigu yaabka badnaayd oo sida aadka ah an ula yaabay ayaa waxay ay kala ahaayeen {nin ay hawadu caqabad ku noqotay taas uu qarka ufuulay in uu jaceylkiisii waayo iyo nin xaaskiisi oo uur ninka kale uleh ugu tagay UK!!!!!Mid ka mid ah ayaa waxa uu u war bixiyay sida tan (habeen habeenada ilaahey ka mid ayaa waxaan damcay in aan waco xaaskeyga oo joogtay wadanka new Zealand nasiib daro habeenkaas ma’aanan helin balse habeenkaas wax dhib ah uma aanan arag. Habeenkii labaad ayaan wacay sidii si lamid ah leygama qaban, shaki ayaa igalay waayo qoftaan waxaa jiray xili aan wici jiray markaasna ay iga qaban jirtay yaaaaaaaaaaaaaaaaaaaab! Alla in aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban! Aniga oo su’aalo fara badan iska weydiinaaya waxa ku dhici Kara ifraax jawaabata aan ka helaayay maskaxdeyda haba ugu badnaatee {war miyey ku nacday ifraax} yaaba aheyd oo in badan maskaxdeyda kusoo noqnoqotay.Waxaan si hal haleen ah uwacay shaadiyo oo aheyd gabadh ay guri kuwada noolaayeen oo aan islahaa xoogaa faahfaahin ah ayaad ka helaysaa. Shaadiyo waxa ay iga qabatay telkii waxa ayna ii sheegtay in ifraax ay fiicaneyd walibana aysan wax shaqo ah aysan laheyn maalmahaan ayadna aysan xaafada haatan joogin balse ay hada waceyso oo ay ku Oran doonto telka qabo Markaas ayaan hadaana ku celiyay arinku meeshiisii hore ayuu sii cuskaday yaab waxaan ku celiyay gabadhii oo ii sheegtay in aan soo wacaayo sheet! Sheet! Habeenkaas ayada oo aan neerfoose ahay ayaan ka baxay goobtii. Oo xitaa aan isleeyahay armada tagi weydaa guriga saan u wareersanahay awgeed.Habeenkii sedaxaad ayaan wacay hadana balse waxaa halkoodii kasii socday guuldarooyinkii jaceylkeyga laakiin habeenkaas go’aan ayaan gaaray kaas oo ahaay in aan dib danbe aanan u wicin ilaa ay iga soo waceyso laakiin go’aankaas ma aheyn mid xageyga ka hir galay ileen horay ayaa loo yidhi {ruuxaad jaleecdoo ubeerjileecday jinni kaama celiyee} habeenkii afaraad ayaan iska xaadiriyay goobtii taleefanada oo ku yidhi ii wac newzealand.Nasiib wanaag habeenkaas waxaa soo afjarmay guuldarooyinkii jacelkeyga waxaana iga qabtay jaceylkeygii aan codkeeda aqaano hadana maskaxdeydii ayaa dib su’aal isu weydiisay su’aasaas oo ahayd {war heedhe taleefanka miyaad qaladay mise qoftu waa ifraax} laakiin taa waxaa ka jawaabay ifraax oo tidhi haye jaceylkeyga ii waran kolkaas ayaa waxaa iga soo fuqoy oof igu taagneyd Isku soo wada xoori dalnuurshe waxa uu ku siktay in uu jaceylkiisa waayo taas waxaa ugu wacneyda kala fogaanshaha waayo hadii ay dal wada joogaan ama dalkii hooyo xitaa haday xumeyso xitaa lugihiisa ayuu ugu tagi lahaa jaceylkiisa Hamoogaan hana seegin qeybteedii labaad sheekadaan lamagac baxday jaceyl qurbo kugu galay garibaadiisu badanaa waxaadna ka heli kartaa wargeysaka dhambaal

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s