haduu guurku calafyahay caashaqu muxuu noqon


axaan dhamaanba akhristayaasha kusoo dhawaynaynaa
sheekadan lamag baxday
HADUU GUURKU CALAF YAHAY CAASHAQUNA MUXUU NOQON

waxaa diyaariyay A.Y C. QAYBTA 1AAD

Waxaa sida la ogyahay aduunka hadiya jeer kadhaca sheekooyin laga tabiyo bulshada taariikhda iyo cimriga kala duwan ee ay marto umada illaah ku uumay koonkan aan ku nool nahay ,waxaa sidaynu ognahay dhacda saacad walba ama wakhti walba iyo daqiiqad walba dhacdo ay taariikhdu mar dhaw ku xusto baalasha kala duwan ee dhacdooyinka taariikhiga ah bulsho ku nool meel isku mida .dhacdooyinkaasi ha ahaadaan qaar bulsheed ,diimeed ,siyaasadeed,dhaqan dhaqaalle ,iwm.v Sida aan wada og nahay soomalidu waxay leedahay luuqad qaniya oo ay aad ugu faanto hadiya jeerna ay u adeegsato sarbeebta taas oo ka turjumaysaa sadarada kor aynu ku xaradhnay taas oo ah maahmahda soomaliyeed ee tiraah (waagii baryaaba waaya leh) Hadaba labada lamaane ee sheekadani soo dhex martay waxaa ay ahaayeen wiil iyo gabadh lakala yidhaahdo khaddar xasan iyo fahiima yuusuf .
Hadaba labadan lamaane oo hab nololeedkoodu aad isugu dhawaa ayaa waxaa uu khaddar oo ahaa wiil dhalin yara oo ku noolaa magaalada hargaysa .
Khaddar waxaa uu ka dhashay reer ka kooban:- aabo, hooyo iyo 3 caruura oo isaga da ahaan ka yaryar,khaddar waxa uu ahaa curadka aabe xasan iyo hooyo caasha .
Waxaanu waxka baran jiray dugsiga sare ee maxamud axmed cali . Sidoo kale waxaa fahiima ay ahayd gabadh baariya oo uu dhalay aabe yusuf hadiya jeerna waxaa uujeclaa in gabdhiisa fahiima oo uu kaligeed dhalay la jeclaa gabadhiisa inay waxbarato si ay mustaqbalka danbe u anfacdo isaga iyo hooyaded khadiija .
Hadaba markii fahiimi ay dhamaysay dugsigeedii dhexe ayaa waxay ku biirtay dugsiga sare ee faarax oomaar waxaa ay sanadkii hore (formI ka ) dhiganjirtay galinka danbe . Fahiimi waxay sanadkii hore ku dhamaysatay waxabarashada galinka danbe halka khaddar uu dhigan jiray maxamud axmed cali galinka hore .waxaa maalintii danbe khaddar booqasha ku soo gaadhay dugsiga sare ee faarax oomar maalintaasi oo ahayd maalin khamiisa hadiya jeerna khamiista ardayda dugsiyada sare ma qaataan dirayska ardayda sidaa awgeed waxaa khaddar maalintaa lasocdaa sxbkiisi dugsiga dhexe oo la odhan jiray farxaan c/laahi oo ay isla markaana isku fasal yihiin fahiima yuusuf oo runtii ahayd gabadh illah ku manaystay qurux runtiina waxay fahiimi leedahay midab soo jiidanaya raga dherer fiican iyo hilib yar oo saafan oo aan culays badan ku hayn dhismaha jidhkeeda ,waxaa khaddar soo galay fasalka isaga oo uu garab socdo sxbkii farxan waxaa khaddar markii uu fasalka soo galayay jaleecay xaga gabdhaha waxana uu isha ku dhuftay fahiima oo markaa ahayd gabadh indhaha soo jiidanaysa illahna ku manaystay qurux.
Khaddar intii galaaska uu ku jiray waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxaysay suaalo aad ufarabadan oo ay kamid ahaayen Sxbkaa farxaan iyo gabadhaas wax aqooni maka dhaxaysaa ?
Sidee gabadha isbarasho idiin dhexmari doontaa?
Ma adigaa kaftanka ku furi doona mise sxbka farxan ayaad u adeegsataa ?
Khaddar jelleeco iyo dareenka hayaa kolba waa uu ku sii badanayaa xiisadaha macalimiintu sharaxayaan uma jeedo maskaxdiisu iyo dareenkiisu waxay ku jeedan fahimo yar markii waxooga uukhadar mawjadahaa dareenka kala duwan ku jiray ayaa macalinkii xiisadi ka dhamaatay .
Hadaba markii macalinkii sidaa u baxay ayaa waxa khaddar haysan kari wayay dareenkii jidhkiisa badalay waxaa isla markiiba khaddar farxaan ku yidhi waxaa aad isku galaastihiin hablo aad uqurux badan waxaana farxaan ku jawaabay haa lakiin hablaha jaleecada ha ku badin meeshu maxud axmed ali maahee.
Isla markaa waxa khaddar ku jawaab celiyey in hablaha mid kamid ah ay dareen gelisay. Waxa markiiba farxaan weydiiyey walaal waa ta halkee fadhida? Jawaab: kursiga dhexe ta dhexda fadhida, walaal ma fahiima jawaab haa ma fahiimaa layidhaah, khaddar walaal inantaas wax aqoon ah ma idinka dhaxaysaa, farxaan haa laakiin ma badna, khaddar walaal ma iskaaya barri kartaa, farxaan haa walaal dhibmalaha.
Khaddar markaa dareenkiisu waxa uu ku suganyahay ama maskaxdiisa ku soo noqnoqonaysa weedha tidhaahda: –

Haddaad gabadh is aragtaan
Is aragtaanoo
Dabadeed is eegtaan
Ereyna aanad odhan Karin
Waa aafaadka soo dhacayiyo
Arrami kugu taal…..
Intaa markii lays dhaafsaday khaddar wuxu raagsanayaa waqtiga, balse in yar ka dib waxa ardaydii u dareereen fasaxii.
Khadarna, waxa uu sugayaaba waa is barashada fahiima, nasiib wanaag saaxiibkii farxaan waxa uu ku guulaystay inuu is baro khaddar iyo fahiima isaga oo farxaan isticmaalay xelad dhalin yarnimo madaama farxaan ay hablaa mid kamid ahayd gabadh ay sheeko wadaag yihiin oo la odhan jiray samiira xaaji taas oo usuura galisay in fahiima shabakada sifiican usoo gasho lakin sida lawada ogsoona fahiimi waxay ahayd gabadh afgaaban laakin hadal yaqaana marka ay hadlayso waxanay soo dhawaysay inay barato inanka umartida ah farxaan oo ay sheeko wadaag yihiin saxbibadeed samiira , Markii kulanki suura galay ayaa waxaa la gooansaday in cagta boodhka lasii wada daro madaama ay ahayd maalin khamiisa oo dhalinyartu ay sitaan dharkii caadiga ahaa ee aaan ahayn dharka ardayda .
Waxaa schoolka ka soo baxay farxan iyo khaddar oo og inay kadaba imanayaan samiira iyo fahiima kalsooni farabadana ku qaba in manta isabarasho ay dhex mari doonto khaddar iyo fahiima .
Waxaa intaa khaddar maskaxdiisa sida mawjadaaa udhex mushaaxaya suaalo badan oo khuseeya siduu isku tacriifin lahaa iyo sida uu ugu sheegan lahaa dareenkiisa .
Si kastaba arinku ha ahaadee waxaa ay hablii oo is barbar socdaa kasoo baxeen albaabka . khaddar arinkiisu waxaa uu marayaa (nin la sugayow adna yaad sugi) maxaa yeelay khaddar isaga ayaa dalbaday in fahiima labaro sidaa awgeed waxaa looga bahan yahay inuu layimaado furfurnaan badan .
Hablihii soo gaadhe goobtii inamadu joogeen waxana lays dhaafsaday salaam aad uqiima badan oo ay habluu ku cabirayaan siday uga raali yihiin isabarashada cusub ee ufurmaysa iyaga iyo khaddar waxaana lays waydaarsaday kaftan bilaa turxaana In yar kadib waxaa laysla fahmay in ilaa meesha basaska lasii wada socdo si sheekada laysku deeqsiiyo waxay in badan sheekadu ka ahayd afaray lakin in yar kadib waxaa laysku noqday lamaane lamaane waxaa khaddar fursad u helay in inantii uu sharxo inuu manta galaaska quruxdeeda la dhacsanaa ayna tahay gabadh aad u qurux badan loona baahan yahay in mustaqbalka ay ka faaiidaysato iyo inta cimrigeeda ka hadhay kuna noolaato nolo farxad leh , Fahiimi waxay ahayd gabadh aad u aftahamada waxay usoo bandhigtay waxaa ay himiladeedu tahay mustaqbalka iyo waxyaalo badan oo ay ku hamiso intabadan . Khaddar waxa uu fahmay inuu manta helay gabadhii uu raadinayay loona bahan yahay inuu ka faaiidayso wakhtiga yare e ay kulanka leeyihiin una soo bandhigo gabadha in ay suura gal tahay ,inay wad yeeshaan xidhiidh sheeko balse markuu arkay in wakhtigu gabaabsi yahay ayaa waxaa u ka gaadhsiiyay in kulan danbe wada yeeshaan labadooda sidoo kalan number tellphone lakala qorto. Khaddar waa uu ku guulaysatay maalintii hamigiisii waxaana uu diyaar unoqday fahiimaha sidii uu qalbigeeda ukasban lahaa wanaagiisana u tusi laa wax uu wakhtigu isguraba khaddar waxaa noloshiisa ku soo koradhay gabadh aad uqurxoon waxaana ay laqaybsataa fikirkiisa caadiga ahaa waxaana uu badaanaa dhagaysta heesaha jacaylka ah khaddar taniyo intii isbarashadu dhexmartay fahiima waxaana intii ufasaxa ku jiray uu qaadayay

Ladiwayay hurdada laacdanka
Ee xageebaaad ladanay jirtaa
Waxaa kaloo uu dhagaystaa heesaha
Shawliisa caashaqa shaw laabta ku hayee
Hawlaha sidiisii shaw layga raacdee
Ada lumayee eegmada shaw limid lamoodyeey
Ladiwaa haldhaaguba intuu laacu muuqdee
Ana laanta ubaxaa adaan kuu luluyaa
Cashaqan lurkiisii sawmaan laxaad gabin

Waxaa kaloo kamid ahaa heesaha afkiisa ku soo noqnoqnayay sidoo kale heesta uu qaado xuseen yuusuf tarabi

Dhayalsaday jacaylkuye
Inta uudhan ii riday
Ma dhex galay wadnaha oo
Mala dhuubtay awgaa
Mala dhuubtay awgaa
Waxaa khaddar soo gaadhay xilligii ay fahiima kulan fool ka foola iskaga hor iman lahaayeen, marka aad eegto dareenka fahiimi ay ka qabto khaddar waxaa uu yahay mid ku kooban dad barasho wallaltinimo oo horle bilaabay mana oga in khaddar rafaadka jacaylku ku soo dagdagay oo uu la ildaran yahay jacaylkeeda.
Kadib markii ay ku kulmeen khaddar iyo fahiima goobtii balanta waxaa lawada qaatay sheekooyin goosgoosa oo midba ka kale ku qancinayo lakin nasiib darada meesha taalla ayaa ah in labada dareen ee meesha ku kulmay anay darajada jacaylku isku meel ka taagnayn kuna badan tahay xaga khaddar sidaa awgeed khaddar looga baahan yahay inuu soo ban dhigo ujeedooyinka uu ka leeyahay fahiima intabadan sida cadada gabdhaa somaliyeed tahay, waxay goaanka iyo arinka ka sugaan ninka iyaga oo muujinaya haweenimada. Waa tii maahmaahdi ahayd (ragna waa arinnkeen dumarna waa aqbalkeen) Intaa kadib khaddar waxaa uu goaan saday in uu fahiima ugudbiyo dareenkiisa isaga oo ku cabiraya hadalo aad u xeel dheer ,islamarkaana waxay fahiimi muujisay inay diyaar utahay waxkasta oo sii kobcin kara isbarashadooda iyo jacaylka ubaxa ee manta ka dhex biqlay .
Khaddar waxaa ay utahay habeen taariikhiya waxana uu naftiisa ogaysiiyay in manta guul fiican uu gaadhay ,
Hadal kasta oo kasoo baxaya afka fahiima waxaa uu uyahay naruura waxana intaa sii jeclaysanayaa agjoogeeda

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s