sheeko qosol badan


SHEEKO GAABAN

Sheeko gaaban

QULHU WALLAHAYGII IYO FAATAXADAYDII IISOO CELI.!!

HORDHAC.

Waa sheeko la yaab leh oo ka dhacday dalka Soomaaliya intii waayaha burburku uu haleelay Soomaaliya waxaana hubanti ah in dadka Soomaalida ay Haleeshay Burbur dhaxalsiiyay Isnacayb qoddo dheer dhaxalsiiyay Kobta oo Maanta Maraya Dalkii Soomaaliya,
Hadaba sheekadani waa sheeko Qosol leh oo dhexmartay Labo nin oo isku hayb ah da’doonuna tahay ilaa sano 60 damaad waxayna u dhacday sidan.

Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa waxaa Tuulo ka soo Baxay Oday Haybe oo usoo caraabayey hoygiisii oo ku yaalay dhul baadiye ah isagoo ahaa nin Xoolo dhaqato ah Isagoo sida Caadada ah kasoo adeegtay Tuulo in door ah u jirta Dhulka daaqsinta ah ee Lagu xanaaneeyo Xoolaha.
oday Haybe wuxuu Tuulada kasoo gatay Sonkor, Caleenta shaaha iyo waxyaalo kale oo la mid ah kuwaasi looga Baahnaa aqalkiisa uu usocday ee Baadiyaha.
Hadaba oday Haybe oo haya dhabihii uu ku socdaalayey ee reerkiisa gaynayey ayaa la kulmay Qubuuro dhabaha geeskiisa ku yaalay oo dad waa hore ka hoyday dunida ahaa wuxuuna sidii Soomaalida Caadada u ahayd intuu ku leexday Qabridii uu siyaartay kuna akhriyay Quraan iyo Duco isagoo weliba intuu Burar caws ah oo qoyan dhabaha agtiisa ka soo jaray dulsaaray Qabuuraha.
Isagoo ducadii iyo quraankii wada ayaa waxaa lasoo istaagay oday Cali oo isna ay isku hayb ahaayeen oday Haybe oo isna ka yimid dhanka isla Tuuladii uu oday haybe awal ka yimid Balse ka lug dambeeyay.
Dabadeedna waxaa dhexmartay Labadii oday Sheekadan.
oday Cali” war haybe Maxaad sheegtay Bal warran
Oday Haybe” wuu ka aamusay Maxaa yeelay wuxuu akhrinayaa duco iyo quraan
Oday cali” war maad ila hadashid quraankaan iyo faataxadaan aad akhrinayso waa laguu dhaamaaye wuxuuna kusii daray Wallee Hadaad ogaan lahayd Qubuurahaan aad quraanka ku akhrinayso Cidda ay yihiin inaadan ku akhrideene !
Oday Haybe” Isagoo dareen Xoogle galay ayuu intuu Joojiyey Ducaddii uu qabriga ku akhrinayey ayuu Yiri Maxaad tiri ? oo adigu miyaad taqaanaa Qabrigan Caliyoow?
Oday Cali” war heedhe qabrigan aad Maantoo quraanka ku akhrinaysaa waa ninkii Hebel ahaa ee reer Hebel ee dagaalkii dayrtii Roobka badnayd diraacdii ka horaysay aynu is laynay ee dagaalka Ba’ani ina dhexmartay Jifadeena iyo Jifadiisa, Marka ma nin Reer Hebel ah baad maanta Quraan ku akhrinaysaa Wallee Hayboow inaadan dhiig lahayn oo aad tahay Doqon ayaan maanta ogaaday !!!
Oday Haybe” Yaah Yaah Ma ilaahbaa kugu og War ma iga Hubtaa Caliyoow ?
Oday Cali” oo rabbi ogyahay waa sidaa
Oday Haybe” Intuu Qabrigii ku foorarsaday oo uu ka guray Cawskii Qoyanaa ee uu awal dul saarayey ayuu qabuurtii ku yiri waryaa Faataxadaydii iyo qurhuwalahaygii iisoo Celi war qulhu walahaygii iyo faataxadaydii iisoo celi Hadduu allahaa alle yahay.
DULUCDA SHEEKADA

About these ads

1 Comment

  1. Kkkkk alla jahilsanaa ma isaqaa haa bee


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.