ayaan daran



ayaan daran
ayaan daran
Asli waxay ahayd gabadh aad iyo aad u qurux badan, baarinimadeeda iyo farxaddeeda joogtada ahina ay soo jiidatay kalgacalka gaar ah ee Waalidkeedu u qabaan, halka ay jaarka iyo Qaraabadeedu si gooni ah carabka ugu hayaan. Wuxuuna ahaa guriga Asli gole ay ku kulmaan Gabdhaha da’deeda ahi, iyagoo u soo xiisi jiray Sheekada Asli oo markey bilowdo dadkoo dhan ka qoslin jirtay. Asli in kastoo ay 16 jir ahayd, hadana meel fog bay wax ka arki jirtay, waxayna la sheekaysan jirtay dadka ka da’da wayn, waxaana loo yaqaan “Farxaan”, waayo iyadoo cadhaysan weli lama arag, cidina ma sheegin.
Waalidka Asli waxay siin jireen wax alla wixii ay u baahato, waxay aad u jecleyd Riwaayadaha, iyo Shineemoyinka Hindiga ah, taas oo aanay markay Suuqa tagayso iyo markay ka soo noqonaysaba cidina aanay weydiin jirin halka ay tagayso, waalidkeeduna uu siiyay xorriayd buuxda, iyagoo kalsooni weyn ku qaba in aanay wax xumaan ah u soo jiidayn.
Asli oo dhigan jirtay dugsiga dhexe ee macalim Jaamac may lahayn saaxiibad u gaar ah, hablaha xaafadooda oo dhan iyo kuwa ay dugsiga isku barteen dhammaantood way jeeclaayeen guriga ayayna ugu iman jireen. Cali Amuur waxay walaalo ahaayeen Asli, wuxuuna ka waynaa saddex sanno iyo saayid, maadaama Amuur iyo Asli ay ahaayeen laba da’oo aan loo dhaxeyn, waxay isu hayeen kalgacayl wada dhalasho kii ugu weynaa. Amuur wuxuu galay Xalane, wuxuuna ka mid noqday Macallimiinta (PP) waxaana loo beddeley Degmada Beledweyne. Inkastoo aanu weligii ka bixin Amuur Xamar, hadana ma ahayn dadka isku dhejiya goobtii ay ku dhasheen oo wuxuu jeclaa in uu gobolada dalka oo dhan tago.
Markii uu Cali-Ammuur u ambabaxayey Beled weyn, waxaa sii sagootiyey reerkii oo dhan waxaana u sii duceeyey lana sii dardaarmay labadiisa Waalid, Asli aad bay uga xumayd in Ammuur ka tago, waayo walaal kale oo wehel u noqda ma ay haysan oo aan ka ahayn Aamina oo 3 jir ah. markii baabuurkii dhaaqay dhammaan qoyskii gacanta ayay wada luleen iyago leh nabad gelyo soo noqo ado naabd ah. “Hooyo jaaw.. Asli Jaaw .. Aabbe Nabadgelyo” buu si farxad leh u yidhi Cali Ammuur.
Asli oo qolseysa baa cod aanay hubin in uu maqlay iyo in kale ku tidhi “Walaalo Cali, Beerlula igu salaan”, Cambaro oo ahayd hooyadeed baa intay Asli gacanta soo qabatay ku tidhi, “Naa Beerlula lahayne dadkii kaa tegye ina keen”. “Hooyo macaan markii Dugsiga la xidho Ammuur baan u tagayaa iyo isagaa imaanayee maxaad ka dooni”, oo Asli iyo hooyadeed ku murmayaan ayaa Aw Jaamac oo ahaa Odaygii reerka intuu tagsi joojiyay ku yidhi, “Soo dhakhsada gabalkii dhacyee”.
Dugsiga Macalin Jaamac, Asli waxay ku baratay Gabadh ugu yaraan shan sanno ka weyn oo la yidihaahdo Canab oo aad ugu dheggan dhaqankii hore, loona oggoleyn Gabadhu in ay guriga ka baxdo amar la’aan, haddii ay soo daahdana ul iyo suunka aabbaheed la dhici jiray. Cadaadiskii Canab qoysku ku hayey kamuu ilaalin in ay samayso xumaanta ay waalidkeedu ka ilaalinayay.
Canab iyadoo mar marsiinyo macquul ah sheeganeysay bay ballan la dhigan jirtay rag aan mustaqbalkeeda dan ka lahayn, waxayna gaadhay heer ay qaadka haddii aanay helin xayraanto, sigaarkana midba mid bay u shidi jirtay. Shariif Macow iyo Xaajiyo Xaliimo oo ahaa waalidkii Canab waxba kama ogayn amuuraha dhacaaya, waxayna la ahayd maadama aana cidna gurigooda soo galin karin oo loo ogolayn in gabadhoodu bed qabto.
Asli waxay tegi jirtay guriga Canab oo reerkooga oo dhan ay is barteen. Canabna sidoo kale ayey ahayd. Maalin maalmaha ka midi ah waxaa Canab iyo Asli dhex maray doodda soo socota:
-Walaal Asli Horta Saaxiib ma leedahay?
-Saaxiib baa! Maya, ma lihi, adiguna?
-Ilahaay Saaxiib la’aan igama dhigo.. sannadkii hore waxaan saaxib la ahaa wiil magaciisa la yidhaahdo Axmed oo Sarkaal ahaa, waanu is dagaalnay, kaddibna waxaan la saaxiibay wiil kale oo Macallin ah, isna waan heshiin weynay sannadkana waxaan bartay wiil kale oo caafimaadka ka shaqeeya oo ah wiil aad u dabci fiican, waana aad taqaanaa waa wiilkii galabtii aan imtixaanka u soo noqoneynay albaabka noo taagnaa oo aan tagsiga wada raacnay, kaddibna labadayadu aan la gudubnay waxaana magaciisa la yidhaahdaa Khaliif.
Asli waxaa ka soo hadhay la yaab iyo dhafoor hays, faraxii lagu yaqaanayna wuxuu isu beddelay yaab, waayo kama ay fileyn saaxiibadeed barnaamijka ay guda gashay, Asli oo yaabban baa waxay tidhi:
-Canabey goormaad Khaliif is guursaneysaan?
-Waxaan is guursaneynaa sannadkan dambe, markaan fasalka siddeedaad ka baxo.
Khaliif oo ahaa nin daacad ah markii uu ogaaday taariikhdii Canab lana kulmay raggii ay hore isu yaqaaneen buu go’aan ku gaadhay in uuu uu ka hadho, inkastoo aanu rasmi ahaan ugu sheegin, wuxuuna reerkooga ku odhan jiray ma joogo dhaha haddii ay isagoo guriga ku jir ay timaaddo. Canab waxay maalintii dambe ku soo kadisay Khaliif oo aanay ka qasnayn oo la jooga gabadh Canab ay hore sheekadeeda u maqashay ayna ku tuhunsanayd in Khaliif saaxiib la yahay, Canab oo indhaheeda ilmo ku soo joogsatay oo cadhaysan gurigii dib uga noqotay. Khaliif oo qoslaaya baa intuu gabadhii soo kaxeeyay iyada iyo Canab is baray, markaa kaddibna Canab buu dibadda ula soo baxay, wuxuuna daaradda uga sheegay in uu yeeshey saaxiibad cusub, iyadana wuxuu ka codsaday in ay
ka hadho oo mar dambe ayna gurigiisa iman.

sheekadan lasoco qaybteeda danbe :
diyaariye cabdi samed baashe xuseen

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s