JACAYLKII MUNA IYO LUGGOOYADII ASMA”


JACAYLKII MUNA IYO LUGGOOYADII ASMA. Q: 1aad.

Waxay ahayd habeen axad ah sacadu waxay ahayd 8:30 habeenimo waxaan hayey sub-station ku yaala magaalada burco waxa ila jooga sxb kay maxamuud waxa mar qudha noo soo gashay gabadh aad u qurux badan oo aan nooceda oo kale hore u arag waxay iga diratay telefoon , markii ay dhamaysatay telefoonkii way iska baxday waxanay ahayd gabadh xaafad deriska ah ,waxa isla markiiba yidhi wiil aan ilmaabti nahay waan garanayaa xaafadooda , waxa farxada is hayn kari waayey sxbkay maxamuud waxa uu mar qudha la sooo booday alla miyaad garanaysaa !!!!!! dabeeto aniga sxbkay oo sirta igu qarsan jirey waxa uii sheegay inuu gabadha durbadiiba ka helay oo uu jeclaaday ,w axa kaloo uu ii sheegay inuu u sheegan doono jacaylkiisa , ilaahow qof aan wax ogeyn ha cadaabin!!!! Gabadha iyada ah waa gabadha la qabo oo nin cali la yidhaa qabo ninkana hadda cadho ayey ku kala maqanyihiin in kastoo yarka aan ilmaabtiga nahay yidhi wu furay oo anaa aqaan , hada nalama joogo sxb key waa aniga iyo inaabtigay khaalid waxan galnay sheeko gaaban o ku salaysan gabadhaas uu sxb kay jeclaaday waxan aad uga waraystay khaalid oo isagu si fiican u yaqaan gabadha, waxay ku bilaabantayay sheekadii sidan:

Aniga:waar khaalid gabadha magaceed horta

Khaalid;muna ayaa la dhahaa

Aniga:xafadoodu wa xagee

Khalid:walaal wax weeye xafadan agteena

Aniga:gabadha waa la qabaa sow maaha mise wa la furay
tolow

Khalid:maya ninkii cali ahaa way is dileen oo warqdi khasab ayay kaga qaday

Aniga:oo uu diiday markii hore miyaa

Khalid:haa isagu aadbuu u jeclaa laakin iyadu raali kamay
ahayn isaga

Aniga:hayeeeeee

Khaalid:dee markaa weli wuu ku wareegaa oo kamu samrin horta.

Aniga: haye

Khalid:dabeto markuu ka soo hor baxo wuu salaamaa iyaduna kama qaado salaanta oo way necebtahay waxan filayaa wax xun buu ku sameeyey oo ay ka samri weyday waxanay u dhashay wiil yar oo 1 sano jir ah yarkiisana wu soo bookhdaa hadana iyadu waxay joogtaa gurigooda .

Sheekadaas kadib waxan iska wadanay shaqadayadii waxana noo yimid sxb kay maxamuud wuxuu yidhi aslaamu caleykum ” caleykuma salaam ayaan si deg deg ah u idhi” waan is xaal waraysanay , xaal waraysi ka dib waxa naga baxay khaalid dabeto aniga iyo sxbkay maxamuud waxanu galnay sheekadii gabadha waanu falanqaynay , sxbkay aadbaan u waraysatay waxan dareemay inuu aad iyo aad uga helay oo uu jecelyahay gabadhaas laakin iyadu uma oga,.

Gabadha da’deeda waxaan ku qiyaasay 20 jir waxa la guursadey 2006 dii waxana lasoo furay sida la ii sheegay isla sannadkii ku xigay oo ah 2007 gabadha aniguba sxb kay waan ku raacsanaa oo waan ka helay qurux iyo bilic aad u wanaagsana waan ku arkay oo aanay gabdhaha reer burco lahayn, waan yaabay waxaan Is idhi gabadhaan oo kale ma joogto magaalada e tolow gaabdhan xagay ka timi, sxbkay oo an sheekadii wadano ayaa yidhi sxb waxaan rabaa gabadhi inaan u sheegto jacaylkii aan u qabay ka waran sxb bal taas, aniguna waxaan bilaabay sidaan talo uga siin lahaa arrintaas , waxan idhi sxb waa cadi u sheego waayo waxa la yidhi( wixii aad qarsataaba way ku qarsadaan ) markaa intii uu keligaa sidan kuu geli lahaa isaga sheego ayaan ku odhan lahaa oo weliba anaa yarka kuugu dirayo hadaad u baahantahay imminka, sxb waayahay ayuu yidhi cabaar ayaan kala aamusnay isna feker ayuu ku maqnaa anna telefoono ayaan u dirayey macaamiisha sub-stationka.

Annako sidii u kala aamusan ayaa waxa soo gashay muna oo ah gabadha uu dusha ka jeclaaday sxbkey ee aan laakiin iyadu la socon jacaylka wiilkan , hore waxa loo yidhi indho jacayl isma eegi karaan” sxb kay muu u eegi karayn si toos ah ileen waxa haleelay jacayl aanu garanayn meel u kaga yimiye, waxuu u baxay debeda isla markiiba wuxuu fadhiistay faloodh debeda yaala , gabadhii telefoonkiibaan u diray way iga baxday , waxan Is idhi tolow ma ugu sheegtaa inuu sxb kaa jecel yahay haddana waxaan is idhi waar malaa wax kale ayay u qaadan o isagoo u sheegta ayaa la qaatay, sxbkay wuu isoo galay markay baxday gabadhii uu aadka u jeclaa, wuxuu markiiba igu yidhi ‘haa’ sxb ma kula hadashay ,xagay la hadlaysay, wax miyaad u sheegtay? Intaas ayuu markiba si deg deg ah iigu yidhi isagoo hiinraagaya oo aad moodo inuu soo orday 20 km oo ay naftu hayso, kadib waxaan ku idhi maya sxb waxba umaan sheegin ilamanay hadal teleefoonka ayuunbay iga dirsatay kadibna way iska baxday , waxaan u garaacay sxb tell kii hooyadeed oo hargeisa joogta markaas iimay sheegin laakiin hadalkeeda ayaan ka gartay waxay la hadalysay inay hooyadeed yihiin. Markaas buu sxb kay hada neef macaaan ka soo booday oo yidhi haaaaaaaaa’’’’ sxb waxan is idhi wuu u sheegi doonaa adigoon siwacan adigu uga dhaadhicin lakin waa cadi haddaa, Maxamuud wuxuu go’aan buuxa ku gaadhey inuu u sheegto jacaylkiisa gabadha uu jecel yahay inkastoo aanan u sheegin magaceeda oo uu ogayhay inaanan anba aqoon inaan khaalid ka waraysto mooyaane marka sheekaduu khaalid iga sheekeeyeyna islamaanaan soo qadin lakin hadaan u sheegi lahaa waxa laga yaabaa inaanu ka soo dhaqaaqin halkaas oo uu ku ogolaa haday carmal tahay iyo haddi kaleba waayo jacaylku u qabay ayaa ka weyn waxay tahay iyadu.

QAYBTA DANBE INSHA ALAAHU WAA IDIIN SOOO DAYN DOONNAA
WIXII FAAHFAAHINA EMAILKAN KALA XIDHIIDH
C.SAMED1066@HOTMAIL.COM

Advertisements

3 Comments

  1. sheekadan aad bay iiqancisay sxb qabteedii labad waa goorme

  2. waxaaan aaad usoooo dhewaynaynaaa hadaaanu nahay dhalinta gobolka saaaxil webkan cusub ee lagu maga caabo http://www.saaxil.tk ee uu awnarka ka tahay abdi samed baashe waxaaanu laeenahay ku soo dhawow gacmo furan

  3. sheekadan sxb waa sheeko aan l a dhacay
    halkaa ka ga hay sxb


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s