gabayo


Salaan wuxuu gabaygan qiimaha leh tirshey ka dib markii loo soo sheegay geerida wiilkiisii Yuusuf Salaan.

1. Cabdiyow wadeeciyo adduun way ka bixi waaye
2. walbahaarka waan kula qabaa wahanna ii dheere
3. aniguba wax badan baan laqwiyay waalli iyo qooqe
4. Fircoonkii wasiilada janada waadiyada jeexday
5. waarsiino abaduu jeclaa waase noloshiiye
6. rag kalaa waraytad ugu hadhay waxaddii xoolaade.

7. Wedku kama ajoon Nabiyadii inaga weynaaye
8. nafle Aadan kama wiil badnayn waana kii dilay
9. waxyi looma soo rogin Jibriil waagii dabadeede.
10. Hal la wariyo shiikh iyo wadaad waracadii diinta
11. culimadu warkay sheegtay iyo waanadaa dhabahe
12. wacdi nooma laabnee naftaa walaftay shaydaane.

13. Wajaq cudur warraaq meleg haddaan wilif idhaah caawa
14. isaguba khalqiga wow wakiil aan waqiis nixine
15. waji qadab leh weedh kulul hadduu xaqa I waydiiyo
16. Eebow walaacaan qabiyo waali-nimadaada
17. waayaha I haystiyo dambiga weelasha I buuxshay
18. wannakiirka geerida godakaan weyd ka khoof ahaye.
19. Horay werenweryadu noogu timi waaqladuu yahaye
20. waxshigii qubuuraha intaad nooga wehel yeesho
21. Eebow waclada haygu gubin waaqidka cadaabta.

22. Maantaan waxuushtuna maqnayn waxad intaad uuntay
23. ee uunku wada waaqif yahay wacadka meecaadka
24. gaalada wabiinka ah haddii loo waddiyo naarta
25. Muslim inuu ku wiirsado adaa wacay dharaartaase
26. wastina ma laha diintiyo kufriga wax u dhexeeyaaye
27. miisaanka inaan waafi iman waazinka xisaabta
28. aan waladul-khayr noqon haddii weyne iga yeelo
29. iyo inaan wallaabida ku dhici wayluntiyo hooga
30. weecaanya Khaatumo waxay noqon waraaqdaydu
31. waafaqada jeer aan hubsado waan walwalayaaye
32. warna ma hayo gees ay arini ii wacaal bixine.

33. marka inaan naftayda u walgamo aakhiraa wacane
34. waslad maniya baan ahay asaan woofin cahadkiiye
35. waanwaanta nololeed intaan sido waxoogaaga
36. wadadii xajkii iyo intaan Wadan ka gaadhaayo
37. weysaysi baa ila gudboon wuduu’ salaadeede
38. Wakhtiga maan tukado geeridaa wajiboo xigiye

Boqorkayow

Cabdi Iidaan Faarax Nuur, (Arab)

Cabdi Iidaan wuxuu Alla ha u naxariistee rishey tixdan mar si xaqdarro ah ay u xidhadhay Dawladii Musuqmaasuqa ahayd ee Doxorkii Afweyne ka horreysey. Waxa Cabdi la yidhi waa inaad soo qorataa arki si la idiin cafiyo. Cabdi wuxu go’aansaday inuu Arji qorto balse aanu aadane ku hagaajine Eebbe kaga dalbado waxa uu doonayo.Waa gabay aad ka dhadhansanayso Muwaxidnimada Cabdi iidaan iyo islaamnimadiisa qotoda dheer. Ilaahay u naxariisaygu wuxu yiri;

Ilaahaan baahannee loo baahanyow Boqorkayow Hee Dheh
Ilaaha weligi baaqiga noqdoow Boqorkayoow Hee Dheh
Iaaha Deeqsinnimo loo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahi Waaxidnimo loo bartoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaahaan xaq lagu beeninnoow Boqorkayoow Hee Dheh
Ilaaha dunida baaraxa khalqoow Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii inu burburin sheegayoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bini’Aadmi waa meel sokee Boqorkayoow Hee Dheh
Bismillaahi waa culustahee Boqorkayoow Hee Dheh

Ilaahii Dartii lagu beryoow Boqorkayoow Hee Dheh
Kolka Bacadka yoomkiyo la tago belel Qiyaamaa
Ninkastoo Badraanihi markuu biidna tari waayo
Ilaaha Xukunka keligii bogtoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bar Janno iyo Cadaabtuu khalqiga ugu bushaareeyey
Badhba meelu geeyoba markuu kala boqoolsiiyo
Ilaahii laba u kala baydhiyoow Boqorkayoow Hee Dheh

Bidhaantii kastaba kii arkoow Boqorkayoow Hee Dheh
Bad wax mara berriga waxa jiriyo buuro dabadooda
In bogliyo in baabaca dhigtiyo baalka lagu duulo
Bushimo nool Allaha quudiyoow Boqorkayoow Heedhe

Biyo Oday intuu iga khalqiyo biliq yaroo Dhiiga
Bilcan Dumara uurkeed intuu igu barwaaqeeyey
Barna aniga oon qabin isagaan igu bukaysiinnin
Ilaaha Nolosha igu soo baxshoow Boqorkayoow Hee Dheh

Baabaca addoon baan dhigtee Boqorkayoow Heedhe
Boqolkaaga magac ee mid la’ yaan baaqa maqashiinne
Allow xadhiga sahal iiga bixi kuu baryootamaye

Markii la sii daayey Cabdi iidaan ayaa ninkii Xabsiyada haystay oo Xasan Cabdi Khayre la yidhaahdaa ” Waataa lagu sii daayey ee maantana maxaad odhan lahayd”. Markaas ayuu gabaygan kale ee qotoda dheer tiriyey;

Mar wax-bixiye bini-aadmibaa lagu maleeyaaye
Adigaan qasnadahaagu madhan oo mahade buuxaane
Adiguu ku soo magan-galaa ruux madluum ahiye

Kol haddii Miciinoow la yidhi meel kalaan jirinne
Maqribkay cadceedu u dhacdiyo muuqashada Waaga
Madowgiyo Iftiinka is beddela maalin iyo habeenka

Madhabti Quraankaan bartiyo Maxamed Jaahiisa???
Iyo magaca weynee Carshiga yaan miskaansadaye
Haddana sacabbadaydii madhnaa meesha soo dhigaye
Maantana ilaahow i furo kuu martaan ahaye

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s