taariikhdii abwaankii maxamed xaaji { barkhad cas}


Taariikhdii Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas]

Qaybta 1aad
Biixi Suufi Abokor oo ay saaxiib ahaayeen marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas), kana mid ahaa raggii xogogaalka u ahaa ayaa isaga oo ka waramaya taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii abwaanka wuxu yidhi: “Run ahaantii xilligan adag ee aynu ku jirno maan jeclayn in aan soo hadal qaado taariikhdii dhowrsanayd ee marxuum abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud oo ku magac dheeraa Barkhad-cas), balse waxaa igu keliftay oo aan qaadi waayey markii rag ka mid ah saaxiibadii reer Cadmeedka ee waayo-waayo oo xogogaal u ahaa in aan wax ka hayo taariikhdii iyo maansooyinkii abwaanka ee waayihii Cadan”.

Biixi Suufi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Aniga oo si gaar ah ugu mahadnaqaya raggii hore dedaalka u muujiyey ee sida niyad-samida ah wax uga xusay maansooyinkii marxuum Barkhad-cas ee wakhtigii dalka Cadan aniguna haddii aan wax hagrado halay hadho,” isagoo ku bilaabay sidan: “Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo maansooyinkiisii qaar ka mid ah ee magaalada Cadan laga soo bilaabo sannadkii 1953kii ilaa 1958kii oo aanu isku mafras ahaan jiray, iyo mar labaad taariikhdiisii dalka Somaliland ee 1958 ilaa 1963kii. ”

Aniga iyo marxuumku xilligaanu isbaranay waxaan ahaa Booliska Cadmeed waxaanan ka shaqayn jiray xaafadda Sheekh Cusmaan badiba marxuumka waxaanu lahaan jiray sheeko wadaag gaar ahaan xilliga qayilaada oo aanu isku mafras ahaan jiray xaafadaha Sheekh Cusmaan iyo Daara Sacad ee magaalada Cadan. Biixi isaga oo sifaynaya abwaanka wuxuu yidhi:- “Waxaan ahaa ninka qudha ee murtidiisa diiwaan geliya.”

Marxuumku inkasta oo uu ahaa ragga kaftanka badan iyo weliba reer magaalka da’da ka xanaaqa intaa aanu wada joognay marnaba da’diisa maan su’aalin kaftanba ha ahaatee waxaan se hadda ku qiyaasi karaa in ay xilligaa da’diisu ahayd ilaa 35-40 jir. Midabkiisu wuxuu ahaa casaan aad u qorqoran. Wuxuu lahaa timo madow oo aad u jilicsan (timo Hindi), dhererkiisu qiyaas ahaan wuxuu ahaa 1-70. Wuxuu lahaa golxo yar oo aan wax u dhimayn joogiisa iyo muuqaalkiisa midnaba.

Labada foole sare wuxuu ku lahaa dabar cas oo laba liid ah, oo markuu qoslaayo aad loo jeclaysto.” Biixi waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi: “Marxuumku wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo meesha uu fadhiyo lagu soo xoomo, waxaanu hadalkiisa raacin jiray kaftan, qosol dhoola caddeyna iyo weji furan oo reer magaalnimo ah.”

Dhinaca suugaanta isaga oo faahfaahin ka bixinaya waayihii Barkhad-cas waxa uu yidhi: “Marxuumku wuxuu ahaa abwaan hal abuurka maansooyinka Ilaahay u siiyay deeq iyo hibo gaar ah, waxaanu kuba haasaawi jiray eray bixinta maansada isaga oo ragga meel la fadhiya ay caado u ahayd in uu midba midh kaftan ah ku tuuro.

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu lahaa shakhsiyad naadir ah oo dulqaad iyo dabeecad sami ku aroorta, waxaanse aad uga xumahay taswiirtiisii oo aanan maanta gacanta ku haynin. Dhinaca tacliinta wuxuu si fiican ugu wanaagsanaa Carabiga af iyo qoraalba, waxaanu ahaa nin jecel waddankiisa iyo gaar ahaan Hargeysa oo uu mar walba afka ku hayn jiray. ”

Qaybta labaad ee taariikhdiisa Cadan oo ku saabsan Gabadhii Maandariin iyo Marxuum Barkhad-cas.

Biixi Suufi isaga oo ka sheekaynaya gabadha Maandariin iyo abwaanka waxa uu ku bilaabay: “Gabadhan uu isagu ku magacaabay Maandariin (waa liinta cas ee macaane) waxay ahayd gabadh u dhalatay reer Somaliland waxaanay ka shaqayn jirtay bakhaar uu nin Carbeed lahaa oo beeyada lagu hufi jiray kuna yaallay magaalada Cadan weyn abwanku wuxuu gabadha la jeclaaday in uu guursado wiil kufkeeda oo ka furta shaqadan culus ee hufida beeyada iwm. Sideedaba dhallinyartii waagaa jiray waxa guud ahaan caado iyo dhaqan wanaag u ahaa in ay gabdhaha amaanaan caydooduna way ka reebanayd sidaa awgeed gabadha wuxuu u curiyay maanso amaan ah oo uu ku shaaciyay Cadan iyo magaalooyinka kulaalaya ee Khaliijka. ”

Waxaanu yidhi:-

Cadkaagaa waan jeclaa inaan calfadee
Cidaaddaydiibay cuslaynaysee
Cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
Hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
Danbaa Carabtiyo cidlada ku baddoo
Cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
Ka cawlnoow bakhaarka ciida leh.

Cuudiga lashitee carfiga badan lihi
Carriguu ka baxiyo beriga Carabtaba
Ciidaa kaga badan caynkaa xaabadee
Ninkii caarifaa cidlada ka gurtee
cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
danbaa Carabtiyo cidlada ku baddee
ka cawlloow bakhaarka ciida leh.

Reer Cadmeed ma yaqaano wixii carfiloo
Canbarkii garan waaye u soo caardaye
Ruuxii cisi leba isagaa caawiyee
Cabdoo naasirbaan cid kuugu diroo
tan iyo ciida dhow cidbaan sugayaa
ka cawlow bakhaarka ciida leh.

Jiilaalkoo cadaaday camalkii
cuudkoo laga waayay caanaha
markuu cirku hoorabaa lacabaa
caleenta dhirtee carfiga badanlee
shinbiruu ka ciyaan cas waaberi iyo
cagaarka soo baxay la caynad tahee
cadkii ilko loo hayaa la cunaa
cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
cutuubay ha u jabin cadaawaha
oo ka cawlow bakhaarka ciida leh.

2) Mar aanu marxuumka ka codsanay in uu gabadha noo sifeeyo wuxuu yidhi:-

Hilibka midabkiyo hanaan socodkiyo
habka ay maryahiyo hubka u qaadatiyo
wejigaan haybadiisa lahayn karain
iyo horaadada haatan soo baxayiyo
haddii ayqoslayso dhoolahaad hangatiyo
horjoogeeda waw hamuunsanahee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo haytaaban halkay igaga taal

Intuu hantideeni cadaw haystee
Hargeysiyo hawdba maqan yahay
Ragaasi halgan iyo hawlbuu ku jiraa
halkana iima muuqdo wiil ku hantaa
haweenka xulkoodi waan ku hubaa
nin hoodo lebaa nasiib ku helee
Biixiyow hagardaamo halis weeyee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo hay taaban halkay igaga taal

3) Isaga oo sifaheedii sii wada wuxuu yidhi:-

Madheera oo gaabni way dhaaftoo
ma dhuubnoo baruurtu may dhicinoo
dhexdeeda taakadaa is dhaafaysoo
dhawaaqa hadalkeedu kuma dhibo
dhalaalka midabkeeda dhaayaha
midaan u dhigoon ku dherershaa
may dhalan dhabarkana laguma sido.

4) Mar uu ku calaacalayey in gabadhan Cadan laga kaxeeyo intaan la xumayn wuxuu yidhi:

Intaanay mayrac barin mid soo mirataa
intaanay mooda baran macdaarada
maqaar baaniyaal intaan loo marmarin
masbow fadhiyoo hablihii madhiyaye
intaanay ka jabin mataanaha
maandariin yaa ka dhoofsha magaalada.

Guurkii Maandariin iyo siduu u dhacay. Biixi Suufi isaga oo markana ka hadlaya guurkii Mandariin waxa uu ku bilaabay ereyadiisa sidan: “Amaantii maandariin ayaa meel walba ka dhacday gaar ahaan Khaliijka Carabta markaas buu Cadan yimid nin waagii hore reer Cadmeed ahaan jiray halkaas baanu ku guursaday kuna kaxaystay gabadhii Maandariin.

Muddo gaaban ka dib ayuu Barkhad Cas gabadhii ka waayay bakhaarkii ay ka shaqayn jirtay oo uu maalin dhaaf ku soo booqan jiray, markaas buu curiyey maansadan soo socota ee baafinta ah, waxaanu yidhi:-

Bidhaanteeda waan u boholyooboo
beryahan arageeda kama boganoo
bakhaarkii ka waayay beeyada e
baadida lama oga barbar ay u kacdaye
bulaysku waxbay badbaadshaane
bal Biixow dhanka Sheekh ka soo baadh.

6) Nin kale oo bulayska ahaa oo isagana uu diray wuxuu ku yidhi Maxamed Caliyow ku magansadaye (Maxamed Cali Naahi )
haddii maal la xado adigaa soo maqloo
malkada taarakshaan adigaa marmaree
meel ay jirto maanta garan maayoo
minankay joogtay way ka maqantahaye
intaanay ka jabin mataanaha
intaan la magaabin madhatada
Maandariin meelahaa ka soo baadh.

7) Baafin guud wuxuu yidhi:-

Malaa dalkan way ka maqantahaye
Macruufkiyo Carabta reer Macalow
Muslinow Maandariin ma aragteen.

Qaybtii 3aad ee taariikhdii Marxuumka & Cadan

Biixi Suufi isaga oo taariikhdii abwaanka ee magaalada Cadan ka waramaya waxa uu yidhi: Ka dib markii uu halgankii ay reer Somaliland kula jireen isticmaarkii Ingiriiska uu gaadhay marxalad adag Marxuumku wuxuu ahaa raggii yaraa ee reer Cadmeedka kicin jiray in ay ka qayb galaan halganka lagu jiro waxaanu ka mid ahaa raggii waqtigaa soo dhoofay ee ku biiray halganka waxaanu curiyay maansadii uu reer cadmeedka ku kicinayay ee uu ku yidhi maansadan soo socota:-

Diintiiyo masjidkiiba waysku dilee
halkay diircas joogto aan ka durkoo
dib yaanay dhegahaygu daar u maqline
duufaan hadhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
doonidii baashucayb kac ila doon.

Mar aanu su’aalay xanuun ishiisa nooga muuqday wuxuu noogu jawaabay sidan:-

Deeqdiisa Ilaahay iima daroo
dul iyo hoosba wuu I daajinayaa
darxumo ima helin xanuun i damqaa
daalkiyo Biixiyow dibnaha i qalalay
dabaysha i qaaday waa dal tabyee
roobkoo da’ay dooga soo baxay iyo
dooxii herer ruuxa waa u dawee
duufaan ha dhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
dagaalka gobanimada aan ku darmee
doonidii baashucayb kac ila doon.

Sidaas buu ku soo dhoofay oo aanu tikidhkii diyaaradda ugu soo jaray.

Qaybtii 4aad iyo taariikhdiisii Somaliland

Taariikhdii marxuumka ee wakhtigii uu Hargeysa ku soo laabtay isaga oo Biixi ka hadlayana waxa uu yidhi:-

Markuu madaarka Hargeysa ka soo degayba wuxuu ku bilaabay weedhan:- Ayuu guulahay gargaaraayoo, ayaa garanaaya gobanimadoo, ayala gembiya gumaysiga. Abwaanku wuxuu markiiba ku biiray halgankii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay xisbigii SNL. Haddaba, sida weli la sii xusuusan yahay waxa waagaa dalka Somaliland gaar ahaan Hargeysa ka soo bixi jiray 3 wargeys oo la kala odhan jiray magacyada hoos ku xusan:-

1) Wargeyska Liwa oo ku hadli jiray afka Xisbiga NUF.

2) Wargeyska Qaran oo ku hadli jiray afka xisbiga SNL.

3) War Somali side oo ku hadli jiray afka xukuumadda gaar ahaan codka Raadyow Hargeysa. Marxuumkuna wuxuu isku tilmaamay in uu yahay wargeyskii afraad oo maalin walba dalka ka soo baxa oo aan cidna laga iibinayn ee bilaasha, isaga oo arrintaa maanso ku sheegayana wuxuu yidhi:-

Liwiyo, qaran iyo akhbaar
sida -waxaan ahay tii afraynaysoo –
aayaha waddankaa la ii egmadoo
malaha ii akhri iyo afgaranwaa
iib maahoo aduunyo kaama rabee
Albaabadu waa ay u furanyiin.

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu habeen iyo maalinba waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta dadweynaha ilaa uu waqtigu soo gaadhay markii uu dalka booqashada ku imanayay Duk Golostar oo ahaa boqorada Ingiriiska adeerkeed, haddaba iyada oo la sheegay in uu dalka soo gelaayo 28/5/59ka ayuu intii xilligaa ka horraysay dadka ku sii kiciyay si ay ugu muujiyaan nacaybka ee dowladda Ingiriiska u qabaan waxaanu yidhi:-

Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.

Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.

Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.

Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
Abu Riin Lo’da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugee
iimawdee axankaaga weynee.

Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.

Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki
karin.

Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo mid ka mid ah oo ay marxuumkaa iyo reer Somaliland dunida ku soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimadii inoo saqiirtay ee 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin.

Qaybtii 5aad oo ku saabsan geeridii Marxuumka.

Biixi Suufi ugu danbeyn isaga oo geeridii marxuumka ka waramaya waxa uu yidhi: “Marxuum Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa sannadkii 1963kii. Haddaba, sharafka iyo magaca uu marxuumku ku lahaa dadka reer Hargeysa waxa dhacday maalintii la aasayey in la xidho dhammaan goobaha ganacsiga ee Hargeysa waana laga wada qayb-galay aaskiisii waddaniyada ahaa.

Wax akale oo iyaduna dhacdo cusub u ahayd dadka reer Hargeysa markii ay kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu hoggaaminayey Marxuum Cabdillaahi Qarshe isagana Eebbe ha u naxariistee uu qabrigii marxuumka kaga baroortay heesta caanka ah ee uu yidhi:-

Waa ayaanba ayaan Duni aakhir samaan Nin aroosanayaa Nina aas tegayaa waa xusuus ma guurto ah. Waxa kale oo isla maalintaa dhacday in marxuumka laga bedelo naanaystii hore ee Belaayo Cas, looguna bedelo Barkhad Cas, waxay se ahayd in naanaystan wanaagsan ee Barkhada ah loogu deeqo intuu noolaa ee waxtarkiisa la manaafacaadsanayay.

Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu u naxariisto saaxiibkeen Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Barkhad Cas iyo raggii kale ee ay geeridu ina kala fogaysay. Aamiin.”

2 Comments

  1. This surely makes great sense to me!!

  2. Thankfully some bloggers can write. My thanks for this piece!!


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s