xaaji aadan afqalooc gabayadiisii


Kaana Siib

Cabdillahi Suldaan Timacadde, (HA)

Geerarkan caanka ah wuxuu tirshey abwaanku habeenkii Xorriyadda ay qaateen dalkii hore loo odhan jirey British Somaliland.Waxay Habeenkaas somalidu iska xayuubisay 80 sano ku dhawaad gumeystayaashii Yurub gelelefeen geyigeenna.
Cabdillaahi Suldaan Timacade wuxu yidhi alla ha u naxariistee:
Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Goraya Cawl

Cabdillahi Suldaan “Timacadde”

Gumaysigu hashuu naga dhacay een gurayey raadkeeda
gu’yaal iyo gu’yaal badan hashii gama’a noo diidey
goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda
guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay
gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay

hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey
gacmaa lagu muquunshaye xornimo noogumay garane
garre iyo guntane maalintay gees isugu boodey
Allaa noo gargaaree xornimo noogumay garane
geeraarradeedii hashaan annigu googooyey

galool iyo maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayay
goobtuu sidkeedii go’ay galabtii foolqaaday
ayadoo candhada giijisay oo godol ku sii deysay
Garaad midan lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
annagoo gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
hashaan gaadda weynow libaax uga gaboon waayey
Inaan Garayacawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.

Calanyohow walhanayaa

Xaaji Aadan Afqallooc (Muuse Ismail, HY)

CALANYAHOW WALHANAYAA, ADAAN KUU WARAMAYAAYE;
WADNAHAYGI BAA LALABIXIYO, WIIQI-BAWDADA’E;
MID WASAARADDIISII GABTOO, WEERANBAAD-TAHAYE;
LAGUU-WAA WAKIIL SIDA JAMAAL, WAABSHA GAALADA’E;
WADANKAAD KU DHEERAANLAHAYD, WAA LA-IIBSADAYE;
RAGGII ADIGA WAAXKUU-LAHAA, WAA-LA-WEECSADAYE;
NFD WAREEGEEDANU, WAA-HORUU-DHACAYE;
WAQOOYI IYO KOONFURIBA, WAW-WADA-DHAMMAAYEENE;
HEELADIYO WIGLADA MAALINTII, LAGUGU WAALAAYAY;
WAATAY WALAANDEYNAYEEN, EE WADDACAYEENNE;
GOORTII WALAAL-GARABGALIYO, WEHELBA LOO-WAAYAY;
HAADKIYO WARAABUHU KA-DHEREG, WALAQTANKOODIIYE;

1 Comment

  1. thank you


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s