dhoof iyo dhaxal caashaq


Sheeko Macaan oo la magac baxday Dhoof iyo Dhaxal Caashaq “Qeybtii 1-aad”

Wuxuu ku barbaaray nolol rafaad leh oo yasid iyo cuqdad ku dhisan, nolol murugo joogto ah leh, nolo raaxada dunida ka qadsan iyo nolol saluug leh….Aabihiis Cali Aadan oo waardiye Garaash ahaa Tuugo ayaa dishay, Hooyadiisna nolol kuma uusan arkin oo isaga ayay ku umul raacatay, waxaana soo korisay ayeydiis Aabihiis dhashay, iyadiina Waayeelnimo ayaa ka daba timid oo faraheeda ayuu kabaxay, markii Aabihiis la dilay Ayeydiisna ay gabowday ayaa waxaa koriimadiisa la wareegay Adeerkiis oo shaqadiisu ahayd Qabri Qode, balse marna ma noqon mid nolol raaxa leh soo arkay tan iyo intiii uu ka gaarayay 25-jirkiisii.

Liibaan Cali Aadan markii uu qaangaaray ayaa Adeerkiis iskuul geeyey, wuxuuna Liibaan ku fakaray si nolosha ciilan uu uga baxo inuu waxbarashada ku dadaalo si uu horumar uga gaaro nolosha adduunyo, shaqo wanaagsan oo intifaac lehna uhelo.

Markii uu Dugsiga Dhexe dhamaystay ayuu Liibaan ku fakaray inuu Dugsiga Xalane galo si uu macalin Bii-bii u noqdo, haddana way la ahaan weyday oo wuxuu is yiri “macalinnimo wax anfac ah malaha oo waa mushaar yar yahay” sidoo kale inuu Kulliyadda Caafimaadka galo ayuu ku tamaniyey haddana wuu ka talo baxay oo ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuu Dugsiga sare galo kadibna haddii awooddu u saamaxdo uu Jaamacad galo, si uu markaa u helo shaqo wanaagsan oo tayo sare leh oo mustaqbalkiisa dambana u anfacdo.

Liibaan Dugsigii sare ee (Shan iyo Tobanka Mey) oo ka mid ahaa Dugsiyada Muqdisho kuwooda ugu waaweyn ee magaca leh ayaa lagu qoray, sidii uu caadada u lahaana waxbarashadiisii ayuu dardar hor leh geliyey si uusan sanadna dib u dhac ugu imaan, laakiin markii uu Dugsiga sare ka gaaray fasalka 2-aad ayaa Liibaan mushkilad iyo Badweyn uusan filanayn ku soo butaacday si uu isaga maareeyana wuu garan waayay, taasoo ahayd Gabar ay isku Fasal ahaayeen oo lagu magacaabayay Ladan Ow Jaamac oo jacayl u qaadday.

Ladan Ragga muunada lehee gayaankeed ah ayay Liibaan oo diifi ka muuqatay kadoor biday, iyada ma doorane jacaylka ayaa u xulay oo Ragga kalee la ayniga ah inta ka indho saabay Liibaan u far muuqay, isagana maba uusan u soo jeedine wuxuu u arkayay jees-jees iyo inay ku cayaarayso..

Lasoco Qeybta labad ee sheekada oo xiiso leh isniinta soo socoto
waa habayntii iyo iyo isku dubaridkii cabdisamed baashe xuseen
email: c.samed1066@hotmail.com

1 Comment

  1. sheekadan waa mid qiiro leh
    aad baan uga healay run ahaantii


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s