Tee baan doortaa, ma ta i jecel mise ta aan jeclahay?


Tee baan doortaa, ma ta i jecel mise ta aan jeclahay?

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Maxamed iyo Kariima, Maxamed ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, kuwaa oo hawl-galla Shabakadaha Caalamiga ah ee Radioxamar.com iyo Dhacdo.com, wuxuuna inooga waramay sidii ay wax u dhaceen, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda Boorame ee gobolka Awdal, waxaana kusoo barbaaray isla magaaladda, waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Al Aqsa Secondary School oo ku yaalla isla magaaladda Boorame ee gobolka Awdal.

Kariima ayaa waxay ku dhalatay magaaladda Abu Dubai ee dalka Emirate-ka Carabta, balse waxay ku barbaartay Boorame, waxayna ila dhigan jirtay iskuulka, balse waxaan kala ahayn kala fasal, oo aniga ayaa hal fasal ka sareeyay, waxaana Kariima isku baranay maalin maal-maha kamid ah ayaa fasalka aan dhiganaayay waxay isku soo duba-rideen barnaamij si wanaagsan u soo jiitay ardaydii dhiganeysa iskuulka oo idil.

Intii uu barnaamijka socday ayaa waxaa maqlay dhalinyaro fara badan oo oraneysa; “Gabadha Kariima ah aad bay u qurxoon tahay ee waa inaan gacanta ku dhignaa”
Durbaba waxa aniguna go’aansaday in aan gacanta ku dhigo oo aan kaga hormaro wiilashaasi. Nasiib wanaag sidii ayaa dhacday. Kariima waxaa isku baranay barnaamikaasi oo uu soo qaban qaabiyay fasalkayga. Waxa aan Kariima ka qaatay numberkii telefoonkeeda.

Kariima waxa aanu noqonay laba qof oo si wanaagsan isku xiriiriya. Waxaan dareemay in aan u qaaday jaceyl diiran, balse maanan u sheegan intii hore, iyadana waxaan ka dareemay in ay i dooneyso sida ay iigu waramayso. Waxaana xilliyada qaarkood aadi jirnay faras magaalaha, oo aanu kusoo qaadan jirnay waqti wanaagsan.

Waxay Kariima i bartay qoyska ay ka dhalatay oo ahaa dad wanaagsan oo si weyn i soo dhaweyn jiray, waxaana wada soconay in ka badan afar, isla xilligaasi dalka Shiinaha ayaa waxaan ka helay deeq jaamacadeed. Waxa ii ajaa xilli aan ku mashquulsanaa waxbarashada aan ka helay dalka Shiinaha. Kadib ayaa waxaa habeen habeenada kamid ah i soo wacday Kariima, waxayna ii sheegtay in qoyska ay ka dhalatay ay la doonaayaan wiil joogga voqortooyada Ingiriiska, kaa oo ay qaraabo dhaw yihiin. Hadalkaas ayaa igu noqday mid layaab leh.
Kadibna waxa aan ku iri; “Taasi shaqadayda maaha ee adiga ayay kuu taallaa”, kadib waxaan ku jaray teleefankii.

Cabaar ayaanu kala caroonay, hase ahaatee waa ay i soo wacday. Waxayna ii sheegtay in ay qalad iga gashay. Waxayna iga codsatay in aan iska cafiyo, iyadoo intaasi ii raacisay in aysan nin kale naagtiisa noqoneyn aniga maahee. Karima waxa ay ku dhaaratay Kutubka Quraanka Kariimka ah, in aysan nin kale guursan doonin, markaas ayaa waxaa ku qancay Kutubka ay ku dhaaratay anigoo is-dhahay nin kale kaa raaci meyso.

Muddo kadib ayaa waxaa magaaladda Boorame soo gaaray ninkii ay qoyskeedu doonayaan in ay ku daraan, kaasoo ka yimid dalka Ingiriiska, wuxuuna kasoo doontay qoyskeeda, isla-markaana qoyska Kariima ayaa si weyn ugu faraxsanaa in uu gabadhoodu guursado nin ka yimaaday mid kamid ah dalalka horumaray.

Kariima ayaa ii sheegtay halka ay xaaladdu mareyso.
Waxaana ku iri; “Adiga ayay tallo gacantaada ku jirtaa”.
Kadib waxa aan iskaga soo baxay magaaladda Boorame, waxbarashadiina u soo doontay dalka Shiinaha. Markaan cabaar joogay Shiinaha ayaa waxaa maqlay in laguursan rabo Kariima, hase ahaatee maanan deg degin oo waan is dejiyay.

Waxaa khadka Internetka ku arkay Kariima, iyadoo ii sheegtay in uu guursan rabo ninkii ay qaraabada ahaayeen, waxayna ii sheegtay in ay iyadu ku qanacsan tahay.
Aiguna waxaan ku iri; “Maadaama aad ku qanacsan tahay Allaha isku kiin barakeeyo”, sidaasi ayaanu ku kala tagnay. Ninkii ayaa guursaday horey ayuuna u sii ka xeystay xaaskiisii.

Iyadoo ay xaaladdu igu xun tahay ayaa waxaa xiriir ila soo sameysay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kariima, laguna magacaabo Caasha, waxayna ii sheegtay in ay Kariima qalad weyn iga gashay, waxayna igu baaqday in aan iska samro.

Muddo kadib sidaan isku xiriirineynay Caasha, ayaa waxay Caasha ii sheegtay in ay wax kasta oo ay ila qaban karto ay ila qabato. Muddo kadib ayaa waxaanu isku afgaranay in aanu isguursano.

Inta uusan guurkayagu dhicin ayaa waxa aan maqlay in Kariima iyo ninkii qabay ay kala tageen isla-markaana Kariima ay maqashay in aanu wada socono Caasha mar dhawna aanu aqal gelli doono. Karima ayaa si weyn ayay uga maseertay oo ila soo xiriirtay iyadoo joogto dalka Ingiriiska. Waxa aan u sheegay in aan Caasha guursan rabo, haddii ay diyaar tahay in ay kasoo qeyb gelli karto guurkayaga oo ka dhici doono Boorame, wayna iga aqbashay.

Waxaan dib ugu soo dhoofay magaaladda Boorame si aan ula soo aqalgallo Caasha, sidoo kale Kariima ayaa iyana soo gaartay Boorame si ay uga soo qeyb gasho guurka aniga iyo Caasha. Waxa aan ka dareemaayay Kariima in ay si weyn uga xun tahay guurkayaga, balse waxaan la aqal gallay Caasha.

Intii aan ku sugnaa Boorame ayaa dhawr jeer wada kullanay Kariima, waxayna ii sheegtay in ay ka xun tahay qaladka ay iga gashay, isla-markaana waxay iga codsatay in aan guursado anigoo qaba Caasha, isla-markaana si weyn ii jaceshahay.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxa aan ka codsan lahaa in ay arintan igala talliyaan. Maxaa yeelay Caasha aniga ayaa jecel laakiin Kariima ayaduna si weyn ayay ii jeceshahay.

Advertisements

3 Comments

  1. Max,ed sxb waxan aniga kugula talin laha inaadan kariima kuursan oo ad xirirka ujarto maxa yelay bari waxa kugu dhici karo tii kudhacday jaceylkagii hore ee kariima caashana wax nabsi ah hakagalin ayan kuleyahay wabilahi towfiiiiiiiiiiiiiiq

  2. waad salaamantahay waxan sxb ku odhan lahaa ha agmarin hadii dhaarti barigiiba aya ka booday taa aad jeceshahay ayaa la qaatay somaliduna waxay tidhaa albaba furan lama galee qalbi furan ayaa la galaa alaa macak ku dheh

    • alena ha kuu barakeeyo inantaa aad qabto sxb waxan kaga soo jawabay gobolka saaxil barbara tabtaa yeel


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s