Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad.


Ma waxaan u dhintay Jacaylkii Nagaad. (Sheeko)

Haddii aad sheekadan akhriyaysid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman.

Maya, su’aalaha aad doonayso in aan kaaga jawaabo kuu gelimaayo waxa aan se kaaga bilaabayaa markii Negaad iigu dambaysay iyo sidii arrin ahaa. I raac oo bal ila wadaag noloshaydii, badhaadhe iyo ba ka ay ahayd. Waxa se aan ku qabo dunidayda cusub iyo in aan idinka raystay iyo in kale waa sheeko aanan kuu furfurayn.

I. Habeenkii amranaa

Wakhti madasha arooska sidan looga soo buuxsamay ma aan ogayn, anigu kolkaan meesha soo galay cid badani ma joogin, lix miis baa la fadhiyay aniguna ka toddobaad oo barta caruuska iyo caruusadda loo goleeyay u dhow ayaan keligay iska fadhiistay. Waxa aan ahaa meyd soconaya, wadnahayga gariirka ka baxayay wuxuu ruxayay feedhahayga oo dhan, caguhu way i barareen, baabacooyinka dhidid baa hibitiqayay, afka waxa ka dhammaatay candhuuftii, in aan suuxo ayaan miridh kasta ka cabsi qabay. Cadaadis iyo culays aan ka baqayay inay i dilaan ayaa igu yuururay, in aan dhinto ma aan jeclayn, dunida waxba kama aan qabsan, xoolo igu filan ma dhaqan, daaro badan ma lahayn, waxaas oo dhan waxa iiga sii darraa inantii qalbigayga ruxday ee noloshaydu daraaddeed u marmaroorsantay in aan ka dhinto oo iyada oo aan HAA i odhan ka dhaqaaqo ma jeclayn, maxaa se dhacay?

Waxa aan sii xusuustaa caruuskii iyo caruusaddii oo kadinka ka soo gelaya. Waxa aan sii xusuustaa dadkii oo isla sarakacay oo dhammaantood oogsaday. Waxa aan sii xusuustaa sacab iyo mashxarad. Waxa aan sii xusuustaa hees ay dumarku qaadayeen “Inanta soo gelbiyaay”. Waxa aan sii xusuustaa nin miyuusig qaylo dheer oo aan ku dhegobarjoobay loo tumayay oo ku heesayay: “Labadii hodmee, hoy wada galee, hoodo leh noqdoo, hibo iyo ducoba, naga hooya’eey”

Waxaan kale oo sii xusuustaa caruuskii iyo Negaad oo gacanta is haysta oo dhankii ay fadhiisan lahaayeen, oo miiska aan fadhiyay barbarkiisa ahayd, usoo socda. Waxa aan xusuustaa farxadda iyo raynraynta Negaad wejigeeda ku qornaa, waxa aan xusuustaa lebbiska ay gashanayd, laabteeda nuurka leh ee aan toobku daboolin ee sidii aan weligay ku ogaa u dhalaalaysa, sida habsamida leh ee timaheeda kor loogu dhisay, sida ay tallaabada taxaddirka leh u soo qaadaysay.

Tabtii aan weligay niyaddayda ku hayn jiray in aan u horgalo, ugu debecsanaado, ugu nabnaado, uga dhinac qoslo ayuu habeenkaas caruusku ku ahaa Negaad. Anigii uun buu i metelayay miyuu se i metelayay mise wuu i dhacay? Miyuu i dhacay mise way iga jeclaatay oo aniga i nacday? Miyay runtii i nacday?

Waxa aan xusuustaa iyaga oo igu soo dhowaaday. Negaad waxa wejigeeda ku dhejisnaa qosol aan go’ayn, miyay farxad qoslaysay miyay naxdin qoslaysay oo madasha, xafladda iyo macsharkan isu soo baxay ayay ka qajilaysay? Ma hubo, fursad aan ku sii weydiiyoba uma helin. Sidii ay usoo qoslaysay ayuun baa mar qudha indhahayagii isku dhaceen. Mar keli ah ayuun bay qosolkii goysay oo indho murugo leh igu eegtay. Farxad aan hore iigu jirin baa i gashay. Sababta murugada indhaha Negaad ka muuqataa ii farxad gelisay bal adba ii sheeg. Qosol dirqi ah ayaan la dhoollacaddeeyay. Sidii laba ruux oo sheeko ka dhexayso oo isu hamuun qaba, haddana kala gabbanaya ayaannu isugu dhaygagnay.

Caruuskii oo Negaad gacanteeda bidix ka laalaada ayaa ku war helay sida aannu labadayadu isugu maqannahay, indho cadho ka muuqato oo aad u kulul ayuu igu gubay. Waxa aan ugu jawaabay cadho tii la mid ah. Negaad waxa ay ka warheshay sida wejigaygii isu beddelay, waxay ku jeesatay jacaylkeedii cusbaa oo wax aanan maqlayn ku tidhi, qosol aad u dheer oo xitaa dadkii soo dhoweynayay qaarkood ka yaabeen ayay caruusaddii iyo caruuskii isku dareen oo intay dhankaygii soo wada eegeen aad isugu sii dhegeen. Wadnahaygii ayaa garaacii kordhiyay, hiinraag badan ayaan ku waashay, naqaskii baa dirqi igu noqday, indhihii baa caad khafiif ahi hormaray, dadkii oo dhan ayaa hiimsehiimse iigu muuqday.

Waxa aan xusuustaa qof dumar ah oo maro cad xidhan oo tafta haysata oo dhankayga usoo ordaysa. Waxa aan xusuustaa iyada oo i dul timi oo dibnaha dhaqdhaqaajinaysa. Waxa aan xusuustaa dhawr qof oo kale oo ku soo biiray. Magacayga wax u eg oo afkeeda ka soo baxay ayaan xusuustaa, ilmadii indhaheeda ka soo daadatay oo dhawr dhibcood ishayda midig toos ugu dhaceen ayaan sii xusuustaa. Tolow ma adiga ayay kuu ilmaynaysaa? Ma arooskeeda aad ka qashqashi doonto ayay ka murugoonaysaa oo ka ilmaysiiyay? Aniga oo faallooyin noocaas ah isku haya ayaa iigu dambaysay.

Dabadeed waxa igu soo rogmay daah madow, fugfugtii wadnaha ee aan maqlayay, neefsashadaydii ii baxaysay iyo macnihii nolosha oo dhan ayaa mar iga wada hulleelay. Waxa i helay, sababta aan u uga tegay arooska iyo faallada reer adduun arrimahaas ka dhiibteen mooyi, adiga akhristaha ah baa iiga war roon. Waxa se aan ku siinayaa wixii i dhibay ee dhafoorkayga ku yaallay habeenkaas aroosku ahaa ka hor.

la soco qaybta danbe

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

  • madexweyne siilaanyo

    advertisement
  • telesom adeega zaad service

  • cawaaled aadan

  • madaxwenayaashii somalia

    sacad cali shire

    sacad cali shire

  • bursade secondry school

    ardaydii bursade

  • maxamed cabdiraxmaan

  • berbera

    berbera

    berbera

  • ceerigaabo (daalo)

    daalo

    ceerigaabo

  • boorama

    boorama

    boorama

  • gabiley

    hoyga beeraha

    gabiley

  • caasimada somaliland

    hargeysa

    hargeysa

  • laascaanood

    laascaanood

    laascaanood