FARIIN AAKHIRO


Gabay Dr. Dolal: FARIIN AAKHIRO

Waa Gabay Cusub oo loo tiriyey mujaahid Dr. Maxamed Siraad Dolal oo la yidhaahdo FARIIN AAKHIRO. Fariin Aakhiro waxaa tiriyey Abwaan HURGUMO. Malagaa deg-degayow
Adaan daalin waligaa
daruuraha dulmarayee

xareedaa da’aysana
adigaa dalbanayoo
dulmigana aqoonoo
daacadnimo halmaaloo
aan diidin waligaa
halkii eebe kuu diro

Inyar ii dulqaadoo
deelaydan gaadhsii
iyo dulucda sheekada
kuwa duni kuneelee
wali iga danbeeye
dunna aan wadaagnee
daacad ii ahaankara

Durba waxaad tidhaahdaa
Digtoorkii wuxuu yidhi:
magacaygu Doolaal
cinwaan daarta aakhiro
Fardowsada dusheedee
Ilaahbaa idoortoo
shihiidnimo ii daahfuray

Danbigay ladhaafyoo
dacatigii karaystoo

Deegaan baxaysiyo
Dugsibaan kunoolahay

Waxa aan dabaashaa
ama aan durduurtaa
wabiyaal danbara iyo
Xareedaas da’aysiyo
Malabkoo kasii daran

Markaan dihin jacaylkiyo
Dumar aan xusuustana
daqiiqado dhexdoodiyo
inta aanan midig dayin
Xuural cayn diyaaroo
deel-qaaf aqoonbaa
dibnaha ii furaysoo
udug igu dahaadhoo
Daadah igu tidhaahdee

Xuural cayn diyaaraan
ladalxiisayaayoon
damaashaad kunoolnahay
daaraha dhexdoodee

Dabaakh kalana iga qora
iyo duur xulkaygaas
Raasin Deeq Bashiir iyo

Mukhtaar Odol ku diirsaday
darisbaan wadaagnaa

Kayd daqaqan gaadhnaa
dabajeedis baan nahay
dalab baan ciyaarnaa

Dinaahigii daraawiish
Sayidkiina Daalacay
Eebe darajo wayn sii
dakharbaa ku yaaloo
dibnuhuu qaniinaa
Dulankaan kunoolnahay

Axmed Guray darmaankii
Faraskii dagaalkii
wali daabkii muu dhigin
dagaalbuu darbanayaa

Makhtal baa kasii daran
wali duubkii muu dhigin
oo dablaydii muu odhan
danihiina raacdoo
duurkiina kala xula
hadaabteen nirguhuyoo
dambarkii hanuugeen
Dihanay xoriyad buu
dabarkii kagooyoo
soo daaya leeyahay.

Malagaa deg-dagayee
laba baal kuduulee
diyaaradaha dhaafow
daacad waxaad u sheegtaa
digtoorkii inuu yidhi:
kuwa duni kunolow
waa iga dar-daarane
Halgankiinu yuu damin

Anigaa kadiidoo
Gobanimada doortee
Daafulaha Tigreegiyo
Dabaqlay Axmaaradu
diyaarbay ahaayeen
daakhiliyad qadhmuuniyo
nabad aan damiin qabin
oon markhaati lagu darin
dawliguna diiwaan galin

Halgankiinu yuu damin
oo danbaabur xoogbadan
iyo miici aan damin
dam intaad kusiisaan
da’yar doogsin dhabanoo
aan fulay dareen qabin
Dayr dhalkaad u aayiye

kuwa iga danbeeyow
waa iga dardaarane
Damanaantu badanaa
dhiigay duudsigiisii
dulmigiisu adagaa
hadaan daaha kuu furo
waadigan kudaalaye
Warmiyaan ladaalacana
cajaladihii aan duubiyo
cabashadii aan soo diray

1 Comment

  1. waano aakhiro gabay cibro qaadasho fiican waaye


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s