wadnayaal isjeclaadey


(wadnayaal isjeclaadey)
waa diyaarintii cabdi samed baashe xuseen

Q1aad:(wadnayaal isjeclaadey)

Qalbi, waxay ku dhalatay xaafada shacabka ee magaalada Hargaysa, Sanadkii, 1972.

Wax barashadeedi hoose waxay ku soo qaadatay dugsiga sheekh Bashir, wax barashadeedi sarena Qalbi, waxay ku soo qaadatay dugsiga ina Oomaar, ee isla magaalada Hargaysa.

“Hibo eebe ku siiiyey iyo habeen la iskama qaado,” ee Qalbi, kasokow waxbarashadeeda dugsiga waxay aad ugu wanaagsanayd guud ahaan cayyaraha fud-fudud gaar ahan cayyarta kubada koolayga ee loo yaqaan “Basket Ball.” Qalbi waxay markiiba ka mid noqotay gabdhihi u cayaari jiray kubada kolayga isla dugsiga ina Oomaar ee magaakada Hargaysa.

Fir-fircoonidi iyo cayaar wanaagi ay Qalbi, muujisay waxay dhaxalsi-say in ay isla markiiba u gudubto oo loo qaatay xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi galbeed.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa Qalbi u yeedhay gudoomiyihi Gudiga olombikada gobolka waqooyi galbeed “Adbillahi Dheere” iyo taba-barihi kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka waqooyi Galbeed “Axmad jinac” oo Qalbi ugu bishaareeyey in Ayyada loo doortay kabiteenada hogaamin doonta kooxda xulka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka. Waxa kale ooy Qalbi u shegen in dhammaan kooxaha xulka wiilasha iyo gabdhaha kubada kolaygu soo diyaar noqdaan maalinta Jimcaha, 10 ka Subaxnimo, si ay ugu kici timaan magaalo madaxda Muqdisho ooy kaga qayb gali donaan tartanka ciyaaraha koobka horyaalka gobolada ee kubada kolayga.

Qalbi magaalada Muqdisho dad qaraabo ah iyo asaxaabatoona kama-taqaan, sida darteed, waxay go’aansatay inay dhanba u dhaafin gurigi mar-tida lo dajiyey oo Qalbi waxay wakhtigeedi ku soo koobtay: .

Mar ay tartan ciyaareed ku maqantahay,

Mar ay tababar ku maqantahay,

Iyo mar ay Buug aqrisanayso.

Qalbi, intii lagu gudo jiray tartankii ciyaaraha koobka horyaalka kubada kolayga waxay isbarteen- Nimco Jeego oo ahayd, kabitanka kooxda Xulka horyaalka gabdhaha kubada kolayga ee gobolka Banadir. Nimco Jeego waa gabadh aad u fur-furan, si wanaagsanna uga qayb-qaadatay dhinaca soo dha-weeynta iyo marti-galinta dhammaan kooxihi ka kala yimid gobolada dalka.

Maalin maal maha ka mid ah, rugtii ay daganayd Qalbi, waxaa ugu timiday Nimco Jeego, waxayna u sheegtay inay kooxda horyaalka gabdhah iyo wiilasha gobolka Banadir ee kubada kolaygu casho ugu marti qaadeen Hoteelka Curuba, habeenka Qamiista ee Jimce soo galayo dhammaan koxda Horyaalka Gabdhaha iyo Wiilasha kubada kolayga ee ka yimid gobalka wo-qooyi galbeed.

Waxaa lasoo gaadhay habeenki Qamiisti ee Jimce soo galayey:

Waa habeen u haba-yaraate wax caad ihi saarnayn cirka.

Waa habeen u heer-kulka magaalada Muqdisho taagan yahay halkii ugu wanaagsana.

Waa habeen saxan-saxo udgoon badani babanayso daafaha magaalda.

Waa habeen aad laydha caafimaad iyo naacawda caashaqa Ood hawada ka nuugtid mooye, waa habeen ay naftu, Waa habeen ay naftu guriga galba ku dhahayn.

Waxaa hal-hal, laba-laba, koox-koox iyo raxan-raxanba loo soo galaya oo la iskugu yimid waa marti-qaadkii cashada iyo hoteelki Curuba. Waxaa wiil iyo gabadh loo labisan-yahay maxaa kaa galay camal. Waxaa qof walba sitaayi waa labiskii aynan uga danbaynin. Waa labiskii u qof walba is-lahaa hadaad mar uun xidhan lahayd Allay-illehe, Alla-ilehe caawa xidho (xiro).

Saacadu markay ahayd, 7:30 kii, fiidki, waxaa albaabka hoteelka Curuba gaar ahaan qolkliisa xafladaha ka soo gashay gabadh u Allahen, Dhumuc iyo dhererba u dhameeyey, hubqaa- dkeeda iyo hannaan wanaageeda ba aad iyo aad lola dhaygagay.

Waxaa mar qudh ah is-taagtay shan-qadhii qolka, dhammaan wiil iyo gabadh inta lawada aamusay waxaa daymo layaab leh sidaa loo wada Jalleecay dhinici gabdha oo aad moodaysid in Nal ama laydh laga soo iftiimshay.

Waxaa fadhiya dhanka midigta ee albaabka laga soo galo hoteelka Curuba, gaar ahaan qaybtiisa xaafladaha Afar wiil oo dhallin-yar ah. Waxay aad iyo aad ugu qushuuceen sha’ni wanaagi iyo sharfti ka muuqatay gabadhan albaabka ka soo gashay, oo wiil walba is-dhahay Ar-may taada noqota, waxaase wiilashi iswa-ydiyeen carr yaa gabadhaas la hadli oo nin raga ah?, wiilka ka mid ah wiilashi ayaa soo kacay isagoo sharad ku soo galay inu gabadha la hadli dono oo u isagu ku qaban doono wiilku isaga un ba is- dhahaye, ma oga waxa u kala kulmi iyo wax u mudan midba, wuxa u wiilku ogayn hadal adayga hablaha Soomaaliyeed guud-ahaan, gaar-ahaan habeenka iskugu kiin horaysa in-aan dhayal iyo ciyaar ciyaarba loogu soo gali karin Qalbi se, wayba ka sii xag jirtaa oo waa gabadh aad u dagan, hadal kooban, miisaaman oo xikmad badan leh waa gabadh aan haba-yaraate loola iman karin sheekooyinka raqiiska ah.

Waa laba aan is ogayne isku eeg waxay kala qaadan. Horayba seLo yidhi, “ Fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin.”

Wiilki, gabadhi waa u yimid isagoo ilka cadaynaya oo wuxu ku dhahay,

“Abaayo waa lagu salaamay.”

“Qalbi,”- walaal waa lagaa qaaday.

“wiilki,”- Abaayo qof miyaad raadinaysay.

“Qalbi,”- Walaal qof baan raadinayeyba kumaan odhan.

“Wiilki,”- Abaayo hablihi martida aha inad tahay wan u jeeda, side-waaye

“Qalbi,”- walaal waxba taas kaama galine, danhaaga sheego.

“Wiilki,”-Abaayo adiga uunbaan ku caawin-rabay NO.

“Qalbi,”- Walaal intaas mooye wax kale miyaad haysa.

Markay intaas iswaydaarsadeen, wiilki yaabka ka dhammaday, oo cabaar intu aamusay ba waax hadal ahi ka soo bixi waayay.

Waxaa gadaal kaaga timid Nimco Jeego oo intay ku soo booday labada daan ka dhunkatay waxay tidhi, “Alla waa Qalbi abaayo ii warran sideed tahay.”

“Qalbi,”- Walaal waan iska fiicanahay ee adigu ii warran, sideed tahay.

“Nimco”-Abaayo waan fiicanahay, oo hadaan isdhahayey maxaa ku dhacay gabadhi.

“Qalbi,”-Walaal malaha waan idinku soo daahay ee iga raali ahaada.

“Nimco,”-Maya, abaayo naguma aad soo dahin ee, walaalkay Aqli na maad istaqaanaan oo inteed isku barateen.

January 30th, 2003.

“Qalbi,”-Walaal isma aan garanayn oo intan uunbaan isku aragnaye ma walaakaaba wiilku.

“Nimco,”-Ha abaayo, waa walaalkay Aqli ee isbarta, waa ciyaartoy ka mid ah xulka wiilasha kubada kolayga ee gobolka Banaadir, Aqli, aboowe waa Qalbi, kabiteenka kooxda xulka hablaha gobolka woqooyi galbeed.”

“Aqli,”- Abaayo raalli noqo hadaan kugu gafay, kuma aan garanayne.

“Qalbi,”-Walaal waxba iguma aanad gafine, raalli ahaw aniguba kumaan garanayne.

“Aqli,”- intu gacan-qaaday Qalbi, wuxu ku dhahay barasho wanaagsan.”

“Nimco,” waxay ku dhahday Qalbi, abaayo ina ken miiskaas ayan fadhisanaynaaye.

Aqlina wuxu u sii dhaqaaqay dhinacaa iyo saaxiibadis, isagoo ka xun guuldaradi halkaas kula soo daristay, balse kuna faraxsan gabadhii oo meel gaaban kaga soo baxday ooyna isku barteen halkaas.

Balse– “Haba Salaamin Lahaydaa.”

“Warbaa ugu gaajo kulul,” Aqli saaxibadi farahay ku taagan yihiin oo waxay sugi kari la’yihiin, aad na ugu hamuum qabaan jabki iyo guul-darradi u halkaas kala soo kulmay saaxiibkood Aqli.

Su’aashi ugu horaysay waxaa ku bilaabay Aqli, saaxiibkis Nasir Oo ahaa Aqli saaxiibkiisa koowaad, waa isku Xaafad, isku Iskuul, isku klaas iyo isku tiimka horyaalka kubada kolayga ee gobolka Banadir Intaba, hadaad Aqki aragtid Naasirna waad aragtay, hadii u Aqli qof sir u dhiiban lahaa waa ka qudh ah ee uu udhiibto, waa labo dhib iyo dheefba wadaagta.

Naasir shu’aashiisi ugu horaysay wuxu ku dhahay Aqli, “Hayye, Hayye Macalinka warka keen he.?

“Aqli, isagoo ilka cadaynaya intuu fadhiistay wuxu ugu jawaabay aboowe waan idiin warami doonaaye isdajiya NO.”

Aqli waa forarsaday, intuu dhidid muquurmay bu wax hadal ahi ka soo bixi waayey cabaar.

Naasir oo la yaaban waxan ku dhacay saaxiibkood Aqli oo ahaa Aabaha foorjada iyo qosolka, waxaa u ku celiyey su’aal labaad oo u ku dhahay “Side waaye Macalinka, sii-daa he.”

“Baroortu se orgiga ka wayn” oo Aqli, daaqad kale aya u furan oo saaxibadiis Filim aynan arkayn bu isagu fiirsanaya, oo Sidii Lo’dii habeenka soo calyo-ceshanaysay waxay maalinti cuntay, waxa Aqli maskaxdisa ku dhex waregaya hadaladi Qalbi haday

Wanaag-sanaayeen iyo hadday xumaayeenba, kolse haddayba Qalbi, la hadashay ooy dabnaheeda u kala furtay, way ugu dhantahay isaga.

Aqli saaxiibadadiis kumaynan ogayn gabay iyo geeraar mid-tona,

Aqli, oo walligiis intu laba erey isku geeyay aan afkiisa kaga dhawaqin Waxa ka soo yeedhey ereyadan.

“Aduun idinka dadan baan daawanaa-yaaye,

Jacayl ban dareema rag-yahaw iga dawoobayne,

Daymadan jalleecay yartaas damacday laabtaydu,

Dab-nahay kala qaaday baa la igu sii didaye,

Haddad ila dadaalayn amaad iga dabiibaynin,

Idaaya walaalayaal maxaa igu kiin diray.”

Aqli, afkiisa markay intaasi ka soo baxday, yaabki iyo fajaciiba ka dhammaaday dhamaan saaxibadiis oo waxaynan filanayn ayaa kaga soo baxay halkaas, intay iswada dayeen waxa la isku daray qosol, iskugu Jira; qosol gariir iyo dheel-dheel oon marnaba caadi ahayn, waxay la yabeen arrimahan cusub ee u la soo baxay saaxiibkood Aqli.

Ali, oo ka mid aha wiilashi Aqli saaxibadis, aya wuxuu ku dhahay, Aboowe Aqli, maxaa kaa si’I ah? Oo jacaylkaagani deg-deg badanaa.?

Aqli intu soo daymooday wiilkii isago ilka-cadaynaya ood moodid inu Qoslayo, qosol ay kalsooni ku dheehantahy, wuxu ugu jawaabay aboowe wax-Ba si’I igama aha ee, miyaad maqal heestay ku qaado fanaanada rer-jabuuti–Nimco Jaamac, ee dhahdo;

“Ballan Maaha Jacaylku,

Bandhig la Iskugu Baaqe,

Waa Ishaa Biligteeda uun,

Wax Boggaaga ku Beerma.”

Ali, intuu aad u qoslay wuxu ku dhahay Aqli,”Aboowe, gabar hadda Intan aad ku aragtay, hadda yaan jeclaaday aqliga magasho, ee naga dhaaf “NO”Ha inagu warerin Qaldaamadan ee wax kale ma haysaa, side waaye abowe.?”

Aqli oo aad uga xumaaday hadalka saxiibki Ali, intu istaagay wuxu ku dhahay, “Aboowe mar danbee ha dhihin Qaldaamad, adigaa Qaldaan iyo Qurun ba ahe” waana iskaga so tagay Aqli Hotelki oo wuxu soo qabtay Gurigoodi.

Aboowe Aqli istaag, mar’aan kula hadlo no, sidee waaye adiga, ha fududaan aboowe, waxaa dhahay Aqli saaxiibkiis Naasir, oo ka soo daba cararay, Hasa yeeshe, wax dhag ah umuna dhigin Aqli ee waa ka soo tagay gobtaas.

Aboowe sidaas inaad ula hadashid ma haboonayn, saaxiibken Aqli in’ unan sidiisi hore iyo si’ u dhawba ahayn waad u jeeda “NO.” Aboowe, ani maxaan ku suubiyey saaxiibkeen assaga ayaa iswareerinaayo, wax aan aqliga gali Karin suubin raba eh.

Ereyadaasi waxay ka mid-ahaayeen hadaladii ay isway-daarsadeen, Aqli saaxiibadiis Nasir iyo Ali.

Dhinaca soo jeedka waxaa fadhiyaa Qalbi iyo Nimco Jeego ood modid In-ay sheekadu si macaan iskugu dhacday. Qosol, gos-goos ah iyo ilka cadayntuba ku ma aysan yarayn goobtaas.

Hayye Abaayo, ii warran he adiga inted isaga dhigaysa marti waxba ha sheexen “NO” soo dhawow abaayo Qalbi, Waxaa dhahday Nimco Jeego oo la hadlaysay Qalbi.

“Qalbi”-Wallaahi, walaal anigu aad iyo aad baan iskaga fiicanahay, oo wa Ilaahay mahadi, Cashadan shrafta leh eed nagu marti qaadenna aad baad ugu mahad-santihin, wax aan ka xishoonayyina haba yaraate majirto. Ee bal adigu ii warran, walaal sideed tahay.?

“Nimco”-Abaayo aniguna aad baan isaga fiicanahay, waxan rabay in’aan iskiin baro saaxiibkay “Fuad” ee nassib daro caawa uu shaqaynayey.

“Qalbi”-Walaal waxba kama dhigno, oo maalin kalaad iskaaya bari dontaaye,waxaan ku waydiiyey muxu wiilku ka shaqeeyaa.?

“Nimco”-Abaayo, waxaa u shaqeeyaa wakaalada “SONA” oo waa wariye “NO.”

“Qalbi”-Oo walaal, muddo intee le’eg baad isla socoteen wiilka.?

“Nimco”-Abaayo, waxaan isla soconay muddo “Afar sannadod” ah oo waxaan ku heshiinay inaan is aroosno dhawaan.Ee bal adiguna ii warran, macaan.?

February 15th, 2003.

Walaal, haddan runta ku sheego anigu, walligay wiil lama aanan sheykaysan, marbu Aabahay rabay in u igu daro wiil aannu ilma-abti nahay, oo wan ka diiday markaasna, waayo, wakhtiba umaanan haynin arrimahaas, oo wuxu Go’aan kaygu ahaa, horta Iskuulkaaga dhammayso.

Horaa loo yidhi “ Ragu wuxuu ka sheekaaya Ba’ooga, Haweenkuna Badhaa-dhahooga” ee intii lagu guda jiray cayyarihi xaflada iyo qoob ka ciyaarka waxay Qalbi iyo Nimco is-way- daarsadeen su’aalo fara badan iyo sheekooyin dhaadheer oo dhinac walba taabanayey.

Waxad modaysay, Qalbi, sida ay su’aalaha u waydiinaysay Nimco, in aanay iyada laftigeeda uusan ka maqnayn Jacaylku, markaad eegtid guud-han su’aalaha ku Saab-sana Qoyska rer- Jamac yare, gaar ahaan kuwa quseynayey Aqli oo ay ku sii fogaatay, hase yeshe ma kolba looga fadhiyey Qalbi iyo dhamaan hablaha Soomaaliyed inay soo bandhigaan oo ay caddaystaan jacaylkoda.waxaase uba samaxaynin dhaqan kooda suuban iyo tarbiyadda wanaagsan ee lagu soo ababshay.

Waxaa caado ah oo lagu yaqaana xafladaha nuucan oo kale ah, ee ay iskugu yimadaan wiilasha iyo gabdhuhu, in-u midba midka uu ka helo sii jalleeco oo uu Isha la sii raaco, waxaase adkaata sidii la iskula hadli laha, ha ugu wacnaato Xishoodki lagu yiqiin hablaha Soomaaleyeed amma sheexis u wilku ka sheexo Indhaha faraha badan ee soo eegaya, laakiin, laba isjeceli
ma wayaan si-ay isku fahman, laba is-rabtaayina ma waayaan siday isku heli-lahaayeen.

Qalbi waxaad moodaysay in ay indhaheega iyo qalbigeeduba ku maq-naayen dhanki ay fadhiyeen Aqli iyo saaxibadiis, iyada oo aad uga digtoon in ay ku fahanto saaxibaded, una mujinaysa in ay la dhacsantahay shekadoodan.

Hasa-yeshe, Qalbi indhaheedi way qaban waayeen Aqli oo saaxibadis way ka dhex waayeen, Qalbise maynan aaminin indhaheegi ee intay dhawr-jer mar-maratay ayey sii hummaag-satay, balse, qof aanan meshaba joogin miyey indho soo jiidayaan. “waa maya taasi” oo Qalbi, indhaheegi way ku soo guul-daraysteen in ay arkaan Aqli.

Qalbi wal-wal inta ay fadhin kari wayday-bay si deg-deg ah u go’aan-satay in ay Nimco adeegsato oo ay si’ dadban u hawl galiso, waxayna ku tidhi walaal Nimco, waa wakhti dambe ee, maad inoo raadisid Aqli ha inna sii dhaweeye e.?

Nimco, iyada oo la-yaaban go’aankan deg-dega ah ee ay saaxibadeed gaadhay bay waxay ku tidhi, abaayo maxaa dhacay xafladu hadda un bay si’ rasmi’ ah u bilaa-bantay e inteed tagi, iska fadhi “NO”

“Qof ay meeli u caddahay, meeli ka madow” horayna waatay u tidhi

Sahra Axmed Jaamac, “Niyyadu meel ay rabto uun baa lagu nasin kara” ee

Qalbi, sida ay niyyadeedu ku sii nagaan lahayd ee ay goobtaas ku sii joogi la-

haydi, waa Aqli oy indhaheedu qabtaan. “taasina way surto gali wayday”

Nimco, iyada oo tix-galinaysa codsigi saaxiibadeed, way ku raacday go’aankeedi oo waxay u sii dhaqaaqeen dhankaas iyo Aqli saaxibadiis.

Qalbi, waxay ugu naxdin xumayd marki ay iyada iyo Nimco Jeego ku dhawaadeen wiilashi, Aysa ka dhex weyday Aqli.

Nasiir, oo ahaa Aqli saaxiibkiisi kowaad ayaa intu kasoo dhex-kacay wiilashi u so dhaqaaqay dhanki gabdhaha, wxaase hadalkii kaga horaysay Nimco Jeego oo ku dhahday Aboowe Naasir, me Aqli, oo intuu aaday?

Naasir,- wuxu ugu jawaabay Abaayo, uu hoyday oo gurigibu aaday.

Qalbi, inta ay is-haysan kari wayday iyada oo aad moodid in ay hadalka ka boobtay Nimco Jeego, waxa ay waydiisay Naasir, walaal maxaa ku dhacay wiilka, oo ma nabad uunbu u hoyday.?

March 10th, 003.

Nasir, wuxu ugu jawaabay “ haa abaayo nabad uun bu u hoyday” oo wax dhib ahi majirto. Wuxuna u sheegay hablihi, in uu isaguba ka caawin karo wax kasta oo ay ka rabeen saxiibki Aqli, ma-daama uusan joogin hada ayna tahay mid waajib ku ah saaxiibada nafqaybsiga leh, oo u Aqli ba sidoo kale yeeli-laha.

Nimco,- Aboowe Naasir waad mahadsantahay, ee waxaan rabnay in-aan hoyano oo u naqaado Aqli, aniga iyo gabadhan martida ah, ee Aboowe hadi aad wadatid gaarigaagi waxaan jeclaan lahayn in aad nasii qaadid.

Naasir,- Abaayo inna-keena aniga aya idin-qaadiye.

Qalbi,- Walaal waad mahadsantahay.

Naasir iyo hablihi waxay u si dhaqaaqen dhanka iyo albaabki hotelka Curuba oo u yaalay gaariga Naasir.

Naasir saaxibadiis waxay aad ula yaabeen, ninkan aan haba-yaraate waxba u sheegin intu iska dhaqaaqay uun iska daba-galay labadi hablood.

Waxaa lasoo gaaray goobti u yaalay gaarigu, waxaad se dareemaysay oo halkaas kaaga muuqatay in u mid-walba iskiis u mashquulsana oo u maskaxdisa la’ laba lagdomayey.“waa kala maan” ee mid walba waxay niyyadisu Rabi lahayd bu naftiisa ka raaridayey.

Naasir wuxu aad ula dhaygagay asluubta iyo akhlaaq wanaaga ka muuqatay Qalbi. wuxu niyyadda iska dhahay in ay adigaba ku dhaafin ee dhacso guushan caawa kuu dagan. Naasir waxay naftiisu rabtay oo u jeclaan laha in uu horta Nimco hooyo ka dibna isku kal- yeystaan oo ay isku soo hadhaan isaga iyo Qalbi.

Naasir, waxa uu dareemayey in wax isaga ka awood wayni uu si deg-deg ah ugala wareegay amarki iyo go’aankiiba oo unan garanaynin haba yaraate waxa uu ku tilmaa mi laha, waxaad arkaysay in ay isla xidhiidhi kari la’yihiin maskaxdiisa iyo niyyadiisuba. Naasir, waxa u rabay niyyadda oo u ka yidhahdo mooye wax hadal ahi afkiisa kama soo bixin.

Nimco, waxay jeclaan lahayd horta in la sii dhaweeyo Qalbi, ka dibna ay soo wada noqdaan iyada iyo Naasir.

Nimco, waxay waligeedba qabtay xanuun aysan jirin cid ka caawisa iyo cid ay u soo ban-dhigtaba, waa arrin kaligeed uun ku hayay culays, waa tiiraanyo ay la tiicaysay oo cid ka taageerta aysan jirin.

Nimco, waxay waligeedba ka baqaysay iyada oo saaxiibked Fuad u ka dhexeeyo hasaawo guur, in la ogado ama la fahmo jacaylka ay u qabto Nasir oo aha saaxiibka koowaad ee walaalkeed Aqli.

Nimco, jacaylka Naasir waa mid ay qabtay muddo badan, waa mid isa soo tarayey baryahan danbe oo aad moodid in u fara kulul ku hayo oo aysan jirin cid ka caawisa iyo cid ay u soo bandhigtay ba, waxayna garanayn ba qofka ay ku bilaabi lahayd iyo halka ay ka bilaabi lahayd intaba haddii ay dammacdo inay soo bandhigto jacaylkeedan mucjisada ah.

“Qofba boogta ku taal isagay balbasha” ee Qalbi waxay iyaduna jeclaan lahayd oo ay niyyadeedu rabtay in u Naasir horta iyada iyo nimco u geeyo aqalka Nimciyo, si’ ay u aragto Aqli, una ogaato waxa ku dhacay ee u uga soo tagay xafladii, dabadeedna uu Aqli hooyo iyada, oo u geeyo gurigi ay daganayd.

Hora loo yidhi “ Qofba meesha xanuuni xarra-dhaabi” ee saddexdan qof ee la moo- daayey in ay wada socdaani waa saddex qof oo kala socota.
Waxa u mid walliba qabaa, oo u uhaysta in u ka kali fahansanyahay oo u ogyahay waxa ay niyyadiisu rabto. Waxase, habayaraate jirin mid midka kale fahan-san, amaase ogba waxa niyyadiisa ku jira.

Cabbaar, marki u socday gaarigu, uusan midba midka kale la hadlin wali, waxaa si ula kac ah hadalka ula so boodday Nimco Jeego, iyada oo isku qancisay in uusan haba-yaraate aamus waxba u soo sidin oo laga roonyahay.

Nimco, waxay ku tidhi Naasir, aboowe horta gabadhan martida ah aannu qaadno oo aannu gaynno gurigii ay daganeyd, inaguna waannu soo wada laaban doonaa haddu Ilaahay yidhaahdo e.

Hadal-kaasi wuxu ku noqday gantaal ama fallaar lagu soo gannay naasir iyo Qalbi labadoodaba, oo u mid walliba dhisayey qorshe ama barna-mij u gaar ah, oo u jeclaan laha sida uu wax u rabo in ay u dhacaan.

Naasir inta u is-haysan kari waayey isaga oo donaya in u dhinac kale ka tuso arrinka Nimco wuxu ku dhahay abaayo waxaan rabay in aan horta adiga ku geeyo gurigiina maadaama u innoo dhawyahay dabadeedna aan qaado gabadhan martida ah oo aan geeyo guriga ay dagantahay oo aan sidaa uga sii fogayn gurigayaga.

Qalbi,- iyada afkiiba juuqda gabay oo wax hadal ahi kama soo bixin, wax ay jeclaan lahayd iyo wax ay odhan lahaydba waxay isku qancisay in ay afkeeda ku wanaagsanayn oo laga roonyahay, balse ay sugto halka iyo sida u arrin ku dambeeyo. Ama waxa ay heshiiyaan Nimco iyo Naasir.

Nimco,- iyada oo isxanaajinaysa oo aad moodid in aysan jeclaysan jawaabti Naasir waxa ay ku tidhi aboowe kama hadhi karaayo gabadhan oo aniga ayey marti ii tahay, waana in aan ku hubsada guriga ay dagantahay ee Haddi aanad raali ka ahayn waxaad nagu celin karta Hoteelki, ma waa-yeyno qof kale oo naqaada ee.

Naasir,”- abaayo Nimco maxad isla xanaajinaysa sheekadu intaas ma gaadhsisanaynba e, isdaji“NO” inteed ku soo giiratay abaayo.

Naasir, isaga oo hadalkiisa sii wata inta u daymoday Qalbi, wuxa u ku dhahay Abaayo fikirkayga uun baan cabbiray ee, qalad miyaan sameeyay?

“Qalbi,” iyada oo aan hadalkiba isku dhibin waxay si’ qunyar oo sharaf iyo maammusi ku dheehantahay, ugu jawaabtay Naasir oo waxa ay ku tidhi:-

“Maya” walaal wax qalad ah ma-aanad samaynin ee raalli ahaw.

March 30th, 2003

Jaan-wareerka iyo ismaandhaafku inti u ka taagna goobtaas ee ay saddexdan qof iskala dhignaayeen sodon qof, Aqlina tiisi ba cuslaysay oo iskiibu u mashquulsana. Aqli wuxu isku arkayey in u kaligi cidla ciirsila fadhiyo oo aynan jirin qof u la hadlo iyo qof u ka hadlo, cid u la tashado iyo cid u ka tashado midnaba, madaama u rerka intiisi kali wada hurdo, Nimco na ay wali ku maqantahay xafladii.

Aqli jog iyo jiifba u diiday, oo dhawr jeer intu hurdo u dhaqaaqaybu dhiniciisi dhulka qaban waayey ileyn waa saacad uun u baran e, mararka qaar inta u labisto ayu u soo dhaqaaqa dhanki xaflada, balse intuun albaabkaba gaadhin bu ku soo laabta qolkiisi isaga oo isku canaananaya waar bi’i waaye ma jirto hab iyo hadal aad ugu noqotid halkaas ee sidi aad uga timiday uun uga jog oo nabad iyo caano iskaga jiifso. “Mase jiifsan karayaaba”

Aqli intii u jiifay ee u dhinaca ku hayyey dhulka, gabay iyo geeraar, hees iyo heelo intaba uu dhameeyey, inkasta oo ay u badnaayeen kuwa ka turjumaya marxaladan u haatan marayo, oo ay horay u tiriyeen abwaano Somaaliyeed, waxaana ka mid-ahaa, “Marbaan mawjadaha beenta ah maaxa dhexdoodo muqayga la arkaa laakiinse aan maqanahay” iyo “Wallee timo haldhaalay ama taabay oo helay ama taahay abidkay,” iyo qaar kalo badan.

“Naasir,” jawaabti Qalbi waxa ay ku noqotay duufaan baraf ah oo aad u qaboojiey qalbigiisi iyo maskaxdiisiiba, Naasir wax hadal iyo hugun ahi kama soo bixin cabaar, waxa u aad ula taca-jibay, oo ku noqotay filan-wa habka ay ugu jawaabtay iyo sida ay uguba dheeraanin jawaabtan qancisay isaga.

Waxa Naasir dhinacba uga tagi wayday oo il-bidhiqsigiba ku soo laabaneysay maskaxdiisa jawaabti Qalbi,ee ahayd ———————————

“Maya” “Walaal wax qalad ah ma-aanad samaynin ee raali ahaw.”

Naasir waxaa cajaa’ib ku noqotay oo u aad ula yaabay labadan hablood ee uu Ilaheen wada abuuray sida ay u kala duwan yihiin iyo siday u kala hadal wanaagsan-yihiin marka u isbar-bar dhigo labadoodi hadal ee ugu dan-beeyey waxay uga kala dhignaayeen “hanfi iyo dabayl kaa helay duleed” iyo “Naacaw qabow, naxariis iyo barwaaqo aad ku nagidahay,” labadaasina run-
ahaanti waa “kaaf iyo kala dheeri.”

Naasir, maskaxdiisu intii ay ku mashquulsanayd hadaladi Nimco iyo Qalbi, oo uusan midna midka kale la hadlin muddo, waxu ku soo baraarugay marki u bidix ugu soo leexday gurigi ay daganayd Qalbi, wuxuna is-hortagay albaabki daarta isaga oo aan ka jawaabi karayn haddi la waydiin lahaa, sida u halkan ku yimid iyo dhanka u ka yimid midba.

“Qalbi,” intay ka so dagtay gaadhigi waxay ku tidhi Naasir iyo Nimco walaal waad mahadsantihin ee habeen wanaagsan.

“Nimco”-Abaayo, adaa mudan ee sido kale habeen wanaagsan, barri ayaan is-maqli doonaaye, anaiga aya ku so waci “haddu Ilaahay yidhaahdo.”

“Naasir”- salaama abaayo, is arag dambe oo wanaagsan.

Naasir, waa soo dhaqaajiyey gaadhigi isaga oo u soo jeeda dhinacaa iyo Nimco Jeego gurigoodi.

Waxaa lagu soo dhawaaday xaafadi Nimco iyo, iyadoon wali uusan midna midka kale la hadlin, hasa-ahaate, lawada saran-yahay baabuur kaliya.

Nimco, wax ay odhan lahaydba hadda meesha ma-talo oo xurgufti hadeer dhex martay iyada iyo Naasir aya xaajadii sii murgisay oo sheekadiba meel ay ka soo qabato hadda ma-taqaan. gaadhigi marku staajieyey bu Naasir ku dhahay Nimco, abaayo habeen wanaagsan.

Nimco-na waxay ugu jawaabtay, aboowe adiguna sidoo kale habeen wanaagsan.

Kaddib-na, Naasir wuxu u sii dhaqaaqay dhinici gurigooda oo uu usii hoyday.

Aqli soo-jeed mooye maba seexan karaya, sanqadhi ugu horaysay marku maqlayba waa soo booday oo isaga aya albaabka ka furay Nimco.

Sideedaba, waxaad mooda Nimco iyo Aqli in-ay iskaga dhaw-yihiin walaalaha kale markaad eegtid siday u kaftamayaan iyo siday u wada sheekaysanayaan ma’odhankaraysid labadan ba wax isku ah ba.

Waa laba walaalo aad iyo aad isku jecel, is-fahma iskuna sir qarsada iyaga oo wada qoslaya mooye marnaba arki maysid iyaga oo isku cadhoonaya waa taa darted waxay reerka intiisa kali ugu bixiyeen una yaqaaniin:-“ul iyo diirkeed.”

Aqli marki u ka furay albaabka Nimco way ku soo booday oo intay Hag siisay-bay ku dhahday, “Aboowe macaane ii waran sideed tahay oo maxa kugu dhacayood xafladi uga soo tagtay?”

“Aqli,”-intu yara qoslaybu ku dhahay, abaayo macaan waan iska-fiicanahay, aniga uunba iska soo hoyday e wax igu dhacayna ma jiro.

“Nimco,”-Aboowe haddi aad soo hoyanaysid, maxaad iigu sheegi wayday.?

“Aqli,”- Raali noqo abaayo macaan, xoga mashqulaad ahayd NO.

“Nimco,”-Aboowe maxa ku soo-jeediyey saacadan, oo horay ayaa bad uga soo tagtay xafladi e, miyaanad wali seexan.?

“Aqli,”-Abaayo, hadda uun-baan soo baraarugay mooy, caawa oo dhan-ba waan hurday NO.

“Nimco,”-Aboowe Aqli indhahani kuwa seexday uma eka e maad runta ii sheegtid, maxaa jira aboowe.?

“Aqli,”-Abaayo Nimco, waa wakhti dambe e iska seexo aniga aya ku warrami doona e.

“Nimco,”-Hayye, aboowe macaane habeen wanaagsan waa inoo barri e.

“Aqli,”-habeen wanaagsan abaayo macaan.

April 15th, 2003.

“Naf Jacayl Helay u Haleelu Hab ku soo Yidhi, Halkay Jiiftiyo Gogosheedoy Hiifto Mooye, Hurdo May Heli?”

Aqli, habeenki oo dhan wuxuu gal-gasho u hadba dhan isku rogaba marki u waagu soo baryi-rabay, isaga ooy daaleen dhinac-yadu, oo ay isnaceen isaga iyo goo- goshiisi ayu indhaha isku keenay oo u gam’ay.

Aqli, intii u hurday wuxu soo koobay aduunka oo dhan, wuxu tagay meel uun walligii tagin, wuxuu arkay meel uusan waligi arkin, wuxuna helay wax uunan wal-ligii heleen, wuxuu wakhti kooban kuso maray goobo uunan waligii soo marin, oo ku kala yaala dhammaan dacallada Aduunka.

“Ma dhabbaa mise waa Dhalanteed” “Ma riya mise waa run”

“Aqlise ma’aamini doona waxaasa hawaawi ahaa.”

Waxaase jirtay mah-maah Ingriis ah, oo odhanaysay:- “Miskiinku haddi uunan ri’yada ku cabeeynin subag, waxaaba dili lahaa Calool-Qallal.”

Nimco, Iyada oo dhinac ka waday hawshii guriga, dhinaca kalena ka wal-walsan walaalkeed Aqli waxan ku dhacay, inta ay soo gashay qolkiisi iyado u sii diyaarisay qado iyo qubays ba, waxay ku tidhi:————–

“Nimco”- Aqli aboowe waa saacad dambe e iskaga kac hurdada oo kaalay cun qadada, inta aysan kaa qaboobin.

“Aqli”- Abaayo Nimco oo waa meeqa saac?

“Nimco”- Aboowe waa 9:00-kii galabnimo(3:00pm) ee iskaga kac hurdada.

“Aqli”-Abaayo maxaad ii toosin weyday saaka subaxi taba-bar aan qabnay oo aan tagi rabay. “NO”

“Nimco”- Aboowe meeqa jeer aan ku toosiyey, waakan qureeci aan kuu keenay saaka subaxdii ku garab-yaala illaa hadda kuguna dhinac qaboobay e, iskaga kac aboowe hurdada oo kaalay qubayso waan kuu diyaariyey e.

“Aqli”-Hayye, waan soo kici abaayo macaan, waad mahad-santahay 100%

“Nimco”-Adiga ayaa mudan, aboowe Aqli.

Intii u qubaysanayey Aqli waxaa Telefoon soo diray Naasir, oo rabay in uu la hadlo saaxiibkiis, waydiiyana waxa ku dhacay, uuna ogaado bal-sida u xaalkiisu yahay, hasa-yeeshe, waxaa ka qabatay telefoonki Nimco Jeego una sheegtay in uu Aqli maydhanayo oo uu ku jiro masqusha, ayna u qaadi karto wixi fariin ah, hadi ay jirtaba.

“Nimco”-“Hello” yaa waaye aboowe?

“Naasir”-Abaayo waa aniga Naasir e, waa ayyo adigu?

“Nimco”-Aboowe Naasir, waa aniga Nimco e, ii warran sideed tahay?

“Naasir”-Abaayo Nimco waan iska fiicanahay e, bal adigu iska warran?

“Nimco”-Waan kuu fiicanahay aboowe Naasir e raali iga noqo haddi aan kugu gaffay xallay, ma aqaan aboowe wax igu dhacay e.

“Naasir”-Waxba kama dhigna abaayo, ee mme Aqli, oo maxaa ku dhacay?

“Nimco”-Ma aqaan aboowe waxa ku dhacay Aqli, hadda ayu kacay oo uu qubaysanaya ee maxaan ku dhaha?

“Naasir”-Abaayo Nimco waxaad ku tidhaahda Naasir aya kula soo hadlay, wuxuuna ku dhahay sida ugu dhakh-saha badan leh iila soo hadal waxaan jooga xaruntii kooxda e.

“Nimco”-Hayye, aboowe Naasir aniga aya u sheegi doona marku soo baxo.

“Naasir”-Waad mahad-santahay abaayo Nimco e nabad galyo.

“Nimco”-Adiga ayaa mudan aboowe Naasir , “Qayr aan isku ognahay.”

Waligiiba wiil ay la-dhalatay gbadh wanaag-sani waa ka dhex muuqan jiray dhallin-yarta inteeda kale, oo Aqli markii u ka soo baxay masqusha waxaa miiska u sii saarna cunto kala nuuc-nuuca, dhinaca kale waxaa u sii sudhna surwaalki iyo shamiiskii u xidhan lahaa oo si fiican loogu sii giijiyey kaawiyad ama feero aadna looga ilaa-liyey jactad.

Aqli goorti uu qadeeyey-ba wuxuu soo qaatay telefoonki, kadib markii ay Nimco u sheegtay farriinti Naasir, oo intuu la hadlaybu u sheegay in u hadda soo baxi rabo, wuxuna kula ballamay “Ekwator Coffe” oo ku yaalay Number Affar.

“Nimco”- Aboowe Aqli adiga oo iga raali ah, ma kula hadli karaa inta aanad bixin?

“Aqli”- Inta u soo laabtay-bu ku fadhiistay kursi yaalay daarada ama barandaha wuxuuna si qun-yar ugu jawaabay “Haa abaayo waad ila hadli kartaa ee maxaa kuu daran.”

“Nimco”- Aboowe Aqli, sidaad u ogtahay ba anigu laga soo bilabo xalay illaa iyo saacadan aannu joogno aad baan uga walaac-sanahay xaal-kaagan oo wax aan ku tilmaamo ma-garanayo, waan-se arkaya in aanad sahloonayn oo maah maah Soomaaliyeed ba odhanaysay “Kor waayeel waa wada indho” ee aboowe Aqli waxan ahay walaasha macaan-ti ifka kugu jeclayd, waxanan kuugu ballan-qaadaya in an wax-kaala qaban doono wax alliyo wixi aad iiga baahatid ee karaan kayga ah oo aan hiil iyo hoo ba kula garab joogo. Ee aboowe waxaan kaa codsanaya in aad ii sheegtid waxan kugu dhacay ee jiif iyo jog iyo hadal iyo hugun ba kuu diiday, kaana dhigay joogaha maqan ama maqanaha jooga tan iyo xalay.

“Aqli”- Abaayo Nimco wax’aan kaa qarinayaayi ma-jirto, waanan ogahay inaad tahay qofka qudh ah ee aan ku sir qarsado aad iyo aadna waan kuugu kal-soonahay, haddi aan adiga wax kuu sheegi waayo-na ma jirto qof kale oo aan u sheegayi, ee haddaan wax kaaga taa-taabto wayahayga e aad tan iyo xalayba wax ka fahmi la’dahay, abaayo waa runtaaye horta ma sahloona naftaydu oo ila iyo markii ay indhaygu qabteen gabadhan saaxiibadaya ee Qalbi isbadal wayn ayaa igu dhacay oo way iga-ga dhacday qoftaas, waxanan u malaynaya inaad wax igala qaban kartid haddii aad ii hagar baxdid abaayo Nimco.
May 1st, 2003.

“Nimco”- Aboowe Aqli, waxba kama qabo oo wixi karaan kayga ah waan kula qaban, laakin aboowe raali kama ahi in-aad gabadh qayr- kay ah aad ku ciyaartid oo aniguba gabdh ayaan ahay wayna i damqaysaa, ee hadii ay wax kaa run-yihiin waxba kaama xumaanayaan ee ii sheeg aboowe runta.

“Aqli”- Abaaayo Nimco, waan u jeeda halkaad ka hadlaysid iyo waxaad u jee- did-ba, waxaanse kuu sheegaya in aynan wax sidaas ahi naga dhexaynin hadda qoftan aad ka hadlaysid. Qalbi-na maba aha qof lagu ciyaaro iyo qof been loo sheego mid-naba oo Nin helaaba nasiib badan ee abaayo waxaad qaban-karaysidba qabo, wixii sir aad ii qrin karaysidna ii qari macaan, adiga oo mahadsan, waxanan ku shegaya in u jacaylkan Qalbi run iga yahay oo “Haddi aanan helin yartaas habeensaday.”

“Nimco”- Hayye, aboowe Aqli, bal anigu waan dadaali doona intii karaan-kayga ah,oo mar waan iskin tusi Qalbi, ee waa adiga iyo Raga-nimadaa wixi aad yeeli doontid, ee aboowe macaane, Naasir-na illa hadda uu ku sugayaaye u tag, labadeena waa innoo wakhti dambe e’.

“Aqli”-OK, abaayo macaan aniga tayda igu da’, bal adiguna dadaal inta aanan la bilaabin wareega labaad ee ciyaaraha, asbuuca dambe, “Hadduu ILaahay yidhaahdo” waayo, waxa adkaani doonta sida la’isku haleelo e’.

Aqli, waa ka soo tagay gurigi oo wuxu soo qabtay dhinaca iyo “Ekwator Coffe” oo u saaxiibkiis Naasir ku sugaayey.

Nimco, waxay gashay qolkeedi oo int ay ku fariisatay kursi ag-yaaley miiska ay wax ku aqrisato waxay qabsatay labada dhaban iyada oo ka fakareysa waxa ay yeeli donto, ogsoona in aynan fudu-dayn hawshan la so daristay, waayo Nimco waxay taqaan “Filsan” in ay tahay Aqli saxiibadi ama gabadha u la sheekaysto oo ka tirsan xulka gabdhaha kubada Laliska “Vally Ball” ee Gobolka Banaadir, waxayna ogtahay in ay ku maqan-tahay muddo-ba gobolada dalka, oo ay kaga soo qayb galayso tartankii ci- yaaraha gobolada ee kubada Laliska. Sida caadada ah-na dhammaan haweenku waxa ay ka siman-yihiin oo ay marnaba u dulqaadan karin, walaal keedna ha noqdo e, wiil la sheekaysta gabadh, in uu ku dul-shukaansado kabadh kale, waanad ka dareemaysay Nimco-ba in aysan raali ka ahyn oo ay aad uga xun-tahay, balse waxay isku qancisay hadaladii walaal-keed Aqli, ee ahaa in aynan waxba ka dheexaynin haatan isaga iyo Filsan, oo u arrinku sidii hore ahayn, waxay-na go’aan satay in wixii karaan-keeda ah ay la qabato, ayna ku dhaqaaco talaabadii ugu horeysay oo ah sidii ay iskugu keeni la-hayd Qalbi iyo Aqli.

Qalbi, habeenkii xalay aha siday ku bariday Ilaahay uunba ogaa, waxa ay gal-galataba iyada oo jiif iyo joog-ba diday, is-na hiifeen gogoshedi bay waxooga yara laam-adooday goor ay tahay waa-dhawaad, hasa-yeeshe kuma aynan sii nagaanin e markiba inta ay kasoo booday jiifkii bay ku soo fadhiisatay sariirteedi, waxayna soo qaadatey Buug ay aqrisato, maba-se akhrin karaysaaba.Qalbi haba yaraate wax-ba kama taqaan Jacaylku waxa uu galo iyo waxa uu gudo-toona, sidaas-darteed maba fahan-sana seexan-waagan iyo waxan saaqay nafteeda-ba waxa u yahay, waxaa-se kaliya ee ay ogtahay in-aynan sidedi hore iyo si’ u dhawba ahayn, oo ay wax ku so kordheen naftedi, “Dantaba-se way u barani doonta, oo ruux-ba waa markii la haleelo uun” e Qalbi sidii bu waagu ugu baryey, deetana, waxay guda-gashay hawl maal-med keedi iyo wixii u qorsheysna maalintas, inkasta oo ay wax badaniba uga fulin maalinta iyada ah oo ay niyad-ba u haynin wax kale oo aanan ahayn dhawaq sa’n oo ka soo yeedha dhankaas iyo reer Jaamac Yare gaar-ahaan Nimco Jeego oo ay ka sugaysay Telefoon, kuna canaana-naysay hadal la’aanteeda oo ay is-lahayd, waa saacad danbe’ e maxaa ku dhacay gabadhi oo ay kuula soo hadli wayday.

Saacadu markay ahayd 5-tii galabnimo, ama “11-kii” Qalbi oo Buug aqrisanay-sa waxaa u timid Ayaan, oo ka mid-ahayd Hablihi kooxda xulka Gobolka Woqooyo Galbeed, waxayna ku tidhi:

“Ayaan”-Walaal Qalbi adiga oo iga raali ah waxaa lagaa raba telefoonka.

“Qalbi”- Walaal ayyaa i doonaya.

“Ayaan”-Walaal waxay igu tidhi waxaa la i’ yidhaahda Nimco.

“Qalbi”- “OK” walaal Ayaan, waad mahad-santahay e way so socota ku dheh.

“Ayaan”- Hello, walaal way soo socota e yara sug.

“Nimco”- Abaayo waad mahad-santahay.

“Ayaan”- Walaal adiga mudan.

“Qalbi”- Hello, iska waran walaal Nimco? sideed tahay, bal ii warran.

“Nimco”- Abaayo waan kuu fiicanahay ee raali noqo, wakhti hore in-aan kula soo hadlo ayey ahayde wakhtiga ayaa i saamixi waayey e.

“Qalbi”- Walaal waxba kama dhigna, kol haddii aysan wax dhib ah oo kali jirin waa iska caadiye, ii warran bal maxaa kale oo soo biiray.?

“Nimco”- Abaayo wax kale oo soo biiray ma jiro, oo aan ka-ahayn qayr, ee hadda ayaan kawada hadleynay Aniga iyo Hooyo wakhtiga ugu haboon ee aan kuu qado karin lahayn, maa-daama ay bilaabana-yaan wareegi labaad ee ciyaaruhu todo-baadka dambe, waxaanan ku go’aan sanay maalinta Axadda, barri maahe barre-dambe in aan qado kuugu samayno gurigeena, ee abaayo maxaad ka qabta.?

“Qalbi”- walaal maxaad isku cadibay-saan, maad iska dhaaf-taan.

“Nimco”- Maya, abaayo maxa loo dhaafaya, mana-jirto wax caddi-baad la dhaho, ee waa wax aan isku-leenahay, sidee waaye abaayo-Qalbi.

“Qalbi”- Hayye, walaal Nimco waxba kama qabo e, igu salaan reerko dhanna.

“Nimco”-Ok, abaayo waad mahad-santahay aniga ayaa kugu salaami reer-keena oo dhan e, sidoo kale Hooyo iyo Aqli-na way ku soo salaamayeen, oo Hooyo way gara-naysaaba Aabo iyo dhammaan reer-kiina oo idil, maanta gidigeed-bay iiga sheek-aynaysay arimahaas oo dhan, idinka ayaa is-waraysan doona e, waa inno barri-dambe saacadu marka ay tahay Labada duhur-nimo(Sideeda saac) Aniga ama Aqli ayaa ku soo dooniye abaayo diyaar ku sii noqo guriga.

“Qalbi”- Alla-Yi-salimak, walaal sida oo kale anigana igu salaan waa inno sahan-dambe labada duhur-nimo haddu Alle Yidhaahdo e.

“Nimco”- Ok, abaayo macaan habeen-wanaagsan.

“Qalbi”- Hayye, walaal Nimco nabad-galyo.

Aboowe Aqli sideed tahay iska warran,? waan iska fiicanahay ee aboowe Naasir adigu bal ii warran,? su’aala-haas waxaa is-waydaarsaday Aqli iyo Naasir oo iskugu yimid Ekwator Coffe, waxaad moodaysay laba qof oonan is-arag muddo dheer, sida xiisaha leh ee ay iskugu soo boodeen iyo sida ay isku waraysana-yeen intaba, kadib-na waxay galeen sheekooyin dhaa-dheer oo taabanayey dhinac walba iyo raali- galin uu midba midka kale ka raali-galinayey wixii dhacay xalay, wuxuuna midba midka kale u muujiyey sida uu uga xunyahay in-ay sidaas wax u dhacaan. Sheekadii wax ay socotaba hoos aya la iskula dagay waxaana la isla soo gaadhay su’aalo khaas-ahaaned oo ku saab-san Qalbi, oo u Naasir u kulula sidii u wax uga ogaan-lahaa, hasa-yeeshe, waxaad dareemay-say Aqli, sida uunan raali uga ahayn arrimahaas iyo hadal-qaad ka Qalbi-ba, oo u ka door-biday in aynan ka hadlin hadda taas ee ay u dhig-taan wakhti-yada dambe, waxa kale oo u Aqli u sheegay Naasir in uunan hadda haysan wakhti ku filan oo u ku laaban rabo gurigi, balse ay is-arki donaan bari “Haddi u Eebe Yidhaahdo” Naasir-na u ka aqbalay codsigi saaxiibkiis, waxay-na ku balameen isla goobtan, bari markay saacadu tahay 5-ta galab-nimo.

May 15th, 2003

Nimco, daqiiqado yar uun kadib marki ay dhigtay Telefoonki Qalbi, waxa kale oo ay telefon ka heshay Filsan, oo wali ku maqan gobolada dalka oo ay kaga soo qayb- galaysay tartanki horyaalka cayaaraha ee kubada laliska. Filsan waxa ay rabtay in ay la hadasho Aqli, nasiib-daro se, ma uunan joogin Aqli guriga wakhtiga xaadirka ah, wax- ayse isla hadleen Nimco Jeego oo u sheegtay in uu Aqli maqanyahay hada, ayse u dhaafi karto wixii fariin ah amma ay ku soo celiso hadhaw, waxa kale oo ay u sheegtay in aynan garan kareyn wakhtiga uu imaan doono. Nimco su’aalihi ay waydiisey Filsan waxaa ka mid-ahaa goorta ay imaan doonto, sida uu hadda xaalkeedu yahay iyo halka ay ciyaruhu haatan u marayaan.

Filsan, waxay Nimco u sheegtay in aynan garaneynin wakhtiga ay imaan doonto oo ay ku-gudo jiraan wareegi kowaad ee ciyaaraha ayna u marayso meel aad u wanaag-san. Waxa kale oo ay u sheegtay in u xaalkeedu aad u wanaagsanyahay oo kolba gobol si’ heer sare ah loogu soo dhaweeyo oo loogu marti-qaado. Filsan waxa ay hadal-keedi ugu so gaba-gabeysay Nimco in ay u sheegto Aqli in ay lasoo hadashey, aadna ay iskaga fiican-tahay oo ay la soo hadli doonto wakhtiga ugu horeeya ee ay fursad u hesho telefon waayo war-isgaadhsiinta gobolada qaar ayaan aad u waanaagsaneyn meelaha qaar-na ma-ba la helo telefoon, deetana inta ay isa salaamadeeyeen ayey xidheen telefoonki.

Nimco, inti ay ku hadleysay telefoonka, waxa u taagna dibadda oo ku sugaayey saaxiib-keed Fuad, oo ay ku ballan-sanaayeen caawa in ay casho u baxaan. Nimco inta ay gashay shidhki gaadhiga ammaabase gabiinadda ayey Fuad ku tidhi abbowe iga raali noqo waxaa idaahiyey telefoon “NO” oo waxaan la hadlaayey Filsan oo rabtay in ay la hadasho Aqli, isaguna waa maqan-yahay oo wali ma uusan imaan guriga.

Fuad wuxu weeydiiyey Nimco, halka ay joogto Filsan hadda ee ay ka soo hadley-sey.

“Nimco”- waxay idhahday waxaan jooga Hargeeysa, (Magaalo Madaxda Gobol-ka Woqooyi galbeed) oo ay ciyar ku dhexmartay shalay iyaga iyo Xulka Gabdhaha Hor- Yaalka Kubada Laliska ee gobolka Woqooyi.

“Fuad”- oo may kuu sheegtay kooxda ku guuleysatey ciyaarta ay shalay ciyaa- reen.

“Nimco”-Haa, aboowe waxay ii sheegtay in ay beerdareeyeen ciyaarti shalay oo ay ku guuleysteen gabdhihi u ciyaarayey gobolka woqooyi galbeed.

“Fuad”-gobolkey hadda aadayaan? oo meeqa ciyaarood oo kale ayaa u hadhay?

“Nimco”-aboowe Fuad intaaba is-lama aanan sii gaarin, oo wakhti badan-ba isku ma-aanan haynin, waayo iyaduna meel fog ayey ka soo hadleysay aniguna adiga ayaa is- sugaayey oo ii taagnaa dibada oo ay niyyadeyda iyo qalbigeyguba ku soo maqnaayeen, sidaas-darteed baan, uba sii weydiinin su’aalo badan.

“Fuad”- waad mahadsantahay abaayo macaan, ee caawa adiga dookhaaga inoo door inteen u casho tageyna?

“Nimco”-aboowe macaane maad iga dhaaftid, ood adigu innoogu talisid halka’ad doontid, waad ogtahay in-aan si’weyn kuugu kalsoonahay e’.

“Fuad”-mayya, xabiibi caawa talada adiga ayaa haya, oo wax’aad ku talisid-ba waa la-raacaya NO.

“Nimco”- hayye aboowe, hadaad iga dhaafi weeyday waxaan aadeyna oo aan aad u jecelahay cashadiisa Hoteelka “Naasa Hablood” ee maxaad ka-qabtaa?

“Fuad”-“waxba,”macaanto haba-yaraate majirto wax’aan ka qabo, horey ayaan kuugu sheegay, oo caawa hogaanka adiga ayaa inoo hayya, waxaad dhahdid-na hadal la-gama soo celin karo.

“Nimco”- waad mahadsantahay aboowe, intaasaaba i deeqday.

Fuad-na wuxu ugu jaawabey adiga ayaa mudan abaayo macaan. kadibna gaadhi-giibu dhaqaajiyey oo wuxuuna u jiheeyey dhanka iyo Naaso Hablood, labadooda-ba waxaa wajigooda ka muuqatey farxad siyaada ah, waa “Fuad iyo Nimco” ee, qosol-kuna malahayn kala go’ba ila iyo laga gaadhayey halkii loo socday oo ahayd cashada caawa iyo Naasa Hablood.

Cabaar marki ay socdeen ayu Fuad intu gaadhiga istaajiyey Mac-Macaanle hor-tiis, wuxu ku dhahay Nimco, maxaan abaayo ku soo qabtaa oo aad ku si cabi jidka.? Nimco, waxay ugu jawaabtey waxaad rabtid-le ii soo qabo aboowe. Fuad, marki u galay dukaankii waxa u waydiistey in u isticmaali karo telefoonka, oo u markiise horeba u dan-laha, wuxuuna telefoonki u dirsadey Hotel Naaso Hablood, kadib markii u mulkiilihi dukaanku u idmeeyey in u istic-maali karo. Fuad wuxu la hadlay Maa-Mulihi Hoteelka Naasa Hablood, (Abdiraxmaan Kaahin) oo ahaa saaxiibkiisi caruur-nimadii illaa hadda, eyna aad iskugu dheraayeen., Fuad wuxu ka codsaday Kaahin in uu u qabto miis, loona soo dhaweeyo, looguna adeego si’ heer sare ah, like—“V.I.P.” waxa kale oo u sheegay in-ay caawa tahay habeenka dhalashada Nimco, “Birth Day”geegi laakiin ay Nimco hilmaam-santahay, uuna doonaayo in u kidis, amma u “Surprise” uga dhigo.

Kaahin, wuxu ugu jawaabay Fuad aniga taa igu halle aboowe, hawshaasna xilkedi isaga ayaa si’ toos-ah uga-la wareegay.

Fuad, gaadhigi-bu ku soo laabtey isaga oo u sida cabitaan Nimco wuxuuna ku dhahay abaayo raali noqo hadaan kugu soo daahay, dukaanka aya saf loogu jirey NO.

Nimco-na waxay ugu jawaabtey waxba kama dhigna aboowe macaane, waa iska caadi e’, oo cabitaan wanaag-san ba-bad ii soo qabatee, aboowe waad mahadsantahay. kadib-na waxay u sii dhaqaaqeen dhankaas iyo Hoteelki Naasa Hablood.

Nimco iyo Fuad, marki ay soo gaadheen albaabki Hoteelka waxaa si’ diiran ugu soo dhaweeyey shaqaale si’gaar ah ugu carbisan dhinaca soo dhaweynta kuna dhahay, “ku soo dhawaada Hoteelka Naasa Hablood” una sii galbiyey xagga iyo miiski loogu tala-galey in-ay ku casheyaan, waxaana miiska loo saarey Buugi dalabka cuntada amma (Menu) gi, ka dibna waxa lagu dhahay “Casho wanaagsan” inta si’ layaab leh loogu ilka-cadeeyey.

Marki ay dhameysteen cashadoodi, waxa soo dul istaagey miski ay fadhiyeen Maamulihi Hotelka Kaahin iyo Siddeed(8) ka-mid ah shaqaalihiisi Hoteelka oo sida “Cake” ay ku qoran-tahay “Happy Birth Day Nimco” waxay-na saareen miiska guudkiisa kadib-na waxa ay bilaabeen hees ay ugu heesayaan Nimco, waxaana ka mid-aha erayadii heesta “Waa Habeenki Dhalasha-daade Hambal-yaan Ku Leenahay” mar-ki ay dhameyeen heestii-na waxa ay isku dareen sacab iyo sawaxan aan kala go’ lahayn.

Farxadi waa Naxdin, oo Nimco wax hadal ahi kama soo bixin cabaar oo aan ka ahayn waad mahadsan-tihiin, waad mahad-santihiin iyo qosol aan caadi aheyn.

Keeg-gi marki ay cuneen, Fuad iyo Nimco way ka so kaceen miiski ay fadhiyeen oo waxay u soo dhaqaqeen dhanki albaabka, hasa-yeeshe waxa ay ku sii haka-deen dhexda oo shaqaalihi Hoteelku kolba midi istaajinayey oo u gacan-qaadayey, habluhu-na ay labada daan ka dhunkanayeen Nimco kuna lahaayeen ” Habeen Farxad leh” kadibna wey ka soo baxeen hoteelki.

Albaabki dibada marki ay joogaan, wuxu Fuad ku dhahay Nimco, abaayo ina-keen, intan-ayaan wax ka soo qabsaney-naaye, Nimco-se hadal-ba kuma jiro caawa oo way yaban-tahay, waxay-na isleedahay maxay kale oo u soo wataa hadana, balse waxay ku tidhi marxaba aboowe ee ina-keen, intay gaadhigi iskaga tageen ayey lug sii dhex-qaadeen jidki Number Afar ee hormari jirey Hoteelka, waana habeen aad iyo aad u wan- aagsan oo kulayl iyo qaboow midba aheyn, laamiyada oo aad laydhaas iska dhex-qaadid mooye, naftu guri iyo gaadhi dhexdiis mid-ba ma ogolo, nabad-galyada iyo nidaam-kuna aad iyo aad ayu u wanaagsana oo waa Xamar iyo bari-samaadki, waxayna sii gooyeen safaradi “Egypt” iyo taalladi “Axmad Gurey” wuxuna hor-staajiyey Cinema Ekwatoore oo u Kaahin laba kursi uga sii qabtay, wuxuna ku balamiyey “Jamac” oo ahaa shaqaa- lahi shenemada, ah-na kaahin walaalkiisi ka yara, isaguna inta u si’ fiican u soo dhawee- yey ayu hor-kacay ila iyo laga gaadhayey kursigi u diyaar-sana Nimco iyo Fuad oo wuxu ku dhahay ku soo dhawaada Cinemo Ekwatore, wuxuuna u sheegay Film-kan magaciisa oo u yidhi waa film jaceyl ah oo aad u fiican ee daawasho wanaag-san.

Film-ki marii u dhamaadey waxay hadana dib ugu soo lugeeyeen goobti u yaaley gadhigu, oo ay ku soo raaxeysteen mar-labaad hawodi macaaneyd ee socotey habeen-kaas, intii ay ku soo jireen jidka, dhawr su’aalood oo u Fuad waydiiyey Nimco, wax-ay ku hada-shaba wey garan-weeyday farxad aw- geed, waxaaba-se laso gaadhay goobti u uyaalay gaadhigu oo u Fuad horta Nimco ka furay albaabki, kadib-na inta u furey gadaa- shi gadhiga waxa u ka-soo saarey “Box” xiran oo had-yad ah, wuxuuna u dhiibay Nimco oo u ku dhahay “Happy Birth-Day” abaayo. Nimco-na iyada oo aad u faraxsan waxay ku tidhi ma-furi karaa aboowe?— Fuad-na wuxuu ugu jaawaabey Haa abaayo fur, adiga ayaa iska leh had-yadan e’.

Nimco, iyada oo gariireysa waxay hadba dhinac u rogto box-kii, iyado oo garan la’ dhan ay kaga tagto iyo dhinac ay kaga biloowdo-toona, ayey cabaar dabadeed ku guuleeysatey in ay furto sanduuqi amaa box-kii, kadib-na farxad daraadeed-bay ooy-dey oo ay ilmadu qoysay dhabanada, waxay-na ku noqotay filan’waa. Iyaada oo aad ula-yaabtey Fuad oo markiisi horeba aha nin aad u wanaagsan, caawana ku sii biirsadey tan, waxa ay si’ farxad iyo reyn-reyn ku dheehan-tahay ugu tidhi, aboowe macaane waadmahadsan- tahay 100% waxaanan caawa ogaadey in aad tahay qof aad u macaan oo aan walligeey ruux la mid ah amma aan ku mataala-ba u i soo marin, run-ahaantina uma-maleeyo in uu dib ii soo mari doono. Nimco, inta ay cabbaar aamustey-bey maskaxdeedi dib ugu noqotay talo, waxay-na is-xasuusisey murti Soomaali odhaneysay “Halsha labada geed jecel, laba gabi dhexdoob-bu waraabuhu ku gawracaa” sidaas-darteed, Nimco waxay gaadhay go’aan dagdeg ah, waxayna isku qancisey, haddi aad nin la-wadaagi lahayd mustaqbal amma aad la yeelan lahayd nolol iyo naf-qaybsi intaba, waa kan kii, oo waa “Fuad” ee bi’i waaye Nimcoy ayuunan ku gees-marin ee jacayl dhab-ah la wadaag. Nimco iyada oo hadli kari la’ farxad, ayna wali ilmadu quba-neyso dhabnada, Waxay ku tidhi Fuad aboowe waxaad anigana iga gudonta ere-yadan kooban oo hadda ku soo dha- cay maskaxdeyda, ahna go’aan kama dambeysa oo aanan dib uga laabaneynin.

Ninka lala Rafiiqe, Reer lagula Hooydiyo, Ragga macalinkiisow, Naf-taydi ku raacdo, kaa Roori maaye, Waxa caawa iga run ah, od ra’yigaaga galisa, inaan Raalli, Inaan raali kaa ahay”

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s