layaabka aduunka (ey cimaamad loo xidhay)


Qiso la yaab leh oo ka dhacday Dalka Sucudiga kadib markii Eey Cimaamad loo saaray!

Prof Joseph Williams oo khabiir ku ah is bedelada cimilada ,waxna ka dhiga Jaamicad ku taal gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu amray inuu si deg deg ah uga baxodalka Sucuudiga.

Prof Joseph Williams ayaa waxaa uu muxaadaro la xiriirta isbedelada cimilada waxa uu ka baxinayay jaamacada Daa’if ee ku taal galbeedka Sucuudiga ,waxana uu markii hore ka warramay isbedelka cimiladu ayku yeelato xayaawanada ku nool dhulka saxaaraha ah ama lama degaanka dalka Sucuudiga,waxana uu dadkii ka soo qayb galay muxaadaradan uu tusiyay sawirka ey ku nool dalka Maraykanka,waxana uu dabadeed soo bandhigay sawirka ey ku nool dalka Sucuudiga,oo isla eygii hore ah oo markan waxaa loo geliyay cigaal iyo cimaad ay caanku yihiin ragga Sucuudigu.

Waxana isla markiiba ka qayb galayaashii Sucuudiga ahaa ay bilaabeen buuq iyo sawaxan ,waxayna sheegeen in Prof uu bahdil iyo ihaano ku sameeyay dadka Sucuudiga kadib marka uu soo bandhigay eygan loo geliyay dharkan.

Waxana soo qaban qaabiyaashii muxaadaradan ay go’aan sadeen in Prof uu joojiyo muxaadarada isla markana uu si dhaqso ah kaga baxo dalka Sucuudiga.
Dr Ibrahim Arif oo waxka dhiga Jaamacada Taif ayaa waxa uu sheegay in Prof Joseph uu laba jeer raali gelin ka siiyay Jaamacada iyo ka qayb galayaashii gefkan uuku kacay ,waxana uu sheegay in Prof Joseph uu sheegay in sawirkan uu ka helay Prof Sucuudi ah isla markana laga helo karo Internetna , waxana uu sheegay in uu la yaabay sida weyn ee ay Sucuudigu uga xanaaqeen oo ahayd sawir kaliya si kastaba ha ahaatee Prof William waxa laga cayriyay dalka Sucuudiga

Advertisements

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s