taariikhda somaliland


Somaliland : Hayaankii dheeraa iyo Himilada Ummadda(18May 1991 ilaa 18 May 2011.)

waa diyaarintii abdi samed baashe xuseen

intaanan taariikhda somaliland u galin maanta oo ay bishu tahay17 may beri loo dabaal dagi doonaa xuskii 20aad ee sanadguuradii 18may ee aynu xoriyadeenii ka soo ceshenay koonfurta somaliya,
sanadguuradan oo ka duwan ku wii hore loo soo dhigay, waxa sanadkan la muujinayaa dareenka muwaadinimo
aynu nahayna dawlad aqoonsi raadis ah oo nabad iyo dimuquraadiyadba haysata kana madax banaanay koonfurta somaliya, isha alaahu waxaan rajaynayaa in sanadguuradani noqoto jidkii aynu aqoonsiga ku heli lahayn, aamin.
In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan oo ay hogaaminayeen xoogagii jabhadii SNM ka dib, waxay waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo hormuudka qabaa’ilka iyo bulshada Somaliland ku heshiiyeen 18kii May in ay la soo noqdaan xorriyadii luntay 26kii June 1960.

18ka May waa maalin ku suntan taariikhda Somaliland. Waa maalin jiilashii hore u ah xusuus, jiilasha danbena dhiirigelin iyo rajo. Waa maalin ay ka badbaaday Somaliland inay

ku dhacdo god madow. Waa maalin mudan in dib loo xasuusto taariikhdii madoobayd ee halgankii, rafaadkii, barakacii, iyo baa’bii ku dhacay bulshada Somaliland. Waa maalin mudan in la xasuusto kumanyaalkii halyey ee u duurgalay inay dulliga ka dulqaadaan shacabkooda. Waa maalin mudan in loo duceeyo intii ku geeriyootay halgankii dheeraa ee dalka loo soo maray. 18May waa maalin mudan in laga farxiyo agoontii iyo dumarkii ay ka tageen halgamayaashaasi. Ma soo koobi karno qiimaha ay maalintani ugu fadhido qarankan, iyo muhiimada ay leedahay.

Somaliland waxay leedahay laba taariikhood. Taariikhdii ka horeysay 1991kii dibna ugu noqonaysa ilaa wakhtigii xornimada laga qaatay gumaystihii Ingiriiska 26kii Juun 1960. Taariikhda labaad ee Somaliland ayaa ah tan hadda socota kana soo bilaabaysa wakhtigii dib loola soo noqday xorriyadii luntay 1960kii.

Wakhti badan ku lumin inaynu ka sheekayno duruufihii hore iyo wixii ka horeeyay 1991kii, balse waxaynu is dultaagi doonaa xaaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo 1991kii.

Somaliland waxa lagaga dhawaaqay magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’aankanna wada qaatay dhamaan beelaha Somaliland oo ay ku jiraan kuwii aan ka qayb qaadan halgankii dib loogu soo xoreeyay Somaliland. Shirweynahan Somaliland lagu guddoonsaday wuxuu sidoo kale noqday kii ay beelaha Somaliland si rasmi u iskugu saamaxeen isla markaana iskula qaateen in loo wada midoobo sidii Somaliland looga midha dhalin lahaa. SHirkan waxa hormood u ahaa oo hagayay xubnihii Jabhaddii SNM, iyo golihii guurtida. Waxa iyaguna lagu casuumay oo door muhiim ah ku lahaa madaxdhaqameedkii beelaha darafyada ee Somaliland, iyo siyaasiyiinytii aan SNMta ku jirin.

Ilaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa wakhtigaa ahaa gudoomiyihii SNM marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxaana ku xigeen u ahaa Xassan Ciise Jaamac oo isagu haatan nool. Waxaynu wax ka soo qaadan doonaa khubdadii ay shirkaa ka jeediyeen Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Ilaahay ha u naxariistee marxuum Ibrahim Maygaag Samatar oo wakhtigaa ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM.

Barnaamijkan oo noqon mid taxane ah oo aanu kaga qayb galayno xuska 18ka May waxa uu si taaxane ah ugu soo bixi doonaa wargeyska FOORE. Waxaynu barnaamijkan kaga sheekayn doonaa marxaladihii kala duwanaa ee dhinacyada nabadgelyada, dibuheshiisiinta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka iyo dhinacyada horumarka ee ay Somaliland soo martay. Waxaynu sidoo ku soo qaadan doonaa hadaladii dhaxalgalka ahaa ee haldoorka Somaliland qaar ka mid ah.
La soco………
!!!somaliland socdaasho samadaa dusheediyo xidigahay ku socotaa soo noqona maysee kii sugaayoow samir !!!
wixii faahfaahina ee intaa dheer nagala soo xiriir
email: saaxil1@live.com
waa diyaarintaa cabdi samed baashe

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s