Xishoodka Hablaha Iyo Xanuunka Jaceylka


sheekadan waxa isku soo habeeyey wiiilka da’da yar eelagu magacaabo cabdi samed baashe
email:c.samed1066@hotmail.com .

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kade*** ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan umaqashay qays iyo layla,ceebla iyo cantar,cilmi iyo hodan kuwaa soo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”
Qaybta Koowaad

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday. Qisadan waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eeg tahayku kuwa dhaca maalin walba balse aa da yarto in badan udhugyeelan. Waxaa iswaydiinleh marka hore waa maxay sababta marar badan keenta in qof lahayste u ahaado midkale oon abtirsiimo kadhaxayn ,kana awood waynayn imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu kahiiliyey oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro iyadooy sidaa tahay wa meerto duniduyoo waxaa layidhi (aduunyooy waalaley aduunyooy waayo badan maxaad waagii baryaba wacdaro gaara leedahood uwanaagsan tay wiil midkalena waabay suniyo uwalaaqausaa dhunkaal) .

Hadaba jaceylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay u gudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka wuxuu u fidaa sida ay u fidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan. Wuxu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo hadiiba aanu labadoodaba asiibin, geedkan jaceyl ayaa noqda mid qaaadha oo laamihiisa dib ula noqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.
Cida keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha jaceylka iyo sida loo xanaaneeyo, waxa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama utalaabeen geesta kale nolasha,kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan hadaba qiimayn iyo darasad lugu sameeyey tirada ku guulaysata ama ka adkata waayaha adag ee soo waajaha ayaa noqotay mid aad uga yar tirada lamaanaha aan usoo gudbin wareega labaad ee nolashooda kuwaas oo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba an ee ay uga siibteen salaanka nolasha sidaas oo ay tahay qoladan lafti goodu waxay uqaybsamaan laba oo kala ah shaqsigii keenay kala hadhka iyodhalan dhoolka ay hadeer kusugan yihiin iyo mid lagaba yaabo inuu helo waxa inta badan bulshadu utaqaano nabsibaxa oo isagu inyar kamuuqaal roon ka jabiyay wacadkii dhex yiil Oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee kahadla nabsiga sida(gacaladaydaay hadaad igoso gami mayo wiilkale hadaad garabkasaartee balgudoon geeridayda gabadhyahay)

hadaba sida uu qabo caalim sare oo ka faalooda jaceylka wuxuna yidhi: “Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba ulahaa (balan maaha jacaylku bandhig laysugu baaqee waa ishaa biligtaada wax bogaaga ku beerma)
Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is ag joo*** muddo aad u dheer oo xataa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa arrimihiisa ama ahel ahaa oon loo filayn inuu kadhex dhasho jacaylku Tusaale (hibooy inaabti haduu hilikaygu kuguyaal ama uu habeen qudha kaa galay hunguri haka aamusine nafta baas lahadaloo haasaawi galab qudha”, Caalimku isagoo hadalkiisa sii wada wuxu yidhi jaceylku wuxu u baahan yahay mariin ama arad bax.

In badan baa markaa isweydiisay, oo jaceyl arad baxa sidee buu odhanayaa miyuu xidhanayaa oo waa qof, balse tolow ma arki kartaan jaceyl arad baxay? Su’aashan isagoo sii faahfaahniya ayaa wuxu yidhi: “ha moodin arad baxa jacaylku inuu yahay dhar la xidho ee waxaa jira dadka is jecel ee waliba muddo meel wada deganaa waxay mar mar u baahdaan inay isu soo xiisoodaan tiiyoo aanu xiisahaasi ahayn mid marka hore cadho lagu kala ta***o balse uu yahay sida xagaagii oo kale oo loo dalxiis tago meel aan ahayn halkaad degenayd soo noqodkiina waxaad la soo guryo noqonaysaa buu yidhi idinkoo sita jaceylkiinii hore mid ka cusub oo aad moodo in uu hada bilow yahay haddaba marka aynu intaa ku dhaafno sida iyo qaabka ay jacayladu akala baxaan waxaa iyana meesha kujirta oo ubaahan inlayara dul istaagno oo aynu inyar iftiimino faa iidada jacaylka amase qiimahaugu roon eelaga helayo shaygan isaga ah uma baahna bay ila tahay inaad mudo kasiifakarto jawaabta su aashan oo ah midhaha jacaylku waa (UBAD)wxaa kale oon daah inaga saarnaynayn in in badan oo dhalinyaro ahi og tahay maanta sida uu yahay waxa uu yahay iyo waliba qaabka ama habka looga bogsoodo marka hore, marka xiga iyo ugu dambayntaba taasoo sida laysku raacay dawadiisu tahayLamaanaha oo is hela Waxaad moodaa inynu kudheeraanay sharaxa iyo macnaha balaadhan ee uu xambaarsan yahay jacalku

Hadaba bal aynu u soo noqono qisadeenii ahayd(xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay laba qof oo is jecel midkood kii kalena la qaatay balse waayuhu kala fogeeyey, waqtigu kala kaxeeyey, is waayey in badan walbahaar jaceyl iyo werwer ku noolaa. waa qiso ka turjumaysa sida waalidku aanu mar marka qaar ama inta badan aanu u tixgelin jaceylka iyo rabitaanka ubadkiisa gaar ahaan gabdha oon lawaydiin waxa ay rabaan cida ay calmadeen balse qoorta looga galiyo nimaanay waligood is arag isku da ahayn is dooran………..

Waa qiso in badan ka hadlaysa sida ugu haboon ee aad ku gaadhi karto guul marka aad rabto in aad jaceylkaagu noqdo mid waara oon wiiqmin. Waa qiso xambaarsan inta aad ka tabayso jaceyl iyo waxa uu ka kooban yahay waxaad kala kulmi doontaa runtii meelo badan oo aan hubo in aad is odhan doonto malaha waa adiga qofkani.
Waa qiso muddo dheer laga shaqaynayey waxayna ka mid tahay Buugaagta faro ku tiriska ah ee lagu daabacay dalkeena, inkastoo jaceylku uu yahay waxa sababay in la qoro buugan haddana waxaad odhan kartaa ama u qaadan kartaa sidii cashar oo kale, waayo naftaa u baahan in wax badan ay ka ogaato macnaha erayga jaceyl. Anigoon rabin in aan wax badan idiin hordhaco haddana qisadani waxay kaga duwan tahay kuwa kale oo badan iyadoo ah mid la jaan qaadaysa waqtiga aynu joogno iyo da yarta hadeer. Waxay kubilaabmatay qisadan lamagac baxday Xanuunka jacaylka iyo xishoodka hablahu sidan:

Subeer waa wiil madi ah oo reerkooda ugu weyn, waxayna wallaalo yihiin laba gabdhood oo hoos uga yar. Subeer waxa uu had iyo goor dhe***staa heesaha ka sheekeeya arrimaha caashaqa, wuxuuse si gaara u xiisayn jiray heeso ay ka mid yihiin “Baalgoray” oo ka mid ahayd heesaha jaceylka ah ee uu qaadi jiray Alla ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan. Subeer waa wiil gaaban, midabkiisuna waa madow dhallaal widh-widhaya, waana nin aftahan ah oo ka mid ah dadka balaaqada hadalka hodanka ku ah, wuxuuna ka shaqayn jiray meherad weyn oo ganacsi ah, meheradaas oo uu Aabbihii leeyahay waxa uu aha xiisaabiye. ………
la soco qaybta danbe

3 Comments

  1. No bad🙂, it’s I remember, to I come in handy

  2. Sxb wan ka helay qisadan aadka dee u macan wali maanan arag qisa noocaan ,mahad sanid c.samad

  3. Walaalyaal wan idin salamay arinta aad wadan aad ayaan ugu faraxsanahay waxaan idin leyahay haka cajisina wana idinku dhiri galinayaa arinta fican oo aad wadan ilahay ha idin ku guuleyo arinta fiican oo aad bulshada uhaysaan waxaan idin leeyahay kalkiinaa kawada mansha alaah. Ok. By mohamed abdi haji


Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s