berbera: websiteka http://www.saaxil.tk wuxuu idiin soo gudbinaysaa Sheekadii Xiisaha badnayd “Dardaaran Qiso Jacayl !!” oo ay soo dalbadeen dadkii horay u akhristay la soco khamiis kasta Sheekadii oo kooban.

Maxaad ku barideen, side tihiin ayay hooyo Barni hadal ugu bilowday Guuleed ka dib markii uu albaabka ka furay.“Hooyo alxamdulillaah, Ilaah ayaa mahad iska leh, maxaad isku soo dhibtay” ayuu si xushmad iyo dhawris ka muuqato ku soo dhoweeyay soddohdiisa, iiga warran Sucdi, xalay side ayay ahayd”ayay hooyo Barni ku tiri Guuleed iyadoo guriga hore u sii galaysa, runtii hooyo aad ayay uga soo kabanaysa, waxaa mahad iska leh Ilaahay”,ayuu yiri:Guuleed.

Hooyo Barni ayaa sidii ay u sii socotay abaartay qolkii ay jiiftay Sucdi, Alle hooyo maxaad isku soo dhibtay” ayay Sucdi hadal ku furtay iyadoo ka muuqato farxad iyo niyadsan,maxaa ku jaban haddii aan in yar idiin soo lugeeyay, shalay ayaa isugu kaaya dambaysay, waana igu waajib in aan idinka soo war doono ayay Barni gabadheedii ku tiri,“hooyo maxaad cabbaysa” ayay weydiisay Sucdi hooyadeed, wixii yaal uun, waxaanse jeclaan lahaa in aan helo koob biyo cad ah,Guuleed macaane hooyo biyo ula soo orod ayay Sucdi ninkeedii ka codsatay.

Markii ay in muddo ah isla joogeen hooyo Barni iyo gabadheeda Sucdi ayay macasalaamaysay hooyo, waxaana ilaa illinka laga baxo u sii dhoweeyay Guuleed.

Markii uu ku soo noqday Guuleed Sucdi oo weli ku jiifta sariirtii uu ku ogaa ayuu weydiiyay Sucdi xaalka hooyo, maadaama ceshooyinkan ay meelo badan ka yara sheeganaysay, waxay u sheegtay Sucdi Guuleed in xaalku uu weli sidii yahay oo aan waxba iska beddelin, markaas ayay waxay raacisay “ waan ka xumahay in ay hooyaday noqoto minweyn, weligey kuma aanan fekerin aabbe ayaa hooyo la guursan doona, waayo dhibaatadii ay igu soo korisay ayaan ogahay, Alla odayaasha Soomaaliyeed markii ay da’ noqdaan maxay iskugu maleeyaan in ay yihiin doob aan weligood guursan” Guuleed ayaa wuxuu la soo booday “haweenkaba markii ay weynaadaan waxaa ka tagta naxariista ay u hayaan raggooda” Sucdi ayaa iyadoo ka caraysan hadalka saygeeda kula soo booday “kolley haweenku dhaqan uma laha in ay ka tagaan raggooda saba la’aan “ragga waxaadba moodda markii ay waynaadaan wiil doob ah oo waxay u dhaqaaqaan sidii ay gabar yar u guursan lahaayeen, taas ayaaba ah wax lala yaabo nin marwadiisa markii uu ku ag duqoobay ka taga oo ka sii durka meeshii laga rabay in uu u soo dhowaado” Guurka badan ragga, Ilaahay ayaa u banneeyay waa ku sidee xabiibi ayuu ku yiri Guuleed isagoo dhoolacaddaynaya. “waxa ay sameeyaan odayaasha Soomaaliyeed guur uma aqaano ee waxaan u aqaanaa khiyaano iyo dambi la urursanayo”ayay Sucdi ku soo celisay ninkeedii. “dembiga la garaye maxaad ka waddaa khiyaanada xabiibi” ayuu waydiiyay Guuleed “khiyaano waxaan ka wadaa in uu oday guursado gabar aad uga yar, waa adag tahay ninkaas in uu ka soo baxo waajibkiisii oo uu ka qanciyo meelo badan gabadhaas, dembiga dabcan waxa uu ka galay xaaskiisii oo uu cidlo uga tegay waxuu ku fekeray in uu ku yiraahdo waxaa ila kaa qeybsanaysa haweenay kale, ka dib markii ay ku dhammaysay muruqeedii iyo maskaxdeedii intaas oo sano.

Aniga shaqsi ahaan 100% aad ayaan uga soo horjeeda ragga haweenkooda la guursada haba u sii darnaadeene odayaasha ayay ku soo af jartay Sucdi hadalkeedii. “is deji haddii aanu nahay ragga guurka waa naloo oggolyahaye” ayuu ku yiri Guuleed isagoo xoogaa cayaar ka muuqato, “haye ma waxaad adigana rabtaa in aad sidaas oo kale sameysid oo intaad naag kale guursato hadhow cidla iiga dhaqaaqdid? ogoow maalinta aad sidaas sameysid in ay noo kala dhammaatay, ayay Sucdi cod caraysan ku tiri, “waa mid aan dhici karin in aan inta aan noolahay kula damco dumar kale “ xitaa haddii aad dhimato niyaddaydu awood uma laha qof kale”ayuu ku qanciyay xaaskiisii Guuleed isagoo ka naxsan hadalka marwadiisa. “waan kula kaftamaayay raalli iga noqo, dabcan haddii aan noolahay iyo haddii aan dhintoba xor ayaad u tahay wixii aad doonto”ayay Sucdi tiri, iyadoo xoogaa dambiile iskula muuqata “sideen xor u ahay adigaaba i lehe, xor ma’ahi mana noqon doona insha Allaah ayuu yiri Guuleed isagoo ku soo dhowaanaya xaaskiisa, wuxuu kaloo taas u sii raaciyay “maalintii aan ku bartay ayaad waxaad igu iibsatay qiimo aanan weligey bixin karin, marka xor waqti ayaan ahaan jiray hadeerse ma’ahi” “waxa aan kugu iibsaday muxuu yahay”ayay Sucdi weydiisay ninkeedii “ma doonaysa in aad ogaatid” ayuu Guuleed weydiiyay Sucdi “haa bal ii sheeg ma ogiye” ayay tiri iyadoo xoogaa dhagaha taagaysa Sucdi “waa JACAYL” ayuu ku qayliyay Guuleed, Sucdi ayaa isku yara xishootay jawaabna aan ka bixin hadalkii ninkeeda Guuleed

Sucdi ayaa eegmo kala soo noqon ninkeedii Guuleed, markaas ayuu weydiiyay maxaa dhacay oo aad sidaas iigu eegaysa sidii aniga oo kugu cusub, “waxay ila tahay in aanan weligay ku arkin oo kale, waayo marba marka ka dambaysa waxaad igu noqonaysa wax cusub oo aan xiiso badan u hayo, “sidee ayay taasi ku dhacday xabiibi” ayuu ku celiyay Guuleed Sucdi “ma aqaano runtii waxaad mooddaa in aan shalay ku bartay welina aad haraad u qabo barashadaada” aniga xitaa taas waan kula wadaagaa gacaliso ayuu cod degganaansho iyo naxariis wada wata ku yiri Guuleed.
lasoco qaybta labaad:
waa qalinkii iyo farsamadii cabdi samed baashe xuseen
email:c.samed1066@hotmail.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s