Dhoof iyo Dhaxal Caashaqqaybtii 3aad


Dhoof iyo Dhaxal Caashaq
waa diyaarintii cabdi samed baashe
Qebta 3aad

Ladan waxay la-tashi jacayl la samaysay Gabar ay saaxiibo Naf-qeybsi ahahaayeen, isku fasalna wada dhiganayeen oao lagu magacaabayay Nasro Shiikh Yoonis…Laakiin Nasro markii saaxiibteed ay u sheegtay in ay jeceshahay Liibaan, welibana ay soo loodin la’dahay ayay naxdin la suuxi gaartay oo filanwaa ayay la noqotay “Ma adigoo ladan Jaamac ah oo reer barwaaqeysan ka soo jeeda ayaa Liibaanka aabihiis qabri qodaha yahay ee Boobareetiga jeclaatay..!! Waa la hoogay, naa hoy is duug oo Qabriga ii qod isaga laftiisa ku dheh isagaaba Qabriyada u qoda dadka geeriyooda’e”.

Meeshii ay talo jacayl oo ay ku qanacdo ka sugeysay Saaxiibbteedii ay ku kalsooneyd hadallo aan u qaadmin ayay jawaab uga dhigtay, markaasay inta ku xanaaqday fadhigii kaga sara kacday oo xiriirkii Saaxiibtinimo ka goosatay, sidaasna ku kala haajireen, waxayna Ladan is tustay in iyadoo aan cidna la tashan ay Liibaan jacaylkiisa ku mintido.

Ladan waxay intaa kadib bilowday in marka xilliga Break Time-ka loo baxo ay Liibaan ka dalbato in uu Casharada la qaatay dib ugu naqtiimiyo, iyadoo sidoo kale shaaha iyo quraacda Baarka iskuulka ku yaala ee Ardadu wax ka cunaan u soo kaxayn jirtay kana bixin jirtay, iyadoo Liibaan uusan weligiis Baarkaas soo ag istaagin shiidnimo awgeed, balse Ladan ayaa ku qasabtay codsiyo dhowr ah oo ay u gudbisay kadibna uu kaga yeelay, sidoo kale Ladan waxay isk dayday in Gaariga lagu soo doono xilliga rawaxaadda ay Liibaan horey ugu sii kaxayso laakiin taas wuu ka diidey oo u sheegay in uu ka jecel yahay Lugtiisa oo uu maalo si uusan kibirka iyo isla weynida u baran iyo isagoo diiddanaa in Gabar ka darajo sareysa uu Baabuurkeeda raaco, waase lakala war la’ yahay.

Liibaan oo ahaa Arday cuqdad ka qabay dhalinyarada ay isku iskuulka yihiin oo uusan hadal la qeybsan weligiis ayaa waxa uu iska ilaalinayay mar walba inuu Ladan qorshaha ay wadato u soo dabco waayo shaki ayuu ka qabay xiriir la wadaageeda oo wuu iska ilaalinayay, waayo wuxuu horey ula socday dhacdo ku dhacday Wiil isagoo kale ah oo jacayl la wadaagay gabar reer ladan ka dhalatay reerkeeduna dhinaca Dowladda lug ku lahaa oo Jacaylkaas uu Wiilkii baas iyo hoog ka raacay, isagana sidaas oo kale ayuu uga cabsi qabay in laga raaco jacayl la wadaaga Ladan.

Liibaan waxaa u caddaatay in Ladan ay danaynayso isaga oo ay jeceshahay, inkastoo weligiis uusan soo marin Jacayl haddana aqoon dhinaca maqalka ah ayuu ka heystay oo dhalinyaro badan oo Rag & Dumar ah oo jacaylka shirko ku noqday ayuu soo arkay halka kuwana ay ku khasaareen kuwana ka guul gaareen oo nolol mustaqbal leh wadaageen ubadna ku hanteen, laakiin isaga uma uusan soo jeedin jacayl kumana uusan deg-degeynin xaaladda nololeed ee uu ku suganaa awgeed, waayo waxa uu ahaa Nin ka aradan macaanida Adduunyada, oo xitaa dacaska uu wato kar ayaa saarnaa, shaarka Iskuulka uu ku dhigto wuxuu ahaa Bafto caddaad dhammaad xigeen ah, Surwaalka kaakiga ahina Huudheyda ayuu ka soo beecsaday oo wax uu isaga baddalana ma uusan heysan oo isaga ayuu iskuulka ku dhiganayay Magaalo ku joogna u ahaa, inkastoo shaarka Baftada ah ay u wehlisey Funaanad duug xigeen ah oo mar walba uu xiran jiray isagoo>>>>>>>
lasoco qaybta danbe wixii suaalo ama talo ah ee aad nagu soo biirin kartid fadlan emailkan noogu soo dir:
email:saaxil1@live.com

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s