Shirqoolkii Shirweynaha DUBUR oo ku Fashilmaya Xeebta BATALAALE iyo Kan Maanta Furmaya oo Afarta JIHO Lagaga soo Qulqulayo Suldaan Guud ee Beelaha Suber-Awal oo Xaadir ku ah Shirka DUBUR


Shirqoolkii Shirweynaha DUBUR oo ku Fashilmaya Xeebta BATALAALE iyo Kan Maanta Furmaya oo Afarta JIHO Lagaga soo Qulqulayo

Suldaan Guud ee Beelaha Suber-Awal oo Xaadir ku ah Shirka DUBUR

Berbera,(Qaran news)-Shirweynihii Beelaha Ciise Muuse, ayaa Maanta si rasmi ah uga furmaya deegaanka DUBUR ee Degmada Sheekh, kaasoo Labadii Maalmood ee u danbeeyey si isdab-jooga ugu sii gurmayeen Kumanaan iyo Kumanaan qof oo ka tirsan Siyaasiyiinta, waxgarad, Culimo-awdiin, Ganacsto, Madax-dhaqameed, dhalinyaro iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee reerku, shirkaasoo sida ay marar badan ka dhawaajiyeen aqoonyahanka iyo Madax-dhaqameedku arimaha ugu waa-weyn ee laga hadli doona ay ka mid yihiin danaha-shaqsiyadeed iyo deegaan ee Beelaha Ciise Muse.

Shirka Maanta ka furmaya deegaanka DUBUR, waxa si weyn uga soo horjeeday qabashadiisa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, oo iyadu u arkaysay mid siyaasiyan caqabad ku ah Maamulkooda, sidoo kale, waxaan meesha ka madhnayn doorka siyaasadeed ee ay shirka ku leeyihiin siyaasiyiin badan oo reerku leeyahay, kuwaasoo qaarkood doc-darooyin fara badan ka tirsanayeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa KULMIYE, gaar ahaan xilliyadii uu Mu’caaridka ahaa Madaxweynuhu. Tusaale ahaan Shirweynihii 2aad ee Xisbiga KULMIYE, kana dhacay Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, kaasoo Mujaahid Ibraahin Dhega-weyne uu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay jagadda Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga, jagaddaasoo uu kula tartamay Muuse Biixi Cabdi.

Doorashadaasoo inkastoo muuqaalkeedu u ekaa mid ku salaysan nidaamka Dimuqraadiyadda, hadana marka hoos loo eego qaabkii dabayshu u dhacaysay, waxaan shaki ku jirin in Ibraahin Dhegaweyne tirade codadkii uu meesha ka helay ay ahaayeen kuwo ay siiyeen dad u badan deegaanka Gobolada Saaxil iyo Togdheer, halka rag badan oo uu filayeyna ay gacmaha ka laabteen, sida Mujaahid Maxamed Kaahin iyo xubno kale oo fara badan.

Dareenadaas iyo qaar kaloo badan waxay ka mid yihiin sababaha Maanta keenay in Xukuumadu wadnaha farta ku qabato, isla markaana ay ku dhaqaaqdo talaabo kasta oo u sahli karta sidii Shirku u baaqan lahaa ama loo wiiqi lahaa awoodiisa, sidaa awgeed-na waxa ka mid ah Geed-sare-waabka ah ee Maamulka kala hortegay Shirka abuurida ama abaabulka Shir kale oo isagana loogu magac-daray inuu yahay mid Beeshu qabsanayso, haseyeeshee hana-qaad noqon waayey.

Haddaba arimahaasoo dhan waxaanu idiinka soo diyaarinay warbixintan, iyadoo faahfaahsan waa sidan;

Waxa beryahan hadal-hayntiisu marba marka ka danbaysa isa soo taraysay shir ay ku baaqeen Beelaha Ciise Muuse, kaas oo sida marar badan laga dhawaajiyey la qorsheeyay inuu ka dhici doono 29-ka bisha Sep 2011 Degmada Sheekh, gaar ahaa Tuulada Dubur.

Xukuumada Somaliland oo aan u bogin arintaas, ayaa marar kala duwan, waxay isku Geed-dheer iyo mid gaaban-ba u fuushay sidii ay isku hortaagi lahayd Shirka, si ajendaha qorshaheedu ugu hirgalana, waxay dhaqdhaqaa jisay meelo badan oo ula muuqday inay wax weyn ka tari karaan hawshooda. Waxaana ka mid ah meelaha sida aadka ah Xukuumadu uga hawlgashay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Saaxiil, hase-yeeshee nasiib darro hawlgaladaasi may noqon kuwo 60% [Boqolkiiba Lixdan] u dhacay sidii ay doonayeen.

Waxaana mararka qaarkood saadaalaha dhaqdhaqaaqyada Xukuumadu u ekaayeen qaar sii laban-laabay taageerida iyo abaabulka hawlaha shirka DUBUR, waxaana taas daliil u ah loollanadii Magaalada Berbera ka dhacay Isniintii Toddobaadkan aynu ku jirno, kuwaasoo ka aloosmay khilaaf ka dhashay shir la sheegay inay Xukuumadu dabada ka riixaysey oo lagu wiiqayey taageerada Shirka DUBUR oo la rabay inuu isla maalintaa ka furmo Magaalada Berbera, kaasoo markii la isku mari-waayey furitaankiisa ay ka soo dhex baxday ayidaada dad badan oo markii hore aan ku qanacsanayn Shirweynaha DUBUR.

Waxan ka mid ah waxyaabaha arimahaa ka soo baxay taageeradii ay isku barbar taageen kulanka DUBUR dhalinyarada Beelaha Ciise Muuse, oo iyagu si niyad samiyi ku jirto usoo dhoweeyay shirka, isla markaana sheegay inay cid kastoo ka hor timaadana ay wada-jir ugu jawaabayaan, sidaa awgeed-na aanun jirin wax haba-yaraatee dawladu ka bedshay ajandihii hore.

Sidoo kale, dad qaarkood, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qabashada Shirka lagu doc-wareemayo kulanka reerka ee DUBUR, waxaanay dadka dabada-ka-wada arintaasi ku sifeeyeen kuwo aan wadin danta reerka, balse ay ujeedadoodu tahay mid ku salaysan muraado iyo qorshaal shaqsiyadeed oo iyaga ku kooban, xubnaha sida aadka ah farta loogu godayey, isla markaana lagu tuhunsan yahay inay dabada-ka-riixayaan Shirka doc-wareenka ah, waxa ka mid ah Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Ramaax iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Md. Axmed, masuuliyiintaas oo sida la sheegay Laba cisho ka hor mudada Shirka qabsoomidiisa loogu talo-galay ku hawlanaa Gaadiid ay u kala direen Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, Gaadiidkaasoo qorshuhu ahaa in lagu daad-gureeyo Odayaashii Shirka muraayada looga dhigi lahaa marka uu furmo.

Haddaba Shirka ku eriga ah oo ku mudeysnaa 27-kii Bishan, kuna beegan Salaasadii doraad, waxa uu si rasmi ah uga furmay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera, kaasoo sida dad goob-joog ahi sheegeen Hoolkii uu ka furmay ay ka soo xaadireen xubno aan sidaasi u badnayn, isla markaana u badan Odayaal tiradooda lagu qiyaasay ilaa Afartaneeyo, sidoo0 kalena waxaan madasha ka muuqan raggii yaalaaba lagu yiqiiney munaasibadahan oo kale ee waayeelka reerka, marka laga reebo Cuqaal dhawr ah, oo iyaga lafdigoodu ahaa Cuqaashii waayadan danbe la caleemo-saaray, waxaana Shirka xidhmay abaara 10-kii subaxnimo sidii lagu yiqiin SIMINAARADA hay’aduhu qabtaan oo kale.

Dhaqdhaqaaqa muuqda iyo dareenada kala duwan ee ku xeeran Magaalada iyo deegaanka Saaxil, ayaa ah mid aad u leh waxaana is hirdiyay laba dhinac oo aad u kala awood badan una dhigma sawiradii xilligii u socday ololihii u danbeeyay ee Doorashada Madaxwaynaha, taasoo Xisbiga KULMIYE lahaa awood badan halka Xisbiga UDUB-na lahaa awood taa ka hoosaysa, waxaanay taasi ku tusaysaa in xaalada jirta awgeed aan odhan karo Laba Shir ayay qabsadeen Beeshaasi, balse uu kala yahay Shir koox koobani wado, ksidaa awgeed-na ay si dhuumasho dhabar ku jirto u Leed-garaacayaan Shirweyne loo dhan yaha, oo ay gadh-wadeen ka yihiin xubnihii siyaasada iyo dhaqanka-ba reerka ku meteli jirey. Waxaana wararka naga soo gaadha Gobolka Saaxil sheegayaan in xubno ka dadkii lagu furay Shir-doceedka aan loo dhamayn durba ka soo boodeen hawlihii Shirkaas, kadib markii leex-leex uu galay kharashkii loogu balanqaaday in la siiyo xubnahab ka qayb-galayaasha ah.

Geesta kale, Shirka DUBUR oo isaguna ku mudeysan inuu deegaankaasi ka furmo 29-ka Bishan oo ku began Jimcaha beri ah, waxa badi dhaqaalaha loo qoondeeyey bixiyey maalqabeenada reerka iyo qurbajooga, halka sida wararka qaarkood sheegeen kharshiyaadad yar-tar-na ay si aan toos ahayn u bixisay dawlada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hada ma cada sababta Xukuumadu uga biyo-diiday qabsoomida Shirkaas, iyadoo intii Xukuumada cusubi xilka haysay dalka ka dhaceen Shirar badan oo noociisa, kuwaasoo xataa qaarkood ay ka dhaceeen Caasimada Somaliland, dhinaca kalena waxaan la saadaalin karin natiijooyinka ka soo bixi doona Shirka DUBUR nooca ay noqon doonaan iyo weliba qodobada lagu gaadha meelaha iyo waxyaabaha ay diirada saari doonaan ha noqoto qaab-siyaasadeed, ama’se ha noqoto qaab-deegaan ama dhaqaale midkay doonto’e, hase-yeeeshee waxay arimahaasi oo dhami kala cadaan doonaan dhawrka Toddobaad ee fooda inagu soo haya marka la gudo-galo bilowga ajendeyaasha dhabta ah ee lagaga hadli doono Shirka DUBUR oo Maanta si rasmi ah halkaa uga furmi doona.

Leave a comment

No comments yet.

Comments RSS TrackBack Identifier URI

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s